Araweelo News Network

Madaxweyne silanyo photo file

Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa ardayda ka baxa jaamacadaha dalka ku guubaabiyey inay ka fogaadaan dhaqanka xun ee kala fogeeya bulshooyinka caafimaadka qaba, kuwaas oo ay ka mdi yihiin qabyaaladda, dal-nacaybka, tahriibka iyo kala qaybsannaanta.

Madaxweyne Silaanyo oo khudbad u jeediyey arday ka qallin-jabiyey Jaamacadda Golis ee magaalada Hargeysa , waxa kaloo uu tilmaamay in aanay cilmiga iyo aqoontu dhammaad lahayn, balse loo baahan yahay in markasta la sii korodhsado waxbarashada si horumar loo gaadho.

“Cilmigu waa bad bilaa deked ah oo aan lahayn bar uu ku dhammaado, sidaa darteed waxa idinla gudboon inaad dedaalka waxbarashada halkaa ka sii wadaan oo aydaan ka daalin. Waxaan idinku dardaarayaa in aad u yeelataan halganka aqoon raadinta samir iyo adkaysi, si aad u gaadhaan maqaam aad u sareeya,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Waxaannu intaas ku daray; “Waxaan ku kalsoonahay in aad hibo u leedihiin hal-abuur iyo himilo fiican oo aad ku gaadhi kartaan horumar weyn, isla markaana aad dalkiina hooyo wax tari kartaan. Waxa aan idinku guubaabinayaa in aad ka fogaataan dhaqamada xun-xun ee aafeeya il-baxnimada iyo horumarka bulshooyinka caafimaadka qaba, sida: kala-qaybsannaanta, qabyaaladda, tahriibta, dal-nacaybka iyo bal-wadaha.

Dhammaanteen, ummad ahaan waxa inala gudboon in aynu gacmaha is-qabsano, una midowno ilaalinta nabadgelyada iyo danta guud ee qarankeena, si aynu u gaadhno bash-bash iyo barwaaqo.”

Md. Axmed Silaanyo, ayaa sidoo kale hambalyo iyo bogaadin u diray arday ka qallin-jabiyey Jaamacadda Golis, waxaannu yidhi; “Waxa sharaf weyn bay ii tahay in aan idinkala soo qayb-galo xafladda qallin-jebinta dufcaddii 16aad ee Jaamacadda Golis, waxaan hambalyaynayaa ardayda maanta ka qallin jebisay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Golis Hargeysa, sidoo kale waxaan ammaan iyo hambalyo u dirayaa waalidiinta da’yartan ku soo tacabtay iyadoo cidkasta oo gacan ka gaysatay ay guushan gaadheen.”

Dhinaca kale, anigoo ka faa’iidaysanaya munaasibadan qiimaha badan, waxaan jecelahay in aan halkan bogaadin uga jeediyo guddoomiyaha, guddomiye-kuxigeenka madaxda iyo macallimiinta Jaamacadda Golis dedaalka iyo horumarka ay ku tallaabsadeen muddadii ay jaamacaddu jirtay.”

“Waxaan hoggaamiye ahaan qirayaa in Jaamacadda Golis ay door weyn ka qaadatay tayaynta waxbarashada dalka, isla markaana ay xaqiijisay is-beddel mug iyo miisaan leh muddadii ay jirtay waxa muuqata inaad gaadheen in badan oo ka mid ah himilooyinkiinii aad hiigsanayseen.

Ugu dambayn, waxaan leeyahay ardayada qallin-jebisay inkasta oo aad shahaadooyin maanta qaadateen haddana waxa xaqiiq ah in aad badweyntii cilimiga aad bilawdeen,” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Silaanyo.