Araweelo News Network

Turkish President Recep Tayyip Erdogan (photo by AFP)

Doha (ANN)- Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa safar ujeeddadiisu tahay tabliiq siyaasadeed ku maray waddamada Sucuuddiga, Kuwayt iyo Qadar.
Sida lagu faafiyey telefiishanka Al-jazeera oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay xalay, Madaxweynaha Turkiga oo isku maray saddexdaasi dal labadii maalmood ee u dambaysay, ayaa doonaya inuu xal u helo khilaafka siyaasadeed ee Khaliijka ee ka dhalatay tallaabada xulafo uu hoggaaminayo Sucuudiga oo ay ka mid yihiin Masar, Imaaraadka, Baxrayn iyo qaar kale ay ku go’doomiyeen dalka Qadar oo ay eedaymo u soo jeediyeen.
Madaxweyne Erdogan oo gaadhay dalka Qadar Isniintii shalay waxa kulan dhexmaray yeeshay Boqorka dalkaasi Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ay kaga wadahadleen sida xal looga gaadhi karo khilaafka culus ee Khaliijka iyo qorshaha dawladda Turkiga oo ah sidii wadahadalo toos ah ay isugu soo horfadhiisin lahayd madaxda dalalka Qatar iyo xulafada Sucuudigu hoggaamiyo.
Sidoo kalena, Madaxweynaha Turkigu waxa uu dadaallada dhexdhexaadintiisa hore uga soo hadlay Boqorka Sucuudiga Salmaan iyo dhaxal-sugihiisa cusub Maxamed bin Salman oo uu kulmay magaalada Jiddah Axaddii, iyadoo isla maalintaasi uu safarkiisa ku maray dalka Kuwayt oo arkay boqorkiisa Sheekh Sabax al-Axmad Al Sabax oo isagu hore ugu jiray dadaalka dhexdhexaadinta murankan hadheeyey gobolka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu oo weheliya madaxweynihiisa, ayaa sheegay in caqabad wayni hortaagan tahay qorshahooda ay ku doonayaan in hab diblumaasiyadeed lagu dhammeeyo khilaafka Khaliijka.
“Dariiqa ugu habbooni waa in wadajir loo wada fadhiisto miiska oo si toos ah loo wadahadlo, laakiin tani waa caqabadda ugu wayn ee na hortaala, waxaannan rajaynayaa inay iman doonto fursad ku saabsan habkani dhawaan,” ayuu yidhi.
Dalalka Sucuudiga, Masar, Imaaraadka iyo Baxrayn ayaa 5-tii bishii June ee sannadkan cuno-qabatayn ay ka go’doomiyeen xuduudaha dhulka, badda iyo cirka saaray dalka Qadar oo ay ku eedeeyeen inay taageerto ururrada argagixisada, balse eedayntaasi way diiday dawladda Dooxa inay qabto.