Share this:

" />
Telesom Dahabshiil
Published On: Tue, Sep 29th, 2020

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Daah-furay Wejiga Labaad Ee Mashaariicda Sanduuqa SDF

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jahuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay wejiga labaad ee mashaariicda Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF.

Alt Araweelo News Network

Munaasibadda uu madaxweynuhu ku daah-furay wejiga labaad ee mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) oo ay gadh-wadeen ka tahay wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta qaranka Somaliland.

Xubno kamid ah golaha wasiirada, madax ka socotay dalalka Somaliland ka taageera Sanduuqan ee Denmark, Holland iyo Ingiriiska, agaasimeyaal iyo marti-sharaf kale oo tiro badan ayaa dhankooda ka qaybgalay munaaisbadaa.

Waxaana lagaga hadlay muhiimadda  ay mashaariicda wejigan labaad ku jiraa qaranka u leeyihiin iyo sida ay xukuumaddu daacadda uga tahay inay si hufan u hirgalaan.

AKHRI: Duruufaha Msuq-maasuq Ee Hadheeyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland Iyo Dawlada Norwey Oo Ka Baaqsatay Wefdiga Ka Socday Dalalka Bixiya Mashriicda SDF

Ku-xigeenka  madaxa Horumarinta Somaliland  ee Sanduuqa horumarinta Somaliland,   Najax Maxamuud Aadan, ayaa sharraxaad ka bixiyey meelaha uu diiradda saarayo wejiga labaad ee mashruuca SDF, (Somaliland Development Fund), waxana uu tilmaamay kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadista adeegyada dawladdu halbowle u yihiin wejiga labaad ee mashaariicda horumarinta Somaliland.

Halkan Ka Eeg Somaliland Development Fund SDF  Wejiga 2aad

Mudane Najax waxa uu sidoo kale xusay in dhismaha marsada Maydh, dhismaha iyo dayac-tirka waddooyinka muhiimka ah, kor-u-qaadidda adeegga biyaha, kobcinta wax soo saarka Xoollaha iyo Beeraha, kobcinta tayada shaqaalaha dawladda, iyada oo la dhammaystiri doono mashaariicdii caafimaadka iyo waxbarashadda ee wejigii koowaad ee mashruuca Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF ay laf-dhabar u yihiin wejiga labaad ee mashruucan.

Alt Araweelo News Network

Morgan Ralley oo ku hadlayey magaca  Saaxiibadda Somaliland ee qaybta ka ah Sanduuqa, ayaa isaguna dhinaciisa ku dheeraaday muhiimadda mashaariicdani u leeyihiin bulshada Somaliland iyo sida ay dawladaha lacagaha ugu deeqa sanduuqani ula dhacsan yihiiin nidaamka daaha-furan ee ay dawladda Somaliland u maamusho.

 

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta  qaranka iyo Horumarinta,  Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo isagu hormuud u ah qorshaynta iyo jaangoynta mashaariicda, ayaa ugu horrayn ammaanay nidaamkii ay ku dhammaadeen wejigii koowaad ee mashaariicda sanduuqa Horumarinta Somaliland iyo guulaha ay mashaariicdaasi u horseedeen  qaybihii kala duwanaa ee laga maalgeliyey, isaga oo hoosta ka xarriiqay in wejiga labaadna  ay ku rejo weyn yihiin inay guulaysan doonaan.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo si rasmi ah u daah-furay wejiga labaad ee mashruuca sanduuqa horumarinta Somaliland, ayaa  dawladaha Somaliland ka taageera dhinaca horumarka ee sida tooska ah sanduuqan lacagta ugu shuba ee kala ah  Ingiriiska,  Denmark iyo Dawladda Netherland, kuwaas Somaliland ku taageeray  sidii ay dhaqaale ugu heli lahayd fulinta mashaariicda horumarineed ee Qaranka.

 

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey inay Somaliland ka go’an tahay in mashaariicda kala duwan ee dunidu ku taageertaa u socdaa hannaan daah-furan oo cid waliba arkayso nidaamka ay hawluhu socdaan oo aanu marnaba imannin wax shaki ah.

“Waxa dawlad ahaan naga go’an in mashaariicda horumarineed ee Somaliland lagu taageerayaa ay dhammantood maraan waddadii loogu talo galay oo aannay xagga Somaliland ka imannin wax dhaliil ah. haddii ay dhaqaalaha tahay iyo haddii ay maamulka tahayba.

Waxa kale oo naga go’an inaannu waddamada na taageera iyo dawladdaha taageera nagu siiya u caddaynaynaa inaannu doonayno inay wada-shaqaynteennu noqoto mid daah-furan oo labada dhinacba arki karaan sida ay hawshaasi u socoto maamul ahaan iyo dhaqaale ahaanba,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu ugu baaqay dawladaha  Saaxiibka la ah Somaliland  inay taageeradooda dhaqaale soo mariyaan   Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF, maadaama oo uu sanduuqani yahay  nidaam la tijaabiyay isla markaana guulaystay, yareeyayna kharashaadkii maamul ee deeqaha horumarineed.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq

 

 

Nasir Yusuf Dahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Smiley face

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp