IGAD: Wasiiro Wajaale U Yimi Mashaariic Laga Hirgelinayo Iyo Farriinta Loo Xanbaariyay

Akhri wax ka yar laba min, ama  Daawo 2min
#Araweelo_News_Network.

#Somaliland#Ethiopia #Kenya

#Uganda#South_Sudaan#IGAD

Wajaale(ANN)-Wefdi Wasiiro ah oo ka socda dalalka ku bahoobay Urur goboleedka loo soo gaabiyo IGAD, ayaa lagu soo dhoweeyay Magaalada ganacsiga ee Wajaale oo ku taal xadka dhinaca galbeed ee Somaliland la wadaato dalka Ethiopia.
Wasiiradda Dalalka Ururuka IGAD,  ee Dowladda Ethiopia, Kenya, Uganda iyo South Sudaan, waxa halkaa kusoo dhoweeyay Wefdi uu hoggaamiyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, kuwaas oo maanta gelinkiii danbe gaadhay halkaa.
Markii ay soo gaadheen halkaa wefdiga dalalka IGAD, waxa qaabilay Wasiir Madaxamed Kaahiin oo hoggaaminayay wefdiga Wajaale ku sugayay Wasiirrada Biyaha ee Urur Goboleedka IGAD , iyadoo uu weheliyay Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Kililka Shanaad Mustafe Maxamed Cag-jar.
Labada wefdi ayaa halkaa ku yeeshay kulan muhiim ah oo ka qabsoomay Magaalada Tog-Wajaale oo ah ta ugu muhiimsan ganacsiga iyo isu socodka Somaliland iyo Ethiopia ee xadka ay wadagaan labada dal.
 Kulanka ka hor Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa hadal uu saxaafadda u jeediyay sharaxaad ku saabsan ujeedada labada wefdi iyo kulankooda, ayaa sheegay in ay marka hore soo dhowaynayaan wefdiga Wasiiradda oo ay kusoo dhowaynayaan nabadgelyada Somaliland iyo horumarka.
Wasiir Kaahin, ayaa tilmaamay xidhiidha ganacsiga, amniga iyo isu socodka ay leeyihiin Somaliland iyo Ethiopia, taas oo sida uu sheegay suurta gelisay in wefdiga wasiirrada ka socda IGAD, ay indhohooda ku arkayaan amniga iyo xasiloonida ka jirta Somaliland iyo xidhiidhka wanaagsan iyo iskaashiga ee ay la leedahay dalka ay wadaagaan xadka dheer ee Ethiopia.
Wasiir Maxamed Kaahin, wuxuu sheegay in ujeedada wefdiga Wasiiradda ay tahay mashruuc dhinaca Biyaha ah oo laga hirgelinayo Wajaale iyo xadka labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia, taas oo sida uu sheegay markhaati ka ah xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dalalka gobolka ee xubnaha ka ah Uurur goboleedka IGAD.
“Mashaariicda dhinaca Biyaha ee laga hirgelinayo xadka labada dal, waxaan soo jeedinaynaa in (Ethiopia) loo badiyo, sababtoo ah annagu dhul baddan oo Biyo leh waanu haysanaa.” ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin.
Hase yeeshee, wuxuu ku wargeliyay wefdiga innay ka gudbiyaan farriin ah in Somaliland nabadgelyadeeda iyo horumarkeeda ay ka noqdaan markhaati, sidaa awgeed ay naga qaadaan farriinta ah in Somaliland la balaadhiyo, “Somaliland sida uu dhigayo mabda’eeda siyaasadeed, jaarkeeda waxay kula dhaqantaa nabadgelyo iyo in layska kaashado dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga isu socodka iyo amniga, sida ka dhaxaysa Somaliland iyo Ethiopia, markaa waa in iskaashiga iyo wada shaqaynta amniga iyo ganacsiga la ballaadhiyo, wasiirrada IGAD, waa innay farriintaa nagga qaadaan.”ayuu yidhi.
“Waxaan diyaar u nahay iskaashi iyo horumar in aan la yeelano dalalka kale, sida Ethiopia oo Kililka Shanaad noogu soo xiggo, ayuu raaciyay, isagoo mar kale uga mahad celiyay wefdiga booqashada ay ku yimaadeen Somaliland iyo mashaariicda horumarka ah ee ay u yimaadeen Wajaale oo ah Magaalada xadka ee ganacsiga ay dalka Ethiopia la wadaagaan.
Muuqaalka Wefdiga Iyo Hadalka Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland.

Wefdiga ayaa ahaa Wasiirrada Biyaha ee Dowladdaha Ethiopia, Kenya, Uganda iyo South Sudaan, ee ka socday Urur Goboleedka IGAD, iyadoo Weftiga dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Horuumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Horuumarinta Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiir Ku-xigeenka Horuumarinta Gaadiidka iyo  Jidadka Muuse Selef iyo Maamulka Gobolka Gebilay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com