Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynayaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo, ayaa is dhaafsaday weedho siyaasadeed oo ay warbaahinta isu mariyeen.

Madaxweynaha Soomaaliya, oo xalay ka qaybqaadanayey barnaamij weydiin iyo Jawaab ah oo ka baxay telefiishanka dalwadda Soomaaliya ee SNTV, kaga hadlay qadiyada Somaliland, wuxuuna sheegay in Somaliland aan la aqoonsanayn weligeeg, isla markaana lama huraan tahay midnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo, wuxuu ka hadlay wadahadalladii dhexmaray Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna sheegay in kulankii ay Madaxweynaha Somaliland ku yeesheen Addis Ababa ay wax ka badan ku heshiiyeen, balse aannay hirgelin, isagoo dhinaca kale xusay in kulankii Djibouti uu ahaa mid uu isagu qorsheeyay oo ka shaqeeyay.

Dhinaca kale,  Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay hadalka Madaxweyne Farmaajo iyo Xubnaha baarlamaanka Somaliland ee la sheegay in lagu dooran doono magaalada Mugdisho, wuxuuna Madaxweyne Biixi ku tilmaamay arrintaa  weerar ay madaxda Soomaaliya ku qaadeen shacabka Somaliland, sida uu sheegay Biixi.

Hadalka Labada Madaxweyne Halkan Ka Dhegeyso.