Hargeysa(ANN)–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya, Mr Olusegun Obasanjo oo imikana ah Guddoomiyaha hay’adda Brenthurst Foundation oo ka shaqaysa horumarinta dhaqaalaha Afrika iyo hirgelinta nidaamyada caalamiga oo xarunteedu tahay dalka South Africa oo waddanka ku yimid marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu horayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu uga mahadnaqay booqashada uu ku yimid Somaliland, waxaanu warbixin guud ka siiyey Marxaladihii kala duduwanaa ee ay soo martay Jamhuuriyadda Somaliland iyo wakhtigan halka ay marayso, waxaanu madaxweynuhu u sheegay Olusegun Obasanjo, in shacbiga Somaliland xasuusan yahay guddidii xaqiiqo raadiska midawga Afrika u soo diray 2005-tii Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ahaa gudoomiyihii midawga Afrika ee xiligaas, si ay uga sameeyaan warbixinno la xidhiidha qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland, maanta oo uu ku sugan yahay Somaliland-na ay guud ahaan indhaha Jamhuuriyadda Somaliland muddo 28 sano ah ay soo eegayeen madaxda, siyaasiyiinta iyo odayaasha Afrika ee uu ka midka yahay, kana dhursugayaan sidii ay Afrika uga heli lahaayeen waxa ay ka mudan yihiin oo ah aqoonsi ay ka helaan afrika inteeda kale iyo beesha caalamka.

Madaxweyne Olusegun Obasanjo oo xukunka dalkiisa hayey intii u dhaxaysay 1999-2007-kii, islamarkaana Midowga Afrika hoggaaminayey intii u dhaxaysay 2004 ilaa 2006, ayaa safarkiisani waxa uu qaadan doonaa muddo laba maalmood ah, isagoo booqan doona xafiisyo kala duwan oo dawladdu leedahay.

Kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la qaatay madaxweynihyihii hore ee dalka Neyjeeriya Olusegun Obasanjo, ayaa waxa ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Ismaaciil (Saylici), gudoomiyaha UCID, Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali waraabe), wasiirrada arrimaha gudaha, iyo  hawlaha guud, wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, wakiilka Somaliland u qaabilsan midawga Afrika, maayarka caasimada Somaliland iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  hadhimo-sharafeed Ku maamuusay madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya Olusegun Obasanjo, taas oo ay ka qaybgaleen shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, madaxda axsaabta qaranka, saddexdii madaxweyne-ku-xigeen ee Somaliland soo maray, wasiirro iyo haldoor kale oo reer Somaliland ah, ayaa ahayd mid lagu sharfayey madaxweynaha hore ee Neyjeeriya  Olusegun Obasanjo ee dalka booqasho rasmi ah ku jooga, waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqay, islamarkaana lagu sharraxay horumarka ay Jamhuuriyadda Somaliland gaadhay.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa si weyn ugu mahadnaqay madaxweynaha hore ee dalka Neyjeeriya , Mr. Olusegun Obasanjo booqashada uu dalka ku yimi, waxana uu ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay, horumarka ay ku tallaabsatay iyo hiigsiga fog ee ay leedahay.

Madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya, ahna guddoomiyaha Hay’adda Brenthurst Foundation oo waddamada qaaradda Afrika ka caawisa arrimaha la xidhiidha dhaqaalaha oo goobta hadal ka jeediyey, ayaa si weyn uga mahadnaqay horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay iyo midnimada ka muuqata qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweyne Obasanjo, waxa uu sidoo kale sheegay in sababta uu Somaliland u yimi salka ku hayso sidii uu wax badan uga ogaan lahaa xaaladda dhabta ah ee halkan ka jirta, isaga oo shacabka Somaliland iyo xukuumaddoodana ugu baaqay inay sii adkeeyaan xasilloonida iyo horumarka ay ku tallaabsadeen, waxana uu yidhi, “Waxannu halkan u nimi inaan aragno oo indho indhayno oo aannu dhegaysanno, ilaa imikana waxannu aragnay waxyaabo waaweyn oo aad qabsateen, waxad haysataan nabad, ammaan iyo horumar, waxana aan idinku dhiirrigelinayaa inaad sii joogtaysaan.”

Madaxweyne Obasanjo oo maanta kasoo degay garoonka Cigaal International ee magaalada Hargeysa, kuna soo dhaweeyeen madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xubno ka mida golaha wasiirada, maayarka caasimada, gudoomiyaha xisbiga UCID iyo masuuliyiin kale ayaa sidoo kale booqasho ku tegya xarumaha golaha wakiillada iyo maxkamadda sare, waxana uu halkaas kulamo kula qaatay shirguddoonka Barlamaanka iyo hoggaanka waaxda garsoorka qaranka Somaliland.