Araweelo News Network

 

Narobi(ANN)-Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa  waxba kama jiraan ka soo qaaday go’aanka maxkamadda saree ee Kenya ku laashay natiijadii doorashada dalka Kenya ee muranka dhalisay.

Uhuru  Kenyata wuxuu sidaa ku sheegay mar uu ka hadlayay suuqa Burma ee magaalada Nairobi, wuxuuna  guddomiyaha maxkmadda sare, David Maraga iyo garsooreyaasha maxkamad ku tilmaamay kuwa Budhcad ah.

 

Madaxweyne Uhuru,  ayaa markii lagu dhawaaqay go’aanka maxkamadda sheegay in aanu  ku qanacsaneyn go’aanka maxkamadda, balse uu ixtiraamayo, waxaana uu ku baaqay in nabadda laga shaqeeyo. Uhuru Kenyatta ayaa u muuqday mid ka cadhaysan go’aanka maxkamadda sare.

 

Sidooo kale Madaxweyne  ku xigeenkiisa Willima Ruto, ayaa sidoo  kale sheegay in afar qof oo uu ula jeedo garsooreyaashii xukmiyay go’aanka aanay  bedeli karin go’aanka maalyiin shacab ah, balse Ruto ayaa intaa ku daray in markale ay diyaar u yihiin doorasho.

Xildhibaan  Kipchumba Murkomen oo ah mudane katirsan aqalka sare ee Kenya oo isla goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in haddi mucaaradka NASA ee uu hogaamiyo Raila Odinga ay dalbadaan in la kala diro guddiga doorashada, Isla markaana ay iyaguna meesha ka saari doonaan garsooreyaasha maxkmadda sare.

 

Dhinaca kale Guddoomiyaha maxkamadda ugu sarraysa Kenya David Maraga ayaa sheegay in ay ogaadeen in wax isdabomarinno ay hadheeyeen doorashada, wuxuuna amray in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorasho xalaal ah.

 

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta uu ku guulaystay doorashada, isaga oo ka horreeyay Raila Odinga 1.4 milyan oo cod..

Laakiin mucaaradka ayaa sheegay in la jabsaday hannaankii kumbayuurada  guddiga doorashada laguna shubtay natiijada.

Go’aankan lagu laalay natiijada doorashada, ayaa  noqonaya mid  taariikh cusub ah, kaasoo Ka dhigaya Kenya in ay  noqotay dalkii u horreeyay ee Afrika ku yaalla ee waxba kama jiraan ka soo qaada doorasho Madaxweyne oo natiijadeeda lagu dhawaaqay.