Araweelo News Network

Washington(ANN)-Dawkaddaha Maraykanka iyo Britain, ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay masuul ka tahay weerarka dhanka internetka ah ee  WannaCry, kaas  oo sannadkan horraantiisii saameeyay cusbitaalo, ganacsiyo iyo Bangiyo caalamka oo dhan ku kala yaalla.

Weerarka, ayaa la sheegay in uu saamayn ku yeeshay 300,000 Computer oo 150 dal kala yaalla, wuxuuna dhaliyay khasaare balaayiin doolar ah.

Waa markii koobaad ee Maraykanka iyo Britain ay eedayntan si rasmi ah u soo saaraan.

Thomas Bossert oo kaaliye u ah madaxweyne Trump ayaa markii u horraysay eedayntan u sheegay wargayska Wall Street Journal.

Bossert oo madaxweyne Trump kala taliya arrimaha ammaanka gudaha, ayaa sheegay in eedaymahan ay “salka ku hayaan caddaymo”.

Laakiin wax caddaymo ah ma soo bandhigin wargayska, isagoo  sheegay in xogta ay heleen ay waafaqday kuwo kale oo ay heleen dalal kale iyo shirkado gaar loo leeyahay oo weerarku saameeyay.

Wuxuu sheegay in Australia, Canada, iyo New Zealand ay Maraykanka la qabaan in weerarkan dhanka internetka ah ay ka dambayso Kuuriyada Waqooyi.

Waraysigaas ka dibna wasaaradda arrimaha dibadda ee UK ayaa Kuuriyada Waqooyi ku eedaysay in ay weerarka dhanka internetka ah u adeegsanayso si ay ugaga badbaaddo cunaqabataynada la saaray.

Waaxda qaran ee ammaanka internetka ee NCSC ayaa qiimayntii ay samaysay ku sheegtay in ay aad oogu badan tahay in kooxda budhcadda internnetka ee Lazarus ee Kuuriyada Waqooyi ay gaysatay weerarkaas.

Bishii May Computerada Windows-ka isticmaala ayuu saameeyay weerar dhanka internetka ah macluumaadkii ku jirayna waa la xidhay, dadkii adeegsan lahaana waxaa la waydiistay in ay lacago madaxfurasho ah bixiyaan si macluumaadkooda loogu soo celiyo, booliiska Yurub ee Europol ayaa baaxadda weerarka ku tilmaamay wax aan la filaynin.

Jawaabtaas degdega ah waxaa sabab u ahaa baadhitaan caalami ah oo UK hogaaminaysay ka dib markii uu weerarkaasi aad u saameeyay waaxda caafimaadka qaranka ee UK.

Balse Sirdoonka Maraykanka ayaa wakhti dheer qaatay si ay baadhitaankooda u soo gunaanadsaan, laakiin su’aasha wali taagan waxay tahay waa maxay sababta uu Maraykanku hadda u shaacinayo.