Araweelo News Network
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Marxuum

Marxuum

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba, waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Suxufi Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Bay) oo ku geeriyooday maanta oo taariikhdu tahay 25/02/2016 Magaalada Hargeysa.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa tiirarka Saxaafada dalka ee wakhtigooda ugu badan geliyey sidii ay door muhiima ugaga qaybqaadan lahaayeen, dhinaca qalinka iyo maskaxda Alle (SWT) hibada u siiyey inay ku curiyaan baahinta danta ummaddooda iyo dalkoodaba.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryay inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo. Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo.” ayaa lagu yidhi dhanbaal tacsi ah oo uu ku saxeexnaa C/raxmaan Sh Cilmi Faahiye (Shamax) oo ah Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Sidoo kale dhanbaal Tacsi ah oo uu Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ku hadlayay afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayay qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda Saxaafadda iyo shacabka reer Somaliland geerida ku timi Marxuum Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa saaka waaberigii (25/02/2016), kadib muddo todobaadyo ah oo uu xanuunsanayay marxuumku.
Marxuum Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay) oo waxa uu ka mid ahaa suxufiyiinta kaalinta wayn ka soo qaatay horusocodka bahda warbaahinta Somaliland, gaar ahaan qaybta qoraalka.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, carruurta, qaraabada iyo asxaabtana samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.Aamiin.Aamiin.
Waxa sidoo kale ka hadlay Guddoomiye Cirro oo shacabka Somaliland ka Tacsiyadaynaaya Geeriddii ku Timi Weriye Cabdiqaadir Maxamed Ciid (BAY)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaya magaciisa, ka afka xildhibbaanada golaha Wakiilada iyo hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka ee xisbiga WADDANI uu shacabka Somaliland, gaar ahaan bahda saxaafadda ka tacsiyadeynayaa geeriddii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee weriye Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Bay) oo xanuun uu muddooyinkii dambe u jiifay maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa. (25/02/2017)
Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa kale oo uu tacsi taas la mid ah ah u dirayaa ehelkii, qaraabaddii, asxaabtii iyo gaar ahaan bahda shabakadda Hadhwanaagnews oo uu ka hawl-geli jiray kana baxay marxuumku, waxaana uu ku sifeeyey in weriye Cabdiqaadir Bay uu ka mid ahaa foollaadka weriyeyaasha Somaliland isla mar ahaantaana lagu yaqaanay soo tebinta qoraalo iyo faallooyin siyaasaddeed oo dhex-dhexaad ah.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu ugu dambeyntii Alle uga baryeyaa Marxuumka in uu godka u nuuriyo, kana waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardowsa sida oo kalena uu samir iyo iimaan ka siiyo ehelkii, qaraabaddii, asxaabtii, bahdii saxaafadda iyo guud ahaanba shacabka Somaliland ee uu ka baxay.
Amiin, amiin, amiin …….Amiin.
Innaa-Lillaahi Wa Innaa-Illeyhi Raajicuun
Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI

Sidoo kale Tafaftiraha shebekabada Araweelo News Network Carraale Maxamuud Jaamac, dhamaan qorayaasha I yo hawlwadeenada bahda Araweelo News Network, waxay tacsi taa la mid ah u dirayaan qoyskii, qaraabadii, ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku, waxayna si gaar ah uga tacsiyaynayaan bahda warbaahinta Somaliland, oo ay Illaahay uga baryayaan inuu samir I yo iimaan ka siiyo, marxuumkana illaahay janadii fardawsa ka waraabiyo.Aamiin.Aamiin.Aamiin.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN