Araweelo News Network

msilanyoHargeysa (ANN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shaaciyey dariiq cusub oo loo marayo sidii Somaliland u heli lahayd aqoonsi caalami ah.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dal dhammaystiran oo buuxiyey dhammaan shuruudaha waddan iyo dawlad leeyihiin, isla markaana shacabkiisa oo ka soo gudbay dhibaatooyin marxalado badan ay hadda ku naaloonayaan nabadgalyo iyo deganaanshiyo ay iyagu samaysteen, sidaasi darteedna ay Somaliland jid walba u marayso xuquuqdeeda aasaasiga ah ee ay ka raadinaysay beesha caalamka tan iyo sannadkii 1991 markii ay dib ugala soo noqotay madaxbannaanideedii midowgii ay hore uga gashay dalkii Soomaaliya.
“Xaqiiqda siyaasadeed ee Somaliland waa mid aan la dafiri karin, waxaannuna bilaabi doonaa caddaadis cusub oo aannu u adeegsan doono xoog iyo xeelad caafimaad qabta si aannu u xaqiijino in dalabkayaga xaqa ah ee aqoonsiga ay aqbalaan dalalka jaarka iyo beesha caalamku,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo hadal qoraal ah ku ladhay dukumanti laga diyaariyey qorshaha siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland, kaasoo ay Wasaaradda Khaarajigu ku baahiyey website-keeda internetka toddobaadkan.
Khudbad qoraal ah oo Madaxweyne Siilaanyo ugu talogalay siyaasadda cusub ee arrimaha dibadda Somaliland oo iyadoo ku qoran luuqadda Ingiriisiga ay Wasaaradda Khaarajigu ku baahisay baraha ku leedahay Internetka oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, ayaa Madaxweynuhu ku sheegay in siyaasaddan oo ah qorshe cusub oo Somaliland ku shaqayn doonto sannadaha soo socda uu yahay mid ku habboon in ay beesha caalamka ka hesho aqoonsigeeda.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in siyaasaddan cusubi diiradda saari doonto caqbadaha kala duwan ee wax-ka-qabashadoodu dawada u noqon karto gaadhista ictiraaf buuxa, waxaannu yidhi, “Dedaalka helista aqoonsiga waxa barbar-socda oo siyaasaddayada arrimaha dibadda ujeeddadeedu tahay inay wax ka qabato baahiyo dhawr ah oo dalkayagu waajahayo, waxaannu aqoonsigu door ka qaadan doonaa horumarinta ammaanka, abuurista shaqooyin iyo fursado dhaqaale, waxay tilmaamaysaa faqriga iyo horumar la’aanta, sidii aannu u dhisi lahayn xidhiidh wanaagsan u yeelan lahayn dalalka jaarka iyo istiraatijiyada aannu kula macaamilayno saaxiibadayo. Siyaasadda arrimaha dibaddu waxay taageeraysaa kor-u-qaadida maalgalinta iyo xidhiidhida ganacsi ee faa’iidada leh, sidoo kalena waxay ka qaybqaadanaysaa dadaalkayaga aannu wax kaga qabanayno caqabadaha iyo khataraha ka midka yihiin; argagixisada, budhcad-badeeda, dambiyada kala duwan ilaa isbeddelka cimilada.
Waxa kaloo muhiim ah in siyaasaddan arrimaha dibaddu ay la jaanqaadayso qorshaha horumarinta Qaranka, iyadoo ku kordhinaysa muhiimad dheeraad ah iyo isku xidhnaan ddaallada ay wado dawladda Somaliland guud ahaan.”
Md. Axmed Siilaanyo waxa uu qoraalkiisa oo uu Wargeyska Jamhuuriya Af-soomaali u turjumay ku sheegay in qorshahan cusub ee siyaasadda arrimaha dibadda ay tahay mid isku xidhaysa gudaha dalka iyo gaadhista baahida ictiraafi caalami ah, isla markaana ay ka turjumayso raad-raaca iyo taariikhda dhaxalka u ah qaranka ee uu ugu mudan yahay habkii Somaliland u soo martay ka midho-dhalinta nabadda iyo dhismaha dawladnimo ee ku yimi shirarkii nabadaynta ee ku salaysnaa habka dhaqanka, iyadoo aanay wax taageero ah aanay ka helin dibadda.
Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu u rajeeyey qorshahan cusub ee siyaasadda arrimaha dibadda inay noqon doonto mid la qiimo ah tallaabooyinka horumarineed ee xusuusta iyo maamuuska ka mudan shacabka reer Somaliland, “Waxaan rajaynayaa in aan siyaasaddan loo arkin sidii dhagax meel la dhigay, laakiin ay noqoto dhukumenti lala noolaado oo sii wada ka jawaabista fikradaha iyo aragtiyaha dadka reer Somaliland. Si fudud loogama midho-dhalin karo qorshaha loo dejiyey siyaasaddeena Arrimaha Dibadda, laakiin shaki igagama jiro in taageerada shacabka Somaliland qaybihisa kala ee leh rag, dumar, dhallinyaro iyo qurba-joog ay guul gaadhsiin doonto,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo.