Araweelo News Network


Ceergaabo(ANN) Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, oo Ka tirsan Mudanayaasha golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa ka dayriyay Nolosha in ku dhow 1,000 Qoys Oo ka mid ah dadkii Xooluhu Ka dhamaadeen, Isla markaana kusoo barakacay tuulada Ceeryaan oo qiyaastii 70 Km dhinaca Koonfur kaga beegan Magaalada Ceergaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag.

Xildhibaan Cartan oo deeq raashina Oo kooban gaadhsiiyay Dadka deegaanka Ceeryaan oo ahaa kuwo ay Abaartu ka-farasaartay Xoolihii dhaqan Jireen, islamarkaana ku caydhoobay abaartii ba’nayd ee dhowaan dalka ka dhacday, ayaa ku tilmaamay Nolosha dadkaa mid aan la tilmaami karin oo ah xaalad argaggax badan oo ka jirta halkaa, isagoo dayriyay xaaladda deegaannadaas, islamarkaana, ugu baaqay xukuumadda, guddida Abaaraha iyo Hay’addaha samfalka ah in si degdeg loogu gurmado dadkaas oo aha kuwo aan hore wax taakulo ah u helin oo aan laga warqabin xaalada ay ku sugan yihiin.

Xildhibaan Cartan, wuxuu isagoo ka hadlaya duruufaha uu kula kulmay halkaa yidhi, “Xukuumadda Somaliland waxaan leeyahay in ka baddan 1,000 qoys , ayaa halkaa degan, waa dad xoolo dhaqato ah, mar haday yihiin dad xoolo dhaqato ah ma garanayaan sida loo dewersado, waxaan ugu baaqayaa xukuumadda iyo Hay’addaha gargaarka inay degdeg dadkan ula soo gaadhaan wax.

Waxa ayaan daro ah in dadkaa laga hor istaago inay caawimo helaan, waa arrin u baahan in la baadho oo lala xisaabtamo guddida Abaaraha iyo cidii kale ee arrintani khusayso, Madaxweyne waad I garanaysaa waxan ahay Xildhibaan Cartan been sheegi mayo, arrinta maanta halkan ka dhacday arrin foolxun weeye” ayuu yidhi, Xildhibaan Cartan oo la hadlayay weriyayaal ka socday warbaahinta kala duwan oo la socday, wuuxuna ka murugooday wixii uu ku arkay halkaa, isagoo ka ilmeeyay wixii uu ku arkay deeggaankaa.

Sidoo kale Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay iyo wefdi uu hoggaaminayo oo sidoo kale dhowaan booqday deegaankaa todobaadkii hore, ayaa ku tilmaamay xaalada deegaankaa mid naxdin badan, isagoo sheegay in ay markii hore u socdeen arrimo nabadgelyo, balse ay ku naxeen duruufaha ka taagan deegaanka Ceeryaan oo ilaa Kun qoys oo ah dadkii xooluhu ka dhamaadeen xero ka samaysteen, wuxuuna xukuumadda Somaliland, Gudidda Abaaraha iyo Hay’addaha gargaarka ugu baaqay inay deg deg wax uga qabtaan arrintaa.

Qaar ka mid ah Dadka, ayaa sheegay in muddo lix bilood ah ay deganaayeen halkaa, kaddib markii ay ka dhamaadeen xoolihii ay dhaqan jireen, isla markaa aanay wax gargaar ah xukuumad iyo hay’addaha kale midna.