Araweelo News Network.

Burco(ANN)-Maydka Caalinkii weynaa ee Sheekh Cali Warsame Xasan oo ka mid ahaa culimada waaweyn kuwa ugu magaca dheer, isla markaana daaci nolloshiisa u huray faafinta diinta Islaamka oo gobolka Geeska Afrika iyo geyiga Soomaalida aad looga yaqaanay, ayaa maanta aas qaran loogu samayeeyay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Kumanaan qof oo ka qaybgalay aaska qarn ee loo sameeyay mufdigii weynaa ee Soomalaida Sh Cali Warsame Xasan oo lagu aasay magaalada Burco 31 May 2022, Image Araweelo News Netwprk.

Marxuum Sh. Cali ayaa ku geeriyooday caasimadda Amman ee dalka ‘Urdunniyyah Al-Hāshimiyyah Jordan 28 May 2022, oo ku beegan Hijra 27 Shawaal 1443, waxaana maydkiisa diyaarad khaas ah lagaga soo qaaday dalka Urdun, taas oo isala maanta diyaarad kale lagaga wareejiyay madaarka Hargeysa, taasoo ka dejisay Magaalada Burco oo loo diyaariyay si loogu aaso.

Laxidhidiha: Doodii Dhexmartay Sh. Cali Warsame Iyo Amiirkii Al-shabaab Axmed Godane

Allah ha naxariistee Sh. Cali Warsame oo 82 jir qiyaastii lagu sheegay dadiisa, wuxuu ahaa caalin weyn oo muddo lixdan sannadood ah kusoo jiray dacwada iyo fidinta diinta islaamka, wxuuna ahaa sheekh si weyn looga ixtiraamo geyiga Soomaalidu degto iyo meelo kale oo dunida islaamkaba.

Laxidhiidha: wuxuu ahaa Caalimka Koowaad ee Soomaliyeed, wuxuuna kaga duwanaa culimida kale,,.” Sh. Cali Wajiis

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo gollayaasha kale ee Somaliland, ganacsato, culmo iyo sidoo kale culimada Soomaalida kuwa ugu magaca weyn, ganacsato iyo sahqsiyaad muxtarim ah oo ka kala yimi Somalia, Kenya, Djibouti, Ethiopia iyo meelo kale, kuwaas oo qaarkood safar dhulka ah oo dheer usoo galeen ka qaybgalka jinaasada, iyadoo qaar kalena ay safar dheer oo dhinaca cirka ah usoo galeen.

La xidhiidha: Sh Cali Warsame Caalin Soomaaliyeed Oo Lahaa Astaamo Gaar ah

Sidoo kale, kumanaan qof oo kale oo ka kala yimi gobollada dalka jamhuuriyadda Somaliland iyo deegaanada kale ee Soomaalida oo xukuumadda Somaliland u fududaysay in ay gaadiidkooda kusoo galaan si ay uga aybgaalan janaasadiisa caalimkii weynaa Sh Cali Warsame oo loo aqoonsanaa inuu ahaa mufdiga Soomaalida, waxaana jinaasada Sh. Cali Warsame noqotay mid muujisay doorka uu ku lahaa Bulshada iyo kaalinta uu kaga jiray.

Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, masuuliyiinta kale ee ka socotay xukuumadda iyo gollayaasha qaranka oo ka hadlay markii la aasay marxuum Sh. Cali Warsame , ayaa tilmaamay doorka uu ku lahaa horumarka dalka, nabadda iyo dedaalkiisa ku dhowaad lixdan sannadood uu juhdiga weyn ku geliyay dacwada diinta islaamka iyo hagaajinta bulshada.

Alt: Araweelo News Network.
Kumanaan qof oo ka qaybgalay aaska qarn ee loo sameeyay mufdigii weynaa ee Soomalaida Sh Cali Warsame Xasan oo lagu aasay magaalada Burco 31 May 2022, Image Araweelo News Netwprk.

Sidoo kale, culimada waaweyn ee ka timi dalalka Soomaaliya, maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo maamul goboleedka Soomaalida Ethiopia iyo shaqsiyaad ganacsato iyo qaybaha hormoodka bulshada ayaa dhammaantood ka hadlay doorkii uu ku lahaa Sh. Cali Warsame dacwada iyo shaqsiyadiisa intii uu halganka ku jiray dhibaatootinka uu la kulmay ee ka leexin waayay dariiqa dacwada, waxayna soo jeediyeen in kaalintii uu kaga jiray Bulshada Soomaalida loo baahanyahay in la buuxyo, maadaama uu Sh. Cali ahaa mufdiga Bulshada Soomaalida, waxayna si gaar ah uga tacsiyeeyeen Somaliland , gaar ahaan dadka reer Borco, qoyskiisii, ehelkii iyo asxaabtii iyo bulshada Soomaaliyeed, waxayna Allah uga baryeen inuu jannafardawsa Al aclaa ku casuumo marxuumka dhamaanteena samir iyo iimaan inaga siiyo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com