Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay sannad-guurada 27-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaskii ciidanka Booliska Somaliland oo maanta ku beegan.

Munaasibadda xuska  27-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay taliska guud ee ciidanka Booliska, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xubno kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE, qaar kamid ah madaxda hay’adaha gacansaarka la leh ciidanka Booliska, Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana  madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya Aas-aaskii ciidanka Booliska iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan taabbo-gelinta amniga dalka iyo ilaalinta nafta iyo hantida shacabka.

Ugu horrayn ku-xigeenka hoggaanka hawl-gelinta ciidanka Booliska gaashaanle dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil Sheekh Xasan, ayaa ugu horrayn shacabka la wadaagay dambiyadii kala duwanaa ee dalka ka dhacay sannadkii ugu dambeeyey iyo sida ay ciidanka Boolisku ula tacaaleen, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen eedaysanayaashii ugu badnaa ee loo tirinayey inay ku lug lahaayeen dambiyadii dalka ka dhacay oo ay dilalka dadka iyo kufsigu safka hore kaga jiraan.

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland sarreeyo guuto  Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa isaguna ku dheeraaday horumarka ballaadhan ee uu ku tallaabsaday ciidanka Boolisku ee dhinacyada tababarka, gaadiidka iyo helitaanka agabyada kale ee muhiimka ah u ah shaqada ay bulshada ugu igman yihiin, isaga oo carrabka ku adkeeyey inay ciidan ahaan samaysteen qorshe iyo yool  cad oo ay ku gaadhayaan abbaarta u astaysan ee ay higsanayaan muddooyinka soo socda.

 

Taliyuhu waxa uu sheegay inay ka hoggaan ahaan muhiimad gaar ah siiyeen sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ciidanka ee dhinaca la shaqaynta shacabka iyo isku xidhnaantooda, islamarkaana ay aqoonta baadhayaasha iyo midda taliyayaasha saldhigyadaba dhiseen, dib-u-habayn ballaadhanna sameeyeen, islamarkaana ay sameeyeen waax gaar u ah cabashooyinka dadweynaha si  la isugu soo dhaweeyo shacabka iyo booliska.

 

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ugu horrayn hambalyeeyey ciidanka Booliska Jamhuuriyadda xuska sannad-guuradooda, waxana uu si qoto dheer u sharraxay kaalinta ay boolisku kaga jiraan kaga jiraan amniga dalka iyo badqabka nafta iyo maalka bulshada, waxana uu bulshada ugu baaqay inay ciidanka la shaqeeyaan, isaga oo shaqada ay boolisku dadka u hayaanna bogaadiyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ciidanka Booliska hallala shaqeeyo, hana laga daayo dacwadda laga barbar wado, ciidanka Booliskana waxan faraynaa shaqada in lasii kordhiyo, shaqaduna waa joogto, taasaana ciidan loo yahay, aad iyo aadna waan ugaga mahadnaqayaa sida ay hawlahoodii uga soo baxeen.”

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo gunaanaday, ayaa ciidanka Booliska hambalyo guud u diray, waxana uu sheegay inay qaran ahaan og yihiin hawsha adag ee ay bulshada u hayaan, taas oo inta badan ay kasoo gaadho khasaare naftooda halis geliyaa, waxana uu yidhi, “Waxan hambalyo u dirayaa dhammaan ciidanka Booliska, janannadooda, saraakiisha, saraakiil-ku-xigeenka, alifleyda, dablayda, iyo xaasadkoodaba, qaran ahaanna waannu uga mahadnaqaynaa hawsha ay noo hayaan, waana ciidan maalin walba iyo saacad walba hawl aan loo ogayn ku jira, dhaawacooda iyo dhimashadooduna badan tahay, qaran ahaanna waannu garab taagannahay.”

 

Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa  uu billado dahab ah iyo derejooyin ku taxay qaar kamid ah saraakiisha kala duwan ee ciidanka Booliska, kuwaas oo shaqo-wanaag iyo hawl-karnimo muujiyey muddadii ay ciidanka kamid ahaayeen, waxana uu kormeeray gaadiid iyo dhismeyaal kala duwan oo ciidanka Booliska usoo kordhay, isaga oo  xadhigga ka jaray dhisme ballaadhan oo loo bineeyey saraakiisha ciidanka Booliska Somaliland.