Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Gaadiidka gaashaaman ee Booliska, ayaa wareegaya xaafadaha magaalada Hargeysa qaarkood, waxaana heeggan la geliyay Booliska Somaliland, iyadoo ay jirto xaalad ka aloosan muranka siyaasadeed ee u dhexeeya xukuumadda iyo axsaabta mucaaradka Somaliland.

Taliyaha Booliska Somaliland, Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale). oo la hadlaya ciidanka Booliska oo heeggan lageliyay Image Araweelo News Network, 31 May 2022.

Labada Xisbi ee mucaaradka ah WADDANI iyo UCID, ayaa 29 May 2022, soo saaray qoraal saxaafaeed ay ku shaaciyeen in ay magcaabeen guddi ka kooban labada xisbi oo tiradoodu tahay 15 xubnood, kuwaas oo ay sheegeen in hawshoodu tahay abaabulka mudaharaad ay hore ugu baaqeen oo ay xukuumaddu ganafka ku dhifatay dalabkii ay ku dalbanayeen ee ay u gudbiyeen wasaaradda arrimaha guddaha si loogu ogolaado.

Alt: Araweelo News Network
Qaar ka mid ah ciidanka ka hortaga rabshadaha ee Booliska Somaliland oo heeggan la geliyay, Image file Ataweelo News Network, 31, May 2022.

Hase yeeshee, waxay labada xisbi mucaarad ku doodayaan in aannu jirin sharci u diidaya mudaharaadka oo ah xaq dastuuri ah, isla markaana aannay diidmada xukuumaddu ahayn mid ka joojinay qorshahooda mudaharaadka.

Arrimahaa ayaa sababay in xiisaddu noqoto midi midi ku taag, waxaana saaka la arkayay ciidamada Booliska oo ku gaashaaman gaadiidka iyo kuwa sida gaarka ah ugu tababaran in ay ka hortagaan rabshadaha oo gaaf wareegaya inta baddan bariga iyo Koonfurta Magaalada.

Goobbaha Banjarlayaasha ayaa laga Ururriyay Taayirada, taas oo loo malaynayo in laga cabsi qabo in loo adeegsado mudaharaadka ay ku baaqeen labada xisbi, kaas oo si weyn bulshadu u hadalhayso.

Taliyaha Booliska Somaliland, Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale). oo maanta la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska oo heegan la geliyay, ayaa sheegay , ayaa amar ku siiyay ciidanka Booliska meel walba oo ay joogaan in ay galaan heeggan si amniga gacanta loogu qabto.

“waxaan idiin sheegayaa in aynu u diyaargarawno amniga guddaha oo dhan in aynu gamco adag ku qabano cidda doonaysa in ay khal-khal geliso ciday doonto ha ahaatee ciddii amniga khal-khalinay waxaynu isugu geynaynaa labada gamcood tallaabo sharci ah.”ayuu yidhi, Taliye Dabagale.

“Saacadaa laga bilaabo waxaynu gelaynaa heeggan, waxaynu u diyaargaroobaynaa dhacda kasta oo shaqooyinka aynu qaranka u hayno ku saabsan oo lid ku ah amniga qaranka iyo xaalad kasta,” ayuu raaciyay.

Taliyaha Booliska Somaliland, Maxamed Sanqadhi, wuxuu sheegay in maalmahan ay maqlayeen mudahaarad, balse wuxuu xusay in aannay dadku aqoon mudaharaadka oo ay u yaqaaniin Taayiro la gubo iyo meherado la boobo, taas oo sida uu sheegay ay sababi karto in dhimasho iyo dhaawac yimaado,”Mudaharaad ayaan maqlayay maalhan, mudharaadka Boodhadh ayaa la qaataa oo lagu sheegaa waxa la doonayo oo waa laga hadlaa, laakiin innagu Taayiro la gubo iyo meherado la boobo ayaynu u naqaan, markaa mudaharaadka way didiay wasaaradda arrimaha gudduhu, markaa cidda wax tabanaysaa sharciga haw marto tabashadeeda.” ayuu yidhi.

Dhianca kale, Taliye Dabagale, wuxuu Booliska usoo jeediyay in ay dhexgalaan dadweynaha oo ay ilaaliyaan si ay ula shaqeeyaan, isagoo dadweynaha usoo jeediyay in ay la shaqeeyaan Booliska oo ay wixii amniga lidi ku ah cidda wada lasoo socod siiyaan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com