Araweelo News Network

sadexdanineemaraykankahKansas(ANN)Mas’uuliyiin katirsan Federaalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay maalintii Jimcaha in ay gacanta ku dhigeen dambiilayaal qorshaynayay in ay burburiyaan oo ay qarxiyaan Masjid ay leeyihiin muslimiinta gaar ahaan Soomaalida ku dhaqan gobolka Kansas ee Maraykanka.

Tom Bil oo ah sii haya xilka dacwad oogaha gobolka Kansas ee dalka Mareykanka ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in gacanta lagu dhigay sedax Nin oo caddaan ah, kuwaas oo qorshaynayay in ay burburiyaan dhisme deegaaneed ay kunool yihiin 120 qof Muhaajiriin Soomaali ah.

Dhismaha ay weerarka la damacsanaayeen kooxaha Kiristanka Xagjirka ah qeyb kamid ah wuxuu ahaa masjid ay jaaliyadda Soomaalidu ku cibaadaysato oo ku yaal dhismahaa.

Sedaxda nin ee gacanta lagu dhigay, ayaa qorshaynayay shirqool weyn oo ka dhan ah muslimiinta, waxaana magacyada sadexdaa nin lagu sheegay inay kala yihiin, Chris Allen oo 49 jir ah, Gavin Wright oo 49 jir ah iyo Eugene Stein oo 47 jir ah.

Xeerbeegtida Mareykanka, ayaa sheegtay in eedaysanayaasha ay qorshaynayeen in hubka wax gumaada ay u adeegsadaan fal dambiyeedkan oo ay ka geysanayeen magaalada Garden City.

Maamulayaasha Mareykanka waxay xaqiijiyeen in muddo sideed bilood ah ay ku daba jireen kooxahan oo katirsan unugyo melleteri, balse faah faahin dheeri ah lagama bixin cidda soo abaabushay shirqoolka ka dhan ah muslimiinta Soomaalida Mareykanka.

Kooxdan gacanta lagu dhigay ayaa lagu qabtay walxaha qarxa iyo hubka darandooriga u dhaca iyo bayaan qoran oo ay ugu talagaleen in ay faafiyaan kadib marka ay fuliyaan howlgalka qarxinta ee ka dhanka ah masjidka Soomaalida gobolka Kansas ee dalka Mareykanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in baadhitaano ay waddo FBI-da Mareykanka, ay sheegayaan in loo badinayo in dadka lasoo qabtay ay katirsanyihiin kooxo Nasaaro xagjirayaal ah oo ka dhisan Koonfur galbeed gobolka Kansas dalka Mareykanka, kuwaasi oo ku kacsan muslimiinta laga tirada badanyahay ee Mareykanka ku nool.

Magaalada Garden City ee gobolka Kansas waxaa ku nool 27 kun oo qof waxaana kamid ah muslimiin, kooxaha weerarka qorsheeyay waxay damacsanaayeen in baabuur miinaysan ay dhigaan afarta xagal ee masjidka iyo markaska Muslimiinta soomaalida.

Waa weerarkii ugu ballaadhnaa oo xagjirayaasha Nasaarada Mareykanka ay u qorsheeyaan jaaliyadda Muslimiinta Soomaalida ee gudaha USA ku dhaqan, mana jirto wax cabsi ah oo ay dawlada Maraykanku ka muujisay weerarka la fashiliyay, sida dhacda marka Kooxaha Islaamiyiinta oo weeraro ay qorshaynayaan la ogaado, ama laga war helo heeganka loo geliyo ciidanka amaanka, isla markaana baadhitaanka loogu bilaabo dad kale oo lala xidhiidhiyo isir ahaan, ama diin ahaan inay wadaagaan, kuwaas oo xabsiyada loo taxaabo.