wadahadaladii u danbeeyay
Hargeysa(ANN)Shirkii wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo qorshuhu ahaa inuu magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka furmo Khamiista maanta, ayaa dib loo dhigay muddo laba maalmood ah.
Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wahadal ay ku yeesheen magaalada Jabuuti, 21 December 2014 ku heshiiyey qodobbo uu ka mid yahay in markale wadahadallada labada dhinac ka furmaan Turkiga, 26 iyo 27 February 2015 oo ku beegan maanta iyo Jimcaha berri.
Haseyeeshee, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa Jamhuuriya khadka telefoonka ugu xaqiijiyey xalay in wadahadalka dib loogu riixay maalmaha Axadda iyo Isniinta, kuwaasoo sida qorshuhu yahay ka furmi doona magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga.
“Wadahadalku waxay furmi doonaan maalinta Axadda haddii Ilaahay yidhaa, waxayna socon doonaan ilaa Isniinta oo ah muddo laba maalmood ah,” ayuu yidhi Wasiir Biixi, isagoo intaas raaciyey in guddida wadahadalka u qaabilsan Somaliland ay qorshaynayaan inay Hargeysa ka dhoofaan Jimcaha berri haddii Ilaahay yidhaah.
Dhinaca kale, xogo Jamhuuriya ka helay magaalada Muqdisho, ayaa tibaaxay in dawladda Soomaaliya ku dartay guddida u qaabilsan wadahadalka laba wasiir oo dhalasho ahaan ka soo jeeda degaannada Somaliland – Wasiirka Warfaafinta Mr. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo xilka la wareegay Arbacadii shalay, kana soo jeeda degaanka bariga Burco iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mr. Cali Jaamac Jangeli oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Xamar toddobaadkii hore, dhalasho ahaanna ka soo jeeda Gobolka Sool ee bariga Somaliland.
Waxa kaloo xoguhu tibaaxeen in dib-u-dhaca wadahadalku ka yimi dhinaca maamulka Muqdisho oo codsaday in muddo maalmo ah dib loogu dhigo, iyadoo la filayo in cudurdaarkaasi salka ku hayey sidii ergadooda ugu dari lahaayeen xubo dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeeda oo hore labada dhinac ugu heshiiyeen in aanay ka mid noqon guddiyada Soomaaliya uga qaybgalaya wadahadallada.
Go’aanka dawladda Muqdisho xubnahaas ugu dartay guddida wadahadalka u qaabilsan, ayaa ka horimana heshiis ay labada dal hore u in aanay Soomaaliya wadahadalka ku darsan masuuliyiin asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse lama oga go’aanka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka qaadan doonto tallaabadaas iyo saamaynta ay ku yeelan karto wadahadalka loo ballansan yahay Axadda iyo Isniinta soo socda.
Geesta kale, weftiyo ay kala hoggaaminayeen labada Mdaxweyne ee Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo laba maalmood ah wadahadallo ku yeeshay Jabuuti bishii December 2014, ayaa gunaanadkoodii kala saxeexday heshiis ka kooban lix qodob oo ku saabsan waxyaabaha labada dhinac iska kaashan karaan, sii xoojinta wadahadalka iyo in lagu dhiirrado guda-galka arrimaha xaasaasiga ah ee khuseeya masiirka mustaqbalka Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiin karaan, iyadoo la filayo in wadahadalka Turkiga miiska la soo dhigo arrimaha masiiriga ah ee khuseeya mustaqbalka labada dal.
Qodobadda labada Madaxweyne ku kala saxeexdeen kulankoodii Jabuuti oo Jamhuuriya dib u xasuusinayo akhristayaashiisa iyo bulshada Somaliland, waxa ay kala yihiin sidan:
“Iyada oo laga duulayo wadahadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland ee ujeeddadoodu ahayd in xal laga gaadho xidhiidhkii u dhexayn kara labada dhinac, ayaa madaxweynaha dawladda federaalka ee Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha dawladda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxay ku kulmeen magaalada Djibouti 21/12/2014. Waxay labada madaxweyne isla garteen:
1- In la dardar-geliyo wadahadallada labada dhinac, isla markaana waqti lagu jaan-gooyo.
2- Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in arrimaha siyaasiga ee masiiriga ah lagu dhiirrado, lana fuliyo arrimihii hore loogu heshiiyay oo ah:
A)-In laga dhawrasado wixii wadahadallada carqalad gelin kara.
B)-Inaan la siyaasadeyn deeqaha bani’aadanimada iyo mashaariicda dib-u-dhiska, walibana la dhiirrigeliyo.
C)- In la fuliyo heshiiskii hawada, iyadoo farsamo lagu salaynayo wixii lagu heshiiyay.
3)-Labada dhinac waxay isla garteen in dawladda Djibouti laga qeybgeliyo wadahadallada marka loo baahdo.
4)-Labada dhinac waxay ku heshiiyeen ilaalinta xuquuqul-insaanka, iskaashiga nabadgelyada iyo in meel looga soo wada jeesto la-dagaallanka argagixisada, budhcad-badeedda iyo dambiyada abaabulan (organized crime).
5)- In madasha tan ku xigta oo ay ku kulmayaan ergooyinka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland noqoto 26-27 Feberuary ee 2015-ka, laguna qabto magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga (oo ku beegan Khamiista maanta, balse dib u dhacay).
6)- Waxay labada madaxweyne Soomaaliya iyo Somaliland u mahad-celinayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle oo martigeliyay wadahadalkan, kadib markii ay ka codsadeen labada dhinac.”
Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa wadahadallo kala duwan dhowr jeer isku soo horfadhiistay, kuwaasoo aan ilaa hadda lagu soo hadal qaadin arrimaha masiiriga ah ee khuseeya goonni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland iyo qodobka midninada Soomaaliya maamulka Muqdisho ku dhegsan yahay, laakiin sida qorshuhu yahay waxa la filayaa in wadahadalka furmaya Axadda toddobaadkan ajandaha lagu daro arrimaha xaasaasiga ee khuseeya dhinacyada siyaasadda.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews