Israel iyo Iran Taariikhda Bilawga Hubka Nukliyeerka

ku akhri laba daqiiqo

#Araweelo_News_Network.

Riyadh (ANN)- Boqorrooyadda Sacuudi Carabiya ayaa martigelin doonta wadahadalka la filayo in lagaga hadlo sidoo loo dejin lahaa Collaada Bariga dhexe ee cabsida iyo werwerka kusii kordhinay dunida.

Dagaalka Israel iyo Xamaas ee Arrinta Qaza, ayaa labadii tododobaad ee u danbeeyay sababi gaadhay in xaalladdu faraha ka baxdo oo uu sida horeba loo saadaalinayay si toos ah gu baaho gobolka, isla markaana si dhab ah isugu beddelo dagaalkii saddexaad ee dunida.

Laxidhiidha: Markabka Dagaalka Ee Faransiiska Oo Ka Cararay Biyaha Badda Cas

Iran iyo Israel oo ah jilayaasha ugu awoodda baddan gobolka ayaa is weydaarsaday weerarro cabsi weyn iyo argagax abuuray, iyadoo ay quwadaha waaweyn la kala safteen, welina aannay waxba iska beddelin cabsida sii kordhaysa ee gobolka oo Maraykanaka iyo xullufada reer galbeedku kusoo daabulayeen hubka khatarta iyo sannnad Millateri si loo garab istaago weerarka Israel ku qaaday Qaza ee Xamaas oo beeniyay awooddii iyo tuhunkii Israel iyo xulluafadda Maraynaka ee garab taagan

Dagaalka Qaza oo saaamayn amni iyo mid dhaqaale ku yeeshay dunida, ayaa sabab u ah khatarta laga werwerayo in Israel iyo Iran weeraro kale isku hujuumaan, iyadoo cabsida ugu weyn tahay adeegsiga hubka wax gumaada ee Nukliyeerka oo Israel si aan sharci ahayn u samaysatay ilaa ugu yaraan 90 madax, kaas oo ay ku hanjabtay intii dagaalka Qaza bilawga ahaa innay u adeegsan doonto.

Israel ayaa markii u horaysay  Barnaamijka Nukliyeerka 1945, si qarsoodi ah ula shaqeynaysay Faransiiska 1957 si ay u abuurto xarrun plutonium ku salaysan Dimona, oo ah magaalo yar oo ku taal lamadegaanka Negev. Bartamihii 1960, sida laga soo xigtay dukumiintiyo sir ah, iyadoo taageerada ay ka helaysay Maraykanka , Britain iyo farance ay ka dhigtay mid gobolka u awood sheegata.

Laxidhiidha: Xuutiyiinta Oo Maraykanka Hordhigay Shuruuddaha Mawqufkooda Weerarrada Maraakiibta Iyo Dagaalka Qaza

Sidoo kale, israel waa wadanka keliya ee aan weligii saxeexin heshiiskii 1968, kaas oo dhigaya badbaadada hubka Nukliyeerka iyo faafinta hubka Nukliyeerka (NPT) mana ay aqbalin Israel  borotokoolka Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada Aduunka.

Iran, ayaan si dhab ah loo ogga innay haysato hubka wax gumaada,   Barnaamijkeeda Nukliyeerka waxa uu ku bilaabmay Boqorka ay reer Galbeedka taageerayeen ee Mohammad Reza Pahlavi (Shaah), ka hor inta aan xukunka laga tuurin 1979,  wallow ay khuburada arrimaha Iran ee hubka u kuur galaa sheegayaan in aan waligiis diirada laguma saarin abuurista bamka.

Laxidhiidha: “Waxaan jecelnahay in xal diblumaasiyadeed la gaadho. Waxaan ognahay in aannu jirin xal Millateri oo guul keenaya,”Ergeyga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Yemen

Hoggaamiyaha ugu sareeya ee dalka Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa la sheegay inuu soo saaray fatwo ka dhan ah hubka nukliyeerka sanadkii 2003, laakiin lama hubo in la dhaqan geliyay, waxayna khuburada reer galbeedku ku doodaan in ay haystao Iran hubka wax gumaada, iyadoo ujeedda ugu weyn ee ay u haysataa, ama u samaysanay tahay innay Maraykanka iyo Israel iskaga ilaaliso si aan sharafta dalkooda iyo dadkooda waxba loogu yeelin awoodda hubka.

Xilligan Maraykanka oo si toos u garab taagan Israel, ayaa wixii ka danbeeyay weerarkii Iran ku qaaday Israel wuxuu isu muujinayaa inuu arrinta Qaza ee hurisay colldaadda dunida kala xidhay iyo cabsida gobolka ka jirta xal u raadiyo, waxaana tranoddobaadka soo socda dalka Saciuudiga shir ku saabsan arrinta Qaza ku yeelanaya saraakiil sarsare oo Mareykan ah, UK iyo Carabta ka socda, sida ay warbaahinta Bloomberg xustay.

Kulanka ayaa maalinta Isniinta ee toddobaadkan la filayaa inuu ka dhaco Riyadh, iyadoo Maraykanka iyo dalalka Carabta qaarkood ka digeen in Israel qaado weerar ku waajahan Rafah oo xaalladda uga sii dara, ama sii ballaadhiya dagaalka.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken, ayaa ka mid ah masuuliyiinta ka qaygelay, sidoo kale, wadahadallada ka dhacaya Riyadh ayaa laga yaabaa inay ku jiraan Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK David Cameron iyo saraakiil muhiim ah oo ka socda Midowga Yurub.

Dalallka Jordan, Masar, iyo Qatar, iyo sidoo kale maamulka Falastiiniyiinta, ayuu a filayaa innay ka qaybgalaan,  laakiin Israel iyo Xamaas oo ah xuddunta dagaalka ayaa la saadaalinayaa in aannay ka qaygelayn, iyadoo khuburada Millateriga Maraykanka qaarkood mar hore ku baaqeen in aannay waxba ka soconayn haddii aannay Maraykanka iyo xullufaddiisu aqbalin saamaynta gobolka ee Iran iyo gamceheeda, sidaa awgeed waxay soo jeediyeen in ay khasab tahay in Iran miiska lala fadhiisto haddii xalka gobolka iyo arrinta Qaza la soonayo in nabad loo beddelo xilligan dagaalka. laakiin shirka xilligan lama sheegin in Iran ay qayb ka tahay, iyadoo weliba ku hawlan dublamaasiyad ay gobolka isaga gudbay, si ay u xoojiso taageerada dublamaasiyadeed ee dalalka gobolka iyo kuwa ay u aragto innay ahmiyad u leedyiihiin xidhiidhkeeda.

Iran iyo Xuutiyiinta Yemen, ayaa hore u diiday wadahadal qarsoodi ah oo dhexmaray Maraykanka,  bilihii lasoo dhaafay, iyadoo Washington la hor dhigay shuruudo addag oo la xidhiidha arrinta dagaalka Qaza ee Israel iyo Xamaas, isla maraana si cad loogu sheegay innuu qayb ka yahay dagaalka Israel ku qaaday shacabka Falastiin ee ay xoogga ku haysto iyo xasuuqa ay geysatay. sidaa awgeed ma cadda sida najiijo xal keenta looga filan karo shirka Isniinta ee Riyadh.

Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: AraweeloTv

@araweelonews

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

Archive.araweelonews.com

info@araweelonews.com