Taangiyadda Yuhuuda Oo Galay Diilinta Rafax  La Wadaagto Dalka Masar

ku akhri 2min

#Araweelo_News_Network.

Rafax(ANN)- Millateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay jiraan duqaymo lala beegsaday goobo muhiim ah oo ku yaal bariga Rafax. Wax yar ka dib, taangiyada Israa’iil waxay galeen Rafah, iyagoo gaadhay meel 200 mitir u jirta marrinka Rafax ee dalka deriska la ah ee Masar.

Sida ay sheegtay Wallaadadda Wararka ee AP, oo soo xigganay  sarkaal ammaanka Falastiin ka tirsan iyo sarkaal Masar ah, oo labaduba codsaday in aan magacyadooda la shaacin, maadaama aan loo ogolayn innay la hadlaan warbaahinta.

Duulaanka la sheegay ayaa yimi maalin kadib markii dagaalyahanada Xamaas ay dileen Afar askari oo Israa’iiliyiin ah, kuwaas oo ku dhintay weerar qoriga  hoobiyaha ah oo ay Israa’iil sheegtay in uu kaga soo dhacay  meel ku dhow isgoyska Rafax.

In kasta oo Sarkaalka Masar u hadlay  sheegay in howlgalka uu u muuqday mid xadidan. Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa sheegtay in aannay awooddin innay si madax banaan u xaqiijiso baaxada hawlgalka oo si weyn loog digay.

Duqaymaha dhinaca Cirka ee Israel ayaa sidoo kale ka dhacay meel kale oo ka tirsan Rafax galinkii dambe ee Isniintii, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan shan qof, oo ay ku jiraan ilmo iyo haweenay, sida ay sheegeen saraakiisha Cisbitaalka. laakiin Millateriga Israa’iil ayaa ka gaabsaday ka hadalka weerarka, wallow ay goor danbe sheegeen IDF, innay weerarao ka fuliyeen ilaa 50 goobood.

Israel ayaa waajahaysa canbaarayn guddaha iyo dibadda ah oo ka digaya khatarta ka dhallanay weerarka Rafax iyo cabsida laga saadaalinayo in dagaalku si ballaadhan ugu faafo gobolka iyo dunnida kale.

Duqaymaha Israel qaaday ayaa yimi wax yar kaddib markii Xamaas ay sheegtay in ay aqbashay soo jeedinta xabbad joojinta ee Masar iyo Qatar, iyadoo Gollaha Wasiirada ee dagaalka Israel go’aansadeen innay  sii wadaan hawlgalka Rafax, sida laga soo xigtay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Benjamin Netanyahu.

Aqbalaada lama filaanka ah ee Xamaas ee heshiiska xabad joojinta ayaa yimi saacado kadib markii Israa’iil ay amartay in ilaa 100,000 oo Falastiiniyiin ah laga daadgureeyo xaafaddaha bariga Rafax, taasoo muujineysa in duulaan uu kusoo wajahan yahay.

Israel, ayaa ku andacoonay  in wallow ay soo jeedinta Xamaas ogolaatay  ay tahay mid ka fog buuxinta shuruuddaha aasaasiga ah ee Israel,” waxay u diri doontaa gorgortanka Masar si ay uga shaqeeyaan heshiis.” ayuu yidhi, Netanyahu,  Gelinkii dambe ee Isniintii, Qatar waxay ku dhawaaqday innay sidoo kale koox u dirayso Masar.

Dhinaca kale, Madaxwaynaha Maraykanka Joe Biden ayaa la hadlay Netanyahu, isagoo ku celiyay mar kale, walaaca Maraykanka ee ku aadan duulaanka Rafax. Sida laga soo xigtay Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka Matthew Miller ayaa sheegay in saraakiisha Maraykanka ay dib u eegis ku samaynayaan jawaabta Xamaas “oo ay kala hadlayaan saaxiibadayada gobolka.”

 

Si dhab ah looma ogga in soo jeedinta Xamaas ay ogolaatay ay aad uga duwan tahay mid uu xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ku cadaadiyay kooxda, taas oo ahayd innay aqbasho Xamaas todobaadkii hore, isagoo Blinken u sheegay war-diyeenka in ay ku jirto tanaasulaad muhiim ah oo dhanka Israa’iil khuseeya. laakiin Sarkaal Maraykan ah ayaa sheegay in Washington ay baadhayso in waxa Xamaas ay ku heshiiyeen uu yahay nuqulkii ay saxeexeen Israel iyo gorgortanka caalamiga ah ama wax kale arrunahaa la xidhiidha.

Hase yeeshee, Mas’uuliyiinta Masar ayaa sheegay in soo jeedintu ay ku baaqday xabbad-joojin heerar kala duwan ah oo ka bilaabmaysa sii dayn la haystayaal xaddidan iyo qayb ka mid ah dib-u-celinta ciidamada Israa’iil ee gudaha Gaza.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada xaajoon doona “xasillooni joogto ah” taasoo horseedi doonta in si buuxda loo sii daayo la haystayaasha iyo ka bixitaanka Israel  oo noqda mid ballaadhan oo dhulka  Falastiin ah, kaas oo ay Yuhuudu kula baxayso ciidamadeeda burburiyay Qaza ee doonaya iinay galaan rafax oo ay ku nool yihiin ku dhowaad  hal milyan iyo dhawr boqol oo qof, kuwaas oo muddo toddoba bilood ah Israel oo dagaal kula jirta Xamaas , iyadoo dagaalku sababay  masiibo macaluul, bur-bur, bara-kicin, iyo xasuuq Millateriga Israel ka geysteen Qaza.

Xamaas ayaa sheegtay innay Isniintii aqbashay hindisaha soo jeedinta  xabbad-joojinta ay wadeen Masar iyo Qatar, balse Israa’iil waxay sheegtay in heshiiskaasi aanu buuxin shuruudaheeda aasaasiga ah, isla markaana ay hore u sii waddayso weerar ay ku qaaddo magaalada Rafah ee koonfurta Qaza. Wallow Israa’iil ay sheegtay innay sii wadi doonto wadahadallada.

Dhaqdhaqaaqyada dublamaasiyadeed ee heerka sare ah iyo millateriga millateriga ayaa ka tagay rajo iftiimaya oo nool – laakiin si dirqi ah – heshiis keeni kara ugu yaraan hakad dagaalkii 7-da bilood jirsaday ee burburiyay Marinka Gaza. Dagaalkan ayaa waxa uu ahaa mid halis ah oo ay Israa’iil ku qaadayso magaalada Rafah, tallaabadaas oo uu Maraykanku si adag uga soo horjeedo iyo in kooxaha gargaarka ay ka digayaan in ay masiibo ku noqon doonto ilaa 1.4 milyan oo Falastiiniyiin ah oo halkaas gabaad ka dhiganaya.

Dagaalka Israel ku qaaday Rafax,  ayaa ah mid halis ah, iyadoo uu Maraykanku si adag uga soo horjeedo, isla markaana kooxaha gargaarka iyo weliba dalalka gobolka iyo kuwa dunida lkale,  ayaa ka digaya in duulaanka Israel uu dhaliyo dhibaatooyin waaweyn oo  masiibo ku noqon doonta ilaa 1.4 milyan oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo halkaas gabaad ka dhiganayay tan iyo bilawgii dagaalka Oct, 7 2023.

Digniinaha ku waajahan Israel ee ka digaya in Millaterigeedu ay galaan Rafax, waxa uu helay taageero guddaha Israel  iyo caalamka, iyadoo isu soo baxyo ka dhacay Magaalooyinka waaweyn ee caalamka lagu dalbaayay in la joojiyo dagaalka Qaza iyo aannay Israel ku duulin Raxaf oo ah Koonfurta Qaza, halkaas oo  hal milyan in ka baddan oo Falastiiniyiin ag ku jiraan.

Dalka Sacuudi Carabiya ayaa dhankiisa ku biiray dalalka ka digay in Israel weerarto Koonfurta Qaza eerafax, isagoo Sacuudigu uga digtay Israa’iil innay beegsato Rafax, taasoo qayb ka ah waxa ay ugu yeedhay olole “dhiig iyo nidaam leh” oo lagu doonayo in lagu duqeeyo dhammaan deegaannada Qaza, laguna barakiciyo muwaadiniinteeda, wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sidaa ku sheegay Isniintii bayaan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com