“Guddoomiya WADDANI, waa Nin Ka Maagaya Inay Dalka Doorashooyin Ka Qabsoomaan”


Hargeysa(ANN)-Madaxtooyadda Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ka dhigtay eedaymo uu guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro, u jeediyay Madaxweynaha Somaliland shalay, kuwaas oo la xidhiidhay muranka soo xulista xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Af-hayeenka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo maanta Warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyadda, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaha guddoomiyaha WADDANi, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,


“Nuxurka hadalka guddoomiyaha WADDANI, wuxuu daarnaa inuu Doorashooyinka ka maagayo iyo inay dalkan doorashooyin ka dhacaan, Soomaalidu waxay tidhaahdaa, “markhaatina madal baa la dhigtaa, maajidna dhagax baa la dhigtaa”,


Af-hayeenka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, wuuxu sheegay in dooda Guddoomiyaha WADDANI, ee doorashadu ay ahayd mid jabban, isagoo tusaale usoo qaatay Xeerka doorashada Xeer/lanb 20/2001, qodobkiisa 13aad oo sida uu sheegay Af-hayeenku si cad u qeexaya dariiqa loo marayo xubnaha Komishanka doorashooyinka iyo xulustooda, balse guddoomiye Cirro uu baalmarayo oo u badheedhayo inuu iska indha-tiro.
Wuxuu meesha ka saaray eedaynta Guddoomiye Cirro ee ahayd inuu Madaxweynuhu fara-gelin ku sameeyay xubnaha Komishanka, wuxuuna si cad u sheegay in haddii Guddoomiyaha WADDANi, uu cadaymo u hayo eedaahaa bedka soo dhigo, balse haddii aanay jirin wax cadaymo ah ay adagtahay sida loo rumaysanayo guddoomiye Cirro.


“Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi waxa ka go’an in doorashada xilligeedii lagu galo, oo aannay dib u dhicin, shacbiguna waa u diyaar inay doorashooyinka galaan, Ninka horrumarka iyo doorashooyinka diidan dadkuna way arkaan, xukuumadduna uma joojinayso, dalkuna horruu u soconayaa.” ayuu yidhi, Af-hayeenka Madaxtooyadda Maxamuud Warsame Jaamac.