Araweelo News Network.

Brussels (ANN)-Hogaamiyayaasha Yurub ayaa ku kala qaybsamay cunaqataynta la doonayo in la saaro ruushka si loo joojiyo shidaalka uu siiyo dalalka Midawga Yurub.

Shirka labada maalmood ka socday magaalada Brussels hoggaamiyaasha 27 dawladood ee naadiga Yurub  doodo kulul kaga wadahadleen sidii ay cunaqabatayn dheeri ah oo ka dhan ah Ruushka usoo rogi lahaayeen, taas oo ay ku jirto qorshe lagu joojinayo shidaalka Ruushka.

Hase yeeshee  waxa laysla qiray in mamnuucid buuxda aannay suurtagal ahayn xilligan oo lagu joojinayo saliida ruushka, iyadoo ay khilaaf ka dhex abuurtay soo jeedintaa oo ah mid Maraykanku dabada ka riixyo.

Hungary , ayaa si weyn u diiday soo jeedinta, iyadoo dheegtay in aannay wax dani ugu jirin, maadamaa ay si toos ah ugu xidhantahay saliida ay keento dhuunta Ruushka. Shirka Gollaha Yurub oo ayaa labadii maalmood ee uu socday waxay hoggaamiyayaashu isku dayayeen in ay ka fogaadaan waxyaabo muujinaya  kala qaybsanaanta ku waajahan jawaabta Midowga Yurub ee dagaalka Ukraine.

Go’aanka kasoo baxaya shirkan hoggaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa si dhow isha loogu hayay,waxaana soo baxday in lagu kala qaybsamay shirka oo aannu kasoo bixin go’aan midaysan,  balse si loo daboolo oo daah loo saaro fashilka iyo kala qaybsanaanta  madaxweynaha Golaha Yurub Charles Michel ku dhawaaqay in 27-ka xubnood ee naadiga Yurub isku raaceen go’aan ka dhan ah ruushka.

“27 ka xubnood ee EU-da ayaa isku raacay xidhmo cusub oo cunaqabatayn ah dabayaaqadii iSalaasadii oo daboolaysa in ka baddan saddex-meelood laba meelood saliidda Ruushka loo soo dhoofiyo ururka,  sidaa waxa ku qoray bartiisa Twitter madaxa golaha Yurub Charles Michel.

 “Goynta il weyn oo dhaqaale oo loogu talagalay mishiinkeeda dagaalka, taasi waa Cadaadiska ugu baddan ee Ruushka lagu saarayo inuu joojiyo dagaalka” ayuu yidhi, Michel ku yidhi, bartiisa Twitter-ka.

Sidoo kale, Baanka midawga Yurub,  ayaa isku raacay in Sberbank laga saaro nidaamka lacag-bixinta caalamiga ah ee SWIFT. Sberbank waa bangiga ugu weyn Ruushka, inta badana waa bangiyada ay dowladdu leedahay.

Hase yeeshee markii la maqlay warkaa waxa durbadiiba si weyn kor ugu kacay Qiimaha saliidda, taas oo ka dhalatay ku dhawaaqista Midowga Yurub ee ah inay mamnuuci doonto badi badeecooyinka Ruushka laga keeno.

Qiimaha Foostada Ceedhiin ee saliida (Brent Crude), ayaa tusaale ahaan kor u kacay korodhka laba bilood, kaas oo ka sarreeya in ka baddan $123 , halkii foosto  oo u dhiganta (€115). Sidoo kale suuqa lagu kala iibsado saliida ceedhiin ee ” West Texas Intermediate mix of crude oil ”  waxay kor u kacday in ka baddan $119, halkii foosto saylada New York.

 Laga soo bilaabo March 2022, waa markii u horaysay ee qiimaheeda sare ugu kaco saliida sidaa suuqyada caalamka iyo saylada New York, taas oo abuurtay walaac weyn. Sicir-bararka ayaa sidoo kale sare u sii kacaya Yurub, waxayna arrintan wer wer ku abuurtay shucuubta dalalka Yurub ee sida weyn dagaalka Ulraine hore ugu sameeyay.

 Daallka Yurub iyo xulufada Nato ee Maraykanku hoggamaiyo ayaa hore tallaabooyin cunaqabatayn ah  Ruushku ugu saaray dagaalka uu kula jiro Ukrain, balse dalalka Yurub iyo Maraykankaba waxa si weyn u saameeyay sicir-barar ka dhashay dagaalka iyo tallaabooyinka ay doonayeen in ay ku caddaadiyaan ruushka, waxayna tallaabada u danbaysay ee naadiga Yurub durba  ka abuurtay 19-ka waddan ee aagga Euro sicir-barar gaadhay heerkii ugu sarreeyay oo noqonaya 8.1%  bishan May, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Dalka Jarmalka oo ka caga-jiidayay arrinta dagaalka Ukraine, ayaa dareemaya Sicir bararka ugu daran, kaas oo gaadhay 7.9% bishii March, sida laga soo xigtay xog ay daabacday Isniintii hay’adda tirakoobka Jarmalka ee Destatis, waxayna u muuqataa arrin walaac weyn dhalisay oo xaaladda iyo nollosha sii adkaynay.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com