Hargaysa(ANN)-Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi  Ismaaciil Seylici, ayaa Mudooyinkii u danbeeyay socdaal shaqo ku soo maray qaar ka mid ah waddamada reer yurub gaar ahaana Boqortooyadda Ingiriiska, Iyo Beljim .

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland wuxuu kulamo  la yeeshay Madax sare oo ka tirsan dalalkaa iyo Dublamaasiyiin, isagoo xog waran ka siiyay marxaladihii Somaliland soo martay iyo maqaamka ay maanta taagan tahay iyo weliba cilaaqaadka wanaagsan ee ay la leedahay dunnida inteeda kale.

Mudane Saylici wuxuu ka qayb galay Fadhi wada Jir ah oo ay yeesheen labada Aqal ee Baarlamaanka Ingiriiska, Waxa uu Madaxweyne ku xigeenku kulan la qaatay Saddex Xildhibaan oo ka tirsan aqalka sare ee Odayaasha ee Baarlamaanka UK,  gaar ahaan xubnaha qaabilsan siyaasadda arrimaha dibada halka uu dhanka kalena Shir la yeeshay Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Uk Gaar ahaan kuwooda daneeya arrimaha Somaliland amase Saaxiibada Somaliland afka qalaadna loogu yeedho ” Somaliland All Party Parliamentary Group” Kuwaas oo inaga gacan siiya Sidii qaranka Somaliland aqoonsi uga heli lahaa dunnida dimuquraadiga ah.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland wuxuu Mudanayaashan u sharaxay in Qaddiyada aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay Mid shin dhaaftay isagoo hoosta ka xariiqay in dawlada Ingiriiska looga baahan yahay inay horseed u noqoto sidii Somaliland ay u heli lahayd aqoonsiga ay mudada dheer u samraysay iyadoo lagu abaal marinayo ayuu yidhi Wixii ay Somaliland Shacabkeeda iyo dawladeedu qabsadeen iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay gaadheen muddada 27-ka Sano ah ee uu dalkani xornimadiisa haystay iyo weliba hirgelinta hannaanka geedi socodka dimuquraadiyadda ee uu ku talaabsaday taas oo Somaliland ka dhigaysa mid ka mid ah Mucjisooyinka ka soo dhex mudhay mandaqada geeska africa.
Mudane Saylici waxa uu Intaas ku daray inay Xildhibaanadan u gudbiyeen fariinta Xukuumada Somaliland ka timid oo qoraal ah.

Waxa kale oo Madaxweyne ku xigeenku sheegay inay ka qayb galeen iyagoo marti sharaf ah doodii aqalka hoose ee baarlamaanka Ingiriiska taas oo Somaliland u gudbisay fariin qoraal ah oo ay ku garnaqsanayso.

Dhinaca kale Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici isagoo ku guda jira Safarkiisan aqoonsi raadineed waxa uu Booqasho ku tagay Xarunta Baarlamaanka Midowga Yurub ee dalka Beljim gaar ahaan Magaaladda Brussel Waxaana kulan laba geesood ah oo saxaafadu dibada ka joogtay la yeeshay Weftiga Madaxweyne ku xigeenku Xubno sare oo ka mid ah Baarlamaanka Midowga yurub, iyadoo laga wada hadlay Mashaariicda horumarineed ee Ururka Midowga yurub ay ka fulin karaan.

Mudane Saylici wuxuu xubnahan ka tirsan baarlamaanka Midowga yurub Tafaasiil ka siiyay heerka ay maanta Somaliland ka taagan tahay Maamul wanaaga iyo dimuqraadiyadda iyo sidii Midowga yurub u kordhin lahaa taageerada ay siiyaan Somaliland.

Xubno u hadlay baarlamaanka midowga yurub ayaa Somaliland ku amaanay horumarka dhinacyada badan leh ee ay ku talaabsatay iyadoo taageero kooban ka heshay dalal ka tirsan qaarada yurub taas oo bidhaan wanaagsan u ah wax wada qabsiga Xukuumada iyo Shacabka Somaliland.

Waxay mudanayaashani sheegeen in waddamada deriska,beesha caalamka iyo daneeyeyaasha somaliland ay ka markhaati kacayaan waxyaabah ay ummada somaaliland qabsadeen mudadaasi sida nabadgelyada,dhismaha dawladnimo, ka jibo keenista dhabaha dimuqraaddiyadda, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqan dhaqaale ee somaliland,Taasina ay mudan tahay dhiirigelin.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C.raxmaan Saylici waxa kale oo uu ka qayb galay Shir weyne balaadhan oo ay isugu yimaadeen Jaaliyadda Somaliland ee Yurub Waxaanu ku booriyey inay Wada jirkooda iyo Midnimadooda Ilaashadaan kana shaqeeyaan horumarka dalkoodii hooyo.

Bishii August ee Sannadkan 2018 ayay ahayd markii Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ay markii kowaad taariikhda ee boqortooyadda Sucuudigu ku qaabishay maqaamkii ugu Sareeyay ee ay ku qaabisho Mas’uul sare oo ka socda Somaliland Iyadoo ku dartay Liiska Madaxda Caalamka ee Boqorka Sucuudigu uu sida gaarka ah u qaabilo Markii uu dhamaaday gudashada waajibaadka xajka ee Sannadkan 2018-ka Xiligaas oo uu booqasho ku tagay dalka Boqortooyada Sucuudiga.

Isku soo wada duuboo Socdaalka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu ku tagay dalalka Sucuudiga iyo wadddamada hormoodka u ah qaarada Yurub ayaa muujiyey dardar cusub oo la geliyay siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland taas oo ay saldhig u tahay qorshayaasha Xukuumadda uu gadhwadeenka u yahay Madaxweyne Muuse Biixi ee ku jihaysan sidii dhiig cusub loo gelin lahaa daneeyeyaasha qaddiyadda aqoonsi raadinta Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo Isniintii ku soo laabtay Caasimadda hargaysa Isla markaana ka waramayay midhaha socdaalkiisa qaarada yurub ayaa yidhi “Aad baan ugu faraxsanahay in aan maanta dalka dib ugu soo laabto, waxaan socdaal shaqo ugu baxnay dalalka Ingiriiska iyo Belgium waxaanu halkaas nagu qaabilay masuuliyiin ka tirsan dawladahaas iyo xildhibaanadda baarlamaanka, waxaanu qoraal ugu gudbinay danahayagii, aad ayayna noosoo dhaweeyeen, waxa ay na tuseen waji wanaagsan oo aanu xidhiidh qoto dheer ku yeelan karno, waxaanu isla soo meel dhignay xidhiidh cusub oo dhex mara midawga yurub iyo Somaliland” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.