Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa digniin u diray Saddexda Xisbi Qaran iyo taageerayaashooda, waxayna uga digeen in la sameeyo dabaaldegyo ka hor inta aan lasoo saarin natiijada doorashada dalka ka dhacday Isniintii 13 Nov 2017.

Komishanka, waxa kale oo ay ka hadleen qaabka loo soo saarayo natiijada, waxayna sidoo kale fariin u direen dadkii watay gaadiidka ee qaatay Numbarada Taarikada NEC mudadii ay socotay codbixinta, kuwaas oo ay sheegeen inay si deg deg ah usoo celiyaan Numbarada taarikada ee la siiyay.

Afhayeenka Komishanka Siciid Cali Muuse oo ka hadlayaa arrimahaa iyo kuwo kale halkan ka daawo.