Araweelo News Network

 

Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland diyaar u tahay sidii loo sixi lahaa wixii tabashooyin, ama doodo ka dhashay mashruuca Sanduuqa Dhaqaalaha ee SDF (Somaliland Development Fund),

Madaxweyne Bixii wuxuu hadalkaa ka asheegay mar uu ka hadlayay munaasibad lagu daah-furay wejigii labaad ee Mashruuca Sanduuqa Dhaqaalaha ee SDF oo hakad galay dhawrkii sannadood ee u danbeeyay kaddib markii mugdi badan Ka dhashay Qaabka loo maamulo mashruucaa oo dhawrkii sannadood ee xukuumadda hore.

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in mashaariicda Sanduuqa SDF, ay si fiican u higaleen, balse wuxuu xusay in ay jiraan dawladdo wax ka tirsanaya, isagoo balanqaaday in ay raacayaan nidaamka saxda ah oo xukuuuddiisu diyaar u tahay inay kala hadasho dawladdahaa haddii ay wax ka tirsanayaan.

 

 

Halkan Ka Eeg Somaliland Development Fund SDF  Wejiga 2aad