Araweelo News Network

Beledweyne(ANN)-Taliyaha qaybta Booliska Gobalka Hiiraan Isxaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in labada qarax ee ka dhacay Beledweyne ay geysteen khasaara xooggan.

ALT: Araweelo News Network
Car bombs explode in Mogadishu 12 Jan 2022, Image file Araweelo News Network.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in labada qarax ay ku dhinteen 15 qof, isla markaana ay 30 kale ku dhaawacmeen.

Mr Isxaaq ayaa sheegay in qaraxa labaad uu ahaa midka khasaaraha ugu badan geystay.

Dadka Dhaawmay, ayaa Cisbataalka la keenay, waxayna eheladii u timi dadkoodii dhaawacmay iyo dadkii dhaawcyadooda soo qaaday gaadhi kale oo ah nooca loo yaqaan Noah, ayaa isku qarxisay Cisbataalka hortiisa , dadka ugu badan halkan ayay ku dhineen,” Sidaa waxa yidhi, taliye Isaaq.

Taliyaha qaybta Booliska Gobalka Hiiraan Isxaaq Cali Cabdulle oo warbaahinta kula hadlayay goobtii uu qaraxa labaad ka dhacay ayaa sheegay in weli ay wadaan tirakoobka khasaaraha guud ee qaraxa ka dhashay.

Dhinaca kale, waxaa goor dhawayd waxa magaalada Muqdisho loo qaaday meydka marxuumad Aamino Maxamed oo ka mid ahayd dadkii qaraxyadii Baladwayne ku dhintay si hakaasi loogu aaso.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com