Araweelo News Network

Stephen Paddock has been identified as the gunman.


Washinton(ANN)- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ka hadlayay Ninkii fuliyay weerarkii dhiiga badan ku daatay ee uu fuliyay Mr. Stephen Paddock, ayaa la weeydiiyay in uu falkaasi ahaa mid lagu tilmaami karo “Weerar argagixiso oo maxali ah” ayaa diiday in weerarkaasi ahaa fal argagixiso.

Madaxweyne Trump, wuxuu Mr, Paddock oo ahaa ninka fuliyay weerarka ku tilmaamay “nin xanuunsanayay”, balse wuxuu balanqaaday in ay dib u eegis ku samayn doonaan xakamaynta hubka Maraykanka ee dadka shacabka ah ay si caadi ah dukuumada uga iibsadaan sida uu dhigayo Dastuurka Dalka.

Mr. Stephen Paddock , waxa u suurta gashay inuu hub badan iibsado ka hor intii aanu weerarka ka qaadin, qolkii uu ka deganaa Hoteel lagu magcaabo Mandaleya Bay iyo gurigii uu deganaa ayaa laga helay 42 qori iyo kumanaan rasaas ah oo uu ku urursaday, ka hor weerarkii uu ku qaaday bandhiga ay ka qayb galeen in ka badan 22, 000 qof, waxaana Mr. Paddock u suurta gashay inuu toogasho ku dilo 59 qof, isla markaana ku dhaawacy in ka badan 500 qof, isagoo is dilay.

Weerarkaa oo dhacay Las Vegas, ayaa abuuray jaah wareer, isla markaana qaatay in lasoo afjaro saacad iyo dheeraad, ayaa noqday kii ugu xumaa ee dad intaa la’eg lagu laayo, ama dhaawacyo kasoo gaadhan weerar loo adeegsaday rasaas taariikhda Maraykanka.

Hadaba kumuu ahaa Stephen Paddock?

Paddock oo 64 jir ahaa, waxaa la sheegay in uu ahaa nin ladan oo xisaabiye hore ahaa, islamarkaasna haystay Tigidhka duuliyenimada iyo sharciga ugaadhsiga, isagoo lahaa lahaa labo diyaaradood oo yaryar, isla markaana ma jirin wax denbi ah oo loo diiwaan geliyay noloshisa sida lagu ogaaday baadhitaan, taas oo keentay in aan weli la fahmin sababta uu weerarkaa u qaaday.

Haseyeeshee qof ka mid ah dadkii dariska la ahaan jirey ayaa sheegay in uu ahaa dadka Khamaarka Ciyaara oo mararka qaar dhaqamadiisa ahaayeen kuwa aad loola yaabo. Sida lagu qoray warbixin ay uu faafiyay taleefishinka NBC News, Stephen Paddock ayaa dhawaan ciyaaray khammaar lacagtiisa lagu sheegay kumanaan kun oo doolar, balse ma cadda in uu guuleystay iyo in uu guuldaraystay.

Mid ka mid ah saraakiisha booliiska Las Vegas ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in ay jiraan sababo loo rumeysan karo in Paddock uu ahaa qof xagga maskaxda dhibaato ka haysato oo isku buuqsanaa.

David Famiglietti oo leh dukaan hubka lagu iibiyo oo magaciisu yahay New Frontier Armory ayaa BBC-da u sheegay in dukaankiisa uu hubka ka iibsaday Paddoc Gu’gii sanadkan, wuxuuna sheegay in Paddock uu buuxiyay dhammaan shuruudihii looga baahnaa qofka hubka iibsanaya oo ay ka mid tahay in qofka laga eego diiwaanka dambiileyaasha ee FBI-da.

Balse waxa uu intaas ku daray in qoriga uu isticmaalay laga yaabo in uu farsamo dheeraad ah ku daray , haddii kale aanay suurtogal ahaan lahayn in uu sidaas u shanqadho, khasaaraha intaas la’egna aanu geysto mudada sidaas u gaaban.

FBI-da waxa ay sheegtay in aanay helin wax raad ah oo muujinaya in Paddock uu xidhiidh la lahaa koox argagixiso ah oo Maraykanka dibadiisa ku nool.

Erick Paddock oo ah ninka ay walaalaha ahaayeen Stephen Paddock ayaa sheegay in Aabahood uu ahaan jiray nin Bangiyada dhaca, kaas oo ku jirey liiska FBI-da ee dadka loogu doondoonista badanyahay.

Shax ay ciidamada dhajiyeen sanadkii 1969-kii ayaa waxaa ka muuqda sawirka Patrick Benjamin Paddock., waxaana ku qoran in ninkan uu qabo xanuunka maskaxda ku dhaca.

Patrick ayaa la qabtay sanadkii 1978-dii isaga oo ku sugan gobolka Oregon. Waxa uu dhalay 4 wiil oo uu Stephen oo ahaa ninkii weerarka Las Vegas fuliyay u weynyahay.

Erick Paddock oo wiilasha ugu yar ayaa soo koray, isaga oo rumaysnaa in uu Aabihiis dhintay, balse sanado ka hor markii uu tagay machad ciidammada cirka, waxaa loo sheegay in Aabihiis uu noolyahay, isla markaana uu hore uga tirsanaan jiray ciidammada oo geesinimo lagu yaqiinay oo uu dhintay mar aan sidaa u sii fogeyn Patrick Benjamin Paddock sida ay faafiyeen warbaahinta Maraykanka.
Bruce Paddock ayaa NBC u sheegay in walaalkiis uu ahaa nin taajir ah oo malaayiin doolar ku maalgashada Guryaha. Sidoo kale Nin ah qandaraasle ka ah xagga difaaca oo lagu magacaabo Lockheed Martin ayaa sheegay in Paddock uu u shaqayn jirey shirkado xagga arrimaha difaaca ka shaqeeya oo isaga kaga horeeyay 30 sano ka hor.

Sanadkii 2016-kii ayuu degay guri labo dabaq ka kooban oo ku yaala Mesquite, Nevada, halkaas oo ay wada degenaayeen lamaanihiisa Marilou Danley oo 62 jir ah sida ku cad diiwaanada dowladda. Booliiska ayaa sheegay in ay ka shaki baxeen haweenaydan oo markii hore ay sheegeen in ay baadi goobayaan, balse la ogaaday in ay dalka Japan ku maqnayd oo aanay wax xidhiidh ah la lahayn weerarkaa.