Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Wsiir ku xigeenkii Wasaaradda Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland  Eng. Cali Axmed Cali iyo Badhasaab ku xiigeenkii gobolka Sanaag Naaleeye Axmed Sheekh Jaamac, ayaa maanta iska casilay xilalkii ay ka hayeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Labadaa Masuul oo saxaafada kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay Inay iska casileen xilalkii ay ka hayeen xukuumadda iyo Xisbiga Muxaafidka ee KULMIYE, Isla markaana ku biireen Xisbiga Mucaardka ee WADDANI.

Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaardka ee WADDANI, ayaa hareeraha ka taagnaa markii ay labadaa masuul ku dhawaaqeen Inay iska casileen xilka.