Araweelo News Network

Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo oo ay weheliyaan Marwada kowaad ee qaranka Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, iyo gudoomiyaha Xisbi xaakimka kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, xubno ka mida golaha wasiirada iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, ayaa safar shaqo ugu baxay maanta oo jimce (28/10/2016) ah dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya.
safarkamadaxweynaha2kooxdabaanbayda
Marwada iyo kaaliyayaasheeda

Marwada iyo kaaliyayaasheeda

Safarkaasi oo qaadan doona maalmo kooban waxa uu madaxweynuhu la kulmayaa ra’isal wasaaradaha dalka itoobiya Hailemariam Desalegne. Waxaana saxaafadda uga warbixyey safarka madaxweynaha Afhayeenka Madaxtooyada Mudane Xuseen Aadan Cige (Deyr)