Araweelo News Network

Tehran (ANN)- Madaxwaynaha dib loo doortay ee dalka Iiraan Mr. Hassan Rouhani, digniin adag u jeediyey waddanka Maraykanka oo xiisad siyaasadeed ka dhex oogan tahay.
Mr. Rouhani oo khudbad ka jeediyey munaasibad mar labaad loogu dhaariyey xilka Madaxweynenimada Iiraan oo ka dhacday caasimadda Tehran maalintii Sabtida, waxa uu uga digay dhiggiisa Maraykanka, Donald Trump in ay ismiidaamin siyaasadeed noqonayso haddii uu isku dayo inuu meesha ka saaro heshiiska nukliyeerka quwadaha waaweyn ee caalamku la galeen xukuumaddiisa.
Waxa uu sheegay in Iiraan sii wadi doonto u hoggaansanaanta shuruudaha ku jira heshiiskaas haddii sidaasi si la mid ah ay sameeyaan waddamada saxeexay heshiiska.
Dawladda Maraykanka ayaa cunaqabatayn cusub ku soo rogtay dalka Iiraan dabayaaqadii bishii July ee la soo dhaafay, iyadoo tallaabadaasina cadho weyn ku abuurtay xukuumadda Tehren.
Baarlamanka Maraykanka ayaa ku dooday in Iiraan cunaqabataynta cusub ku mutaysatay barnaamijkeeda gantaallada iyo taageero la sheegay in ay u fidiso kooxaha argagixisada.
Xukuumadda Tehran ayaa dhankeeda sheegtay in cunaqabataynta cusub tahay mid jabinaysa heshiiskii nukliyeerka ee xulafada Maraykanku la galeen Iiraan.
“Kuwa doonaya in ay jarjaraan heshiiskii nukliyeerka waa in ay ogaadaan inay jarjarayaan noolashooda siyaasadeed,” ayuu yidhi Mr Rouhani oo khudbad dheer ka jeediyey xafladdii caleemo-saarkiisa.
Waxa kaloo Madaxwayne Iiraan uu ku eedeeyey Maraykanka in aannu ka go’nayn hirgelinta heshiiskaas, waxaannu Washington ku tilmaamay saaxiib aan la isku hallayn karin.
Dhanka kale, saraakiisha dawladda Iiraan ayaa iyaguna ugu baaqay dalalka Midowga Yurub in aanay la safan maamulka Madaxweyne Trump oo muujiyey inuu ka soo horjeedo heshiiskii nukliyeerka ee Tehran lala galay