Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay dhaxalka Madaxweyne Siilaanyo uu ummadiisa uga tagayo marka uu xilka qaranka ka dago dhammaadka sanadkan.

Mudane Xaashi ayaa sheegay in muddo xilkeedka Madaxweyne Siilaanyo oo muddo kooban ka hadhsan tahay marka uu dhamaado uu Madaxweynuhu wareejin doono Somaliland midaysan, oo horumar baaxad lihi ka hir galay mudadii uu xilka hayey.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena siyaasiyiinta mucaaaaridka ugu baaqay siyaasad anshax leh oo ka nadiif ah aflagaada, waxaanu arrimahaasi kaga hadlay munaasibad tababar loogu soo xidhayey cutubyo ka tirsan ciidanka dab-damiska qaranka oo maanta lagu qabtay xarunta ciidankaasi ee Hargeysa, waxaana hadaladii Wasiirka ka mid ahaa “ Runtii saaka waa madal aad u qiimo badan iyo munaasibad aad u fiican, iyada oo ay ina hor fadhiyaan cutubyo ka tirsan ciidamada dab-damiska qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ugubka ah, oo maanta dhamaystay tababarkii xirfada dab-daminta, qarankani waxa uu u baahnaa ciidankan, qarankani wuxuu u baahnaa aqoonyahano da’ yar ah oo la dagaalama khatarta dabka. Dabku maanta wuxuu ka mid yahay dhibaatooyinka ugu culus ee dunida haysta, waxa la tacaalaya dhibaatadiisa dunida horumara iska daa nin taag-daran oo dhaqaale yar, oo aqoon yar oo ku nool dhul dib u dhacay, kuwii nolosha casriga ah aqoonta iyo ilbax-nimada hayey ayaa la tacaalaya. Sidaas ayeynu ku doorbir badan nahay, lix iyo labaatankii sano ee qarankani jiray. In ciidankan la aas-aasaa waxay ahayn go’aan geesinimo leh oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland qaatay, waxaan hambalyeynayaa Madaxweynaha qaranka, masuuliyiintii kale ee ka qayb qaatay dhismaha ciidankan, Taliyaha ciidanka dab-damiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), iyo ciidanka saaka tababarka loo soo xidhay ee xirfadii aqooneed ee dab-damiska dhamaystay.”

Wasiirka ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Xukuumadda xisbiga KULMIYE ee madaxweyne Siilaanyo madaxda ka yahay ka hor qarankani ma lahayn ciidan dab-damis ah, sidoo kale nolosheenu way horumaraysaa magaalooyinkeenu way balaadhanayaan waxa laga dhisayaa dhismayaal casri ah, oo iska daa boqolaal kunee malaayiin doolar ku kacaya, nin muwaadin ah oo ganacsade ah ayaa lix bilood ka hor wuxuu iiga sheekeeyey guri laba milyan oo doolar ku kacay, aduunka intaa le’eg marka la galinayo ee amnigiisa iyo bad-qabkiisu sugnayeyn waa dhibaato weyn, waxaanu qarka u saaran yahay khatar.”

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa ka hadlay dhaxalka uu Madaxweyne SIilaanyo ummaddiisa ugu tagayo, marka uu xilka wareejiyo waxaanu yidhi “ Xukuumadda xisbiga KULMIYE ee Axmed Siilaanyo madaxda ka yahay ma adkayn nabad-galayada muwaadiniinta , sharciga iyo xuduudaha oo kaliya, sidoo kale dabka oo lala dagaalamaa wuxuu ka mid yahay nabadd-galayada muwaadiniinta, waxaanu leenahay waxaanu adkaynay amnigii dalka, Axmed Siilaanyo waxa muddo xileedkiisii ka hadhaya waxkhti yar wuxuu ka tagayaa dal midaysan, dal horumar iyo wax-qabad uu ka qabsoomay muddadii todobada sanno, wuxuu ka tagayaa maanta caasimada Hargeysa oo lala dagaalamayo dabka iyo dhibaatadiisa oo ciidan qaran aynnu aas-aasnay, waxa uu ka tagayaa iyadoo caasimadii Hargeysa oo balaadhatay oo ay muwadiniinta Somaliland sadex dalool ah dalool ku nool yihiin maanta biyo balaadhinteedii dhamaanayso.”

“ Wuxuu ka tagayaa caasimada Hargeysa iyadoo maanta madaar casri ah oo laga soo dago leh, oo aanu qofku Berbera mudanyeyn Jabuutina aanu mudanyeyn, wuxuu ka tagayaa iyadoo wadooyin fiiciican leh oo ay ka duwan tahay sidii hore, waxaasi waa waxqabadkii KULMIYE maanta loolan ayaa lagu jiraa doorashadiina waxa hadhay muddo yar, waa lays dafirayaa waxaannu arkaynaa ragga aannu talada dalka isku hayno oo habeen iyo maalinba talo kaga ururtay cay, dafiraad iyo cantalofijayn, waxaanu leenahay waar wax waxaa dhaama la kaalay, anagu caytami mayno af-lagaadoona mayno, siyaasada waxaanu u naqaanaa in si sharaf leh loo loolamo, si sharaf lehna laysku dhaliilo, laakiin af-lagaadadu siyaasada way ka reeban tahay, dalkii ayaa la cunay, dalkii ayaa la boobay, dalkii ayaa la xaraashay, waar erayadaasi waa aflagaado, ninkii haya wax la cunay iyo wax la xaarashay shacbiga reer Somaliland in-dhahooda ayey qabaane badka ha keeno, caydu way sahlan tahay laakiin xaqiiq ayey u baahan tahay.”