Araweelo News Network

rabshadalascanoodLaascanood(ANN)Xaalada Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa kacsan kaddib markii ay maanta halkaa ka bilaabmeen mudaharaadyo rabshada wata oo sababay khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed.
Ugu yaraan Askari ka tirsan ciidanka iyo qof shacab ah ayaa ku dhintay rabshadahaa saaka ka bilaamay gudaha Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool sida wararka ka imanaya xarunta gobolka Sool.
Rabshadaha ayaa ka dhashay Dilal qorshaysan oo mudooyinkan kusoo noq-noqday Magaalada Laascaanood, kuwaas oo sababay inay dadweyne cadhaysan saaka weerraraan Saldhig Ciidanka Boolisku leeyihiin, waxayna dadka dibad-baxayay khasaare gaadhsiyeen Saldhiga Booliska, iyagoo gubay gaadhi ay leeyihiin ciidamada booliska Somaliland. Sida ay sheegeen warar kala duwan oo Shebekada Araweelo News Network ka heshay halkaa.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xaalada magaaladu maanta gelinkii danbe deganayd, kadib markii Ciidanka Milaterigu la wareegeen xaalada amaanka, balse laga cabsiqabo inay rabshada kale ka dhacaan magaalada.
Laascanood, ayaa sanadihii u danbeeyay xaalada amaankeedu isa soo tarayay, kaddib sanado badan oo ay hadheeyeen magaalada dilalka qorshaysan oo ay ka fulin jireen kooxo aan haybtooda la aqoosan, balse lala xidhiidhin jiray kooxaha ka dagaalama Somalia.