Araweelo News Network

 

Hargeysa (ANN)- Murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay in waqtigan la joogo ay dad tiro yar ku noolyihiin, isla markaana ku tagrifalaan khayraadka Dalka Iyo dawladnimada Somaliland, kuwaasoo uu ku sifeeyey inay la mid yihiin dulinka gofanaha ee ku dul nool xoolaha.

Eng. Faysal Cali-waraabe oo hadal ka jeediyey magaalada Gabilay , waxa uu tilmaamay in adeegyada bulshada ee muhiimka ah yihiin lacag qaali ah oo aanay awoodi karin dadka danyarta ah.

 

“Waxa aad ogtihiin in caafimaadkeennu yahay lacag, tacliintu waa lacag oo inta lacag heli karta ayuun baa qaadan karta, laydhku (korontada) waa lacag, biyuhu waa lacag, waana intii ay dawlad qaban lahayd. Waxa maanta inoo samaysan dawlad ay ku nool yihiin in yar oo gofanayaal ah, inta kalena amma ummaddii kale oo dhanna tahay shillin yar oo engagtay,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.
Waxaannu intaas ku daray; “Annagu waxa aannu doonaynaa in aad nagula walaalawdaan in aan dhisno Somaliland cusub oo midaysan, sharciga u midaysan, waxtarka u midaysan oo biyaha u midaysan, qof kastana aqoontiisa wax lagu siinayo.

 

Dhallinyarada iska taagan haddii aanay qaran helin oo dawlad helin, caddaalad helin da’yaraanta ayey ku dhiman doonaan, waad ogtihiin oo saacadihii la shaqaynayey ayey meelahaas iska wada taagan yihiin, waxayna ahayd in qof kastaaba xafiis fadhiyo, beeraha la qoto, warshadaha laga shaqeeyo, (laakiin) hadda suuqa ayaa sidaas loo taagan yahay, waxaanna la wada sugayaa hoonka baabuurka qaadka oo waxa aynu noqonay riyihii dhaameelka sugayey, markaa waxa aannu doonaynaa in aad nagu caawisaan in aannu dalkan ka dhigo dal la ictiraafsan yahay oo qayrkii iska celinaya.”

 

Guddoomiyaha UCID, ayaa ka hadlay dawladnimada Somaliland dhisatay muddo hadda laga joogo 26 sanno iyo sababta ilaa waqtigan loo aqoonsan waayey, waxaannu yidhi; “Waxa aynu dawladnimadeenii soo ceshanay 26 sanno ka hor, ra’yi fiican ayuu ahaa, shacbiguna way dedaaleen oo waxa aynu samaynay dawlad aan jirin oo baaba’day ayeynu soo noolaynay, ciidamo ayeynu samaysanay, lacag ayeynu samaysanay, dastuur ayeynu samaysanay, boolis ayeynu samaysanay oo haybad ayeynu soo celinay.”
Waxaannu intaas ku daray; “Laakiin ma isweydiiseen oo ma tidhaahdeen 26 sanno kadib maxaa la inoo ictiraafi waayey? Waxa la inoo ictiraafi waayey waxa weeye looma halgamin oo ummad qaybsan lama ictiraafayo. Xuduudaha dalkeena ma haysano oo 25% way innaga maqan yihiin. Waxa aynu dhaqanka Soomaalida ku soo kordhinay inta TV (saxaafad) la soo fadhiisto lagu hadlo qabyaalad oo dumarkeennu qabyaalad isku caayaan.”

 

Waxa kaloo uu tilmaamay in xoolihii noolaa ka dhammaadeen dadka reer Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxa maanta inoo soo baxay dad aan ummadda ka fikirayn oo dadka hortaagan, caqligooduna yahay maxaad maanta cuntaa oo ku qayishaa. Maanta dhulkeennu waa baylah oo xoolihii way innaga baaba’een, 60% xoolihii way innaga dhammaadeen, dadkeennii wuu caydhoobay oo xeryo ayey ku jiraan, wax u maqanna ma jiro, qorshe dawladeed ma jiro, adduunkana wax looma weydiin.”

 

Murrashaxa Xisbiga UCID, ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay dalalka Somaliland iyo Itoobiya si siman oo caddaalad ah isku weydaarsadaan ganacsiga, isagoo xusay in waqtigan dadka reer Somaliland lagu dhibaateeyo degaannada Killilka Shanaad ee Itoobiya, gaar ahaan bulshada ganacsatada ah.

 

Waxa kaloo uu ballanqaaday in haddii uu ku guulaysto doorashada uu bulshada reer Gabilay ka caawin doono wax-soo-saarka dhinaca beeraha si ay uga faa’iidaystaan dalagga beeraha, isla markaana ay u baahan yihiin in laga joogo khudradda ka imanaysa dibadda Somaliland.

 

“Gabilay waa magaalooyinka ugu horeeya ee soo saari kara cuntada, markaa waxa aannu jecelnahay in Gabilay, Boorama, Oodweyne iyo Beer in aynu ka soo saarno cuntadeena. Sicir-bararka waxa keenay waxa aynu nahay ummad aan waxba soo saari karayn. Waxa aynu doonaynaa in aynu beerano raashinkeena aynu cunno, waxa aynu nahay ummad gacmaha laabatay oo qaad uun ka fekeraysa,” ayuu yidhi Murrashaxa UCID.

 

“Bahasha madaxtinimada ah daaqadda lagagama soo boodo ee ciidda ayaa loo soo cunnaa, anniga waad ogaydeen oo maalintii dagaalkii sokeeye ee aad kala qaxdeen oo ayeyday hooyo (reer Abtiyaashay) u qaxeen Gabilay, ayeyday aabbbo (reer tolkay) waxa ay u qaxeen Salaxlay, annigana ayaana isku soo celiyey, markaa maanta ma waxa aad doonaysaan in aynu dib u kala qaxno.”

Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay inuu yahay murrashax reer Somaliland ah, balse aannu ahayn nin murrashax u ah qabiil amma reer qudha, isagoo murrashaxiinta xisbiyada kale ee WADDANI iyo KULMIYE ku eedeeyey inay yihiin rag qabiilooyin u ah murrashax, kuna ololaynaya qaab qaabiil.

“Waxa aan idiin sheegayaa reer Gabilay, innagu waynu is naqaan, waxaanan ahay xisbigii u horeeyey ee yimmi Gabilay sannadkii 2001-kii, kelmadda la yidhaah lixda gobol iyo Gabilay, waxa soo saarnay anniga iyo Sanjab (marxuum Axmed Muuse Geeddi oo ahaa Xoghayihii Guud ee UCID) Allaah ha u naxariistee, waxaanna isugu keen dambaysay sannadkii 2009-kii oo intii ka dambaysay waxa aan idiin dhaafi jiray Boorama, waxaanan lahaa horta bahasha qabyaaladda ah ha ka soo xaraarad gooyeen, waxaanan filayaa in aad ogaateen in aanay qabyaalad iskuul (dugsi waxbarasho) dhisin, biyo keenin, waddo samayn oo qabyaalad caafimaad keenin,” ayuu yidhi Murrashaxa xisbiga UCID.