“Waa in Magaalada Laga Saaraa Ciidmadda Qaranka Iyo Malayshiyada Guddaha Magaalada Laascaanood”  Maayar Cabdixakiim.

#Araweelo___News _Network.

Laascaanood(ANN) Khasaaraha ka dhashay dagaalada ka dhacay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa markii u horaysay lasoo bandhigay, kaas oo Isugu Jira tirada dadka ku dhintay, dhaawacyada Iyo dadka ku barakacay muddadii ay dagaaladu ka socdeen.

Maayarka Maagaalada Laascaanood, Cabdixakiin Cali Ismaaciil oo Khamiistii maanta warbaahinta la hadlay, isagoo ku sugan Magaalada, ayaa ka Warbixiyay khasaaraha uu sababay dagaalka sida googooska uga socday Magaalada ee u dhexeeyey Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo malayshiyo deegaanka ah oo kaalmooyin ka helayay Kooxo lala xidhiidhiyay Al-Shabaab iyo weliba Ciidamada Maamul goboleedka Puntland ee Somalia iyo Kooxo kale oo ka tirsan Ciidamada dawladda Federaalka Oo ay weheliyaan Malayshiyaad gadaal kaga soo biiray oo kasoo gurmaday Kililka Shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia iyo dhinaca Magaalada Gaalkacayo.

 

” waxa ku dhintay Magaalada dad gaadhaya 210 qof, waxa ku dhaawacmay 680 qof, waxaana ka qaxay Magaalada iyo nawaaxigeeda ee Degmada Laascaanood dad lagu qiyaasay  200, 000 qof.” ayuu yidhi, Maayarka Laascaanood Cabdixakiim oo ay hareera fadhiyaan xubnaha gollaha deegaanka.

Maayarku, wuxuu sheegay in dagaalka oo ka bilaabmay Magaalada Laascaanood Febeuary 6, 2023, uu socday muddo 24, cisho ah, issgoo xusay in dagaalku ahaa mid u dhexeeyay Ciidamadda Qaranka Somaliland iyo Malayshiyo deegaanka ah, balse ma xusin Maayar Cabdixakiim dhincayda kale ee dagaalka qaybta ka ahaa.

“Waxaan marka hore Beesha Caalamka, Midawga Africa, Jamciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa, Ummadda Soomaaliyeeed iyo cid walba u caddaynaynaa Annagoo ah golihii deegaanka ee Degmada Laascaanood in dagaalku u dhexeeyo Ciidamadda Somaliland Iyo shacabka deegaanka” ayuu yidhi, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada xukuumadda Somaliland ee ah in ay Maagalada Laascaanood ka dagaaalamayaan Kooxo Al-Shabaab Iyo Ciidamadda ka yimi dhinaca Puntland Iyo kuwo dhanka Soomaaliya Iyo deegaamo kale kasoo galay halkaa si ay dagaalka uga qayb qaataan.

“waxan beeniyayaa in dagaalka aannay Puntland, Aragixiiso Iyo dawladda Soomaaliya aannay qayb ka ahayn, dagaalku wuxuu u dhexeeyaa Ciidamadda Somaliland Iyo shacabka deegaanka, sidaa ayaan cid walba u caddaynaynaa” ayuu yidhi, Maarayka Laascaanood.

Mar uu ka hadlayay khasaaraha hantida wuxuu sheegay in tiro 715 Guri uu sababay dagaalku Inay burburaan, halka ay xidhmeen 16,000 ganacsi, isagoo xusay in dagaalku Khasaare u geystay Adeegyada aasaasiga ah, sida Laydhka taas oo sababtay in muddo 48 saacadood Magaalada Laydhka ka maqnaa.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Khasaare soo gaadhay dhismayaasha dawladda Iyo qayb ka mid ah Cusbitaalka Magaalada.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in ay usoo jeedinayaan in Ciidmadda Somaliland la geeyo Caynaba oo laga saaro Magaalada, sidoo kale, in Malayshiyaadka hubaysan ka baxaan Magaalada si ay u hirgasho xabbad joojintii, Isla markaana wadahadalo nabadeed oo xal waara ah loo gaadho, isagoo Maayarku sheegay in markaa Kaddib shacbiga loogu baaqo Inay kusoo laabtaan Magaalada si nolloshu caadi ugu soo noqoto.

Madaxdhaqameedka Somaliland, ayuu ugu baaqay inay hawsha doorkooda ka qaataan sidii nabbad loo gaadhi lahaa.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com