Muqdisho(ANN)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay mudaharaadyada ka dhacay Magaalada Muqdisho, wuxuuna ku tikmaamay wax marar badan laga digay oo Soomaaliya ku celiyay dariiqii keli taliska ee ay soo martay.


Sidoo kale, Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa intii ay socdeen mudaharaadyadu wuxuu ugu baaqay dadka in ay isdajiyaan, isagoo xusay in askariga dilka geystay ay xabsiga dhigeen.


Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya, ayaa dhankiisa sheegay inay xilkii ka qaadeen Taliyaha Saldhiga Degmada uu ka dhacay dilku.

“Dhab ahaantii waa wax qalbi jab leh, waxa maanta ka socda Muqdisho. Marar badan ayaa si cod dheer loogu celiyey in xiligii kali-taliska ee Soomaaliya uu yahay taariikh tagtay”, ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya xasan Sheekh o qporaal soo dhigay batiisa Twitter-ka.

Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa intii ay socdeen dibaxyadu waxaa uu sheegay dadka in ay isdajiyaan, wuxuuna ku qaboojiyay in askarigii falka dilka ah gaystay la qabtay loona qaaday xabsiga ,isaga oo intaas ku daray in isaga iyo cidii amartayba sharciga la hor keeni doono.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya, ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Saldhigga degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho Najiib Carab,waxaanu xusay inay Bandowda laga dhigay bilawgeeda 8-da fiidnimo inta lagu jiro xaaladda ka hor-tagga iyo yaraynta Covid-19 oo Soomaaliya ku sii faafaya.