Araweelo News Network

 

Somali Prime Minister Hassan Ali Khayre

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre’ ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxaha gumaadka ku haya shacabka Soomaaliyeed, xili uu la hadlayay dhalinyarada Gurmad Qaran oo maanta uu kulan la qaatay.

Ra’iisal Wasaare Khayre wuxuu tilmaamay in aan marnaba la eegan karin  xasuuqa lagu hayo shacabka, loogana baahan yahay dhalinyaradu in ay qaataan doorkooda xoreynta dalka, si jawaab adag looga bixiyo dhibaatadii ka dhacday isgoyska Zoobe 14kii bishan.

“ Cuddadda ugu badan ee dalku leeyahay waa idinka maanta haddii aan isku geyno awooddeena waxaa hubaal in dhib danbe aanay shabaab noo geysan karin” ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare Khayre.

Ra’iissl Wasaaraha, ayaa sheegya in marna aan la aqbali karin in magaalo madaxda dalku wehel u noqoto xasuuq joogto ah, taas baddelkeedana la rabo kooxaha argagixisada in loogu tago meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Khayre, ayaa  u sheegay dhalinyarada Soomaaliyeed in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uu isagu hoggaamin doono dagaalka, waxa uuna dhalinyarada ku booriyay in ay muujiyaan wadaniyad, kana difaacaan cadowgga dalka iyo dadkooda.

“Dhiigga aan ku bixinaynocusbitaalo insha allahu waxaan ku bixin doonnaa furimaha dagaalka. Madaxweynaha ayaa nagu hoggaaminaya dagaalka idinkuna u diyaar garooba difaaca dalkiina hooyo, kana qeyb qaata in ay nabad ku seexdaan caruurteena iyo hooyooyinka maalin walba barooranaya”. Ayuu raaciyey Ra’iisal Wasaaraha.

—DHAMMAAD—-