Araweelo News Network
IIdleoohoosfadhiyaxasansheekhMogadishu(ANN)Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha uu magacaabay oo ka hadlay arrimaha garsoorka iyo caddaaladda ee Soomaaliya
Muqdisho (ANN)Garyaqaankii Guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, kadib markii xilkaas laga qaaday Guddoomiyihii hore ee maxkamaddaas Mr. Caydiid Cabdillaahi Ilko-xanaf shalay.

Garyaqaanka khiyaamada qaran kula kacay Somaliland oo hadal ka jeediyey madaxtooyada Soomaaliya oo lagu dhaariyey shalay, waxa uu codsaday in lala shaqeeyo, isagoo ka hadlay muhiimada caddaaladda.

“Marka la sheego garsoorka, waxa qof kastaba waxa maankiisa ku soo degdegaya caddaaladda, laakiin caddaaladdu faham ahaan way ka ballaadhan tahay inta garsoorka oo hay’ad kasta oo dawladda ka mid ah waxay gacanta ku haysaa adeeg laga rabo inay caddaalad ka samayso, hase ahaatee waxa isweydiin mudan sababta ay maskaxda dadka ugu soo degdegayso garsoorku. Sababtu waxa weeye haddii waaxda garsoorku hagaagto, caddaaladna ka muuqato, caddaaladna ku shaqeeyaan inta kalena way hagaagayaan,” ayuu yidhi Ibraahim Iidle Saleebaan oo khudbad ka jeediyey xaflad loogu dhaariyey xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, isagoo ilaabay inuu hore ugu dhaartay qaranimada Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliya Mr. Xasan Sheekh Maxamuud oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu khayr iyo wanaag u rajaynayo guddoomiyaha cusub ee uu u magacaabay Maxkamadda Sare.

“Maxkamadda Sare iyo garsoorkuba waa hay’ad ka tirsan hay’adaha dawladda oo ah tiirarka ay ku taagan tahay dawladnimadu, marka laga yimaad fulinta (xukuumadda) iyo sharci-dejinta waa hay’ad ah awoodda saddexaad ee dawladnimadu ku taagan tahay. Waxa aan rajaynayaa in wixii wanaag ah ee hore u qabsoomay la sii qurxiyo, wixii qabyo jira ahna ay saxmaan, guddoomiyaha cusubna waxa aan u rajaynayaa guul iyo shaqo wanaagsan haddii Ilaahay yidhaa,” ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa hore ugu dhaartay Qaranka Somaliland, balse waxay tallaabada uu ku kacay noqonay mid khiyaamo qaran ah, isagoo xaqiisii muwaaddinnimo ee Somaliland dhaafsaday xil uu ka helo shillimaad oo uu ka qabto maamulka madfaca kaaraha shisheeye lagu ilaaliyo ee Muqdisho.

Garyaqaanka Guud ee Somaliland oo Madaxweyene Siilaanyo xilkaa u magacaabay bishii July ee sannadkii 2011, waxa loo arkayay in aanu ahayn qof ku haboon, ama u qalma masuuliyada qaran ee loo magcaabay xiligaa, isagoo xilkaas iska casilay bishii la soo dhaafay ee April ee sannadkan 2016, isla markaana iska dhiibay magaalada Muqdisho, isagoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya.

Mr. Iidle oo muddo sannad iyo badh ah deeq waxbarasho ugu maqnaa dalka Koonfur Afrika, waxa uu ku kacay khiyaamo, isagoo khiyaameeyey dawladda iyo dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.