“Waxaan jecelnahay in xal diblumaasiyadeed la gaadho. Waxaan ognahay in aannu jirin xal Millateri oo guul keenaya,”Ergeyga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Yemen

“Weli waxaan haynaa waxyaabo baddan oo la yaab leh oo Millateri, waxaana jira hawlgallo ciidan oo aan sir ah” Mohammad Ali al-Houthi

#Araweelo_News_Network.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Paris (ANN)-Xiisadda Collaada ka aloosan Bariga dhexe iyo Weerarada Yemen ee Xuutiyiinta looga caagay Biyaha Badda Cas iyo Marrinka Gacanka Cadmeed ee Koonfurta Yemen, ayaa noqday kuwo loo maara waayay oo’aan la joojin’karin, waxay ku khasbeen Markabka dagaalka ee Faransiiska Aquitaine-class Alsace inuu ka cararo halkaa oo gebi ahaanba iskaga baxo Badda Cas.

Ciidamada NATO ayaa awooddi waayay in ay ka hortagaan howlgallada ay wadaan ciidamada Yemen ee lagu taageerayo Falastiin, iyadoo Xuutiyiintu si weyn u mileterisan yihiin marka laga hadlayo Badda Cas iyo weerarrada ay ka wadaan dhawrkii bilood ee u danbeeyay oo khasab ka dhigay in Maraakiibta shixnaddaha qaada ee isaga goosha caalamku u wareegeen safarka dheer ee cidhifka Koonfureed ee Afrika (Cape of Good Hope), taas oo ah meesha kala qaybisa Badweynta Atlantic iyo India.

 

Dhibaatooyin ayaa ka jira safarka dheer, iyadoo Magaalada Cape Town ay ka digtay in seddexda maalmood ee soo socda inay jiri doonto cidhiidhi badan oo dhanka gaadiidka ah, taasoo ay sabab u tahay maraakiibta Maraakiibta kusoo waajahan inay ka gudbaan halkaa iyo kuwa ka gudbaya oo ay ka mid yihiin mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee mara Badda.

Dagaalka Bariga dhexe ee sababay dhibaatooyinka safarka gaadiidka Baddaha iyo weerarrada Xuutiyiinta Yemen, waxay sababeen in Markabka FREMM ee Faransiiska ee Aquitaine-class Alsace oo ku sugnaa Biyaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed uu dabada u jeediyo Badda Cas kadib markii ay ka dhamaadeen gantaalada iyo rasaasta ay kaga hortagayaan weerarada aan kala go’ayn ee aan gabahshada lahayn oo kaga imanaya dhinaca Ciidamada Yemen Maraakiibta reer galbeedka ee ku sugan BIyaha. sida uu sheegay, Jerome Henry oo ah Taliyaha Markabka Faransiiska.

“Ma aanan filayn heerkan khatarta ah. waxaa dhacay rabshad aan la joojin oo aad loola yaabay oo aad muhiim u ah.Yemeniyiintu ha ka waaban inay isticmaalaan diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee ku duulaya heerka biyaha, si ay ugu qarxiyaan maraakiibta ganacsiga, iyo inay ridaan gantaalaha ballistiga,” ayuu Henry  u sheegay majaladda wararka Faransiiska ee Le Figaro waraysi gaar ah oo la daabacay 11Apil 2024.

 

“Waxay ahayd inaan qaadno ugu yaraan nus dersin gargaar ah ka dib weerarradii Yemen,” ayuu raaciyay.Taliyaha Markabka Alsace oo sidoo kale shaaca ka qaaday in 71-maalmood oo ay halkaasi ku sugnaayeen kadib, iyadoo ugu danbayntii dhammaan qalabkii dagaalka uu gabaabsi noqday.

“Laga soo bilaabo gantaalka Aster ilaa 7.62 qoriga mashiinnada Helikobtarka, oo ay ku jiraan 12.7mm, 20mm, ama 76mm cannon, waxaan la macaamilnay saddex gantaal oo ballistic ah iyo nus darsin diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn,” ayuu hadalkiisa raaciyay Henry.

Taliyaha Faransiiska, ayaa ka hadlay qiimaha gantaalaha ay siteen ee ka dhammaaday, isagoo xusay in gantaalka Franco-Italian Aster, uu mid kastaa yahay qiimo dhan $ 2 milyan oo dollar, laakiin “waxaa ku riixay xadkiisa” ciidamada qalabka sida ee Yemen, maadaama Markabk Alsace uu ahaa inuu u isticmaalo  “bartilmaameedyada aan samaynay qasab maaha inaad qiyaasto bilawga.”ayuu yidhi.

Dhinaca Taliyaha Markabka Faransiiska, Henry waxa uu intaa ku daray in Sanca ay si weyn u kordhisay adeegsiga gantaalada Balaastikada, halkii ay inta baddan ku tiirsanayd diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo ka jawaabaya hawlgalada ugu hiilinayaan Falastiiniyiinta ee ay ka wadaan Badda Cas, saraalka ayaa carabka ku adkeeyay in ciidamada Badda Faransiiska aanay la kulmin dagaal adag tan iyo markii NATO ay si wada jir ah u bilaabeen howlgalkooda. 2011 dagaalkii Liibiya si ay xukunka uga tuuraan Madaxweynihii hore ee Mucamar Al-Qadaafi.”Anigu sidoo kale halkaas ayaan joogay. Wax la mid ah may ahayn waxa hadda aannu kala kulanay Yemen ee Badda Cas iyo gacanka Cadmeed.

 

 

Markabka FREMM ee Faransiiska ee Aquitaine-class Alsace oo ku sugnaa Biyaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed , wuxuu sheegay inuu soo gaadhay halkaa January, 2024, dhawr toddobaad kaddib markii Maraykanka iyo UK ay bilaabeen dagaal sharci darro ah oo Yemen ay ku qaadeen, si ay u ilaaliyaan danaha maraakiibta Israel. Markabkan ayaa la geeyay qayb ka mid ah howlgalka ciidamada Badda ee Midowga Yurub ee hawlgalka loo bixiyay Aspides-Gaashaaniga Giriiga.

Qorshaha ayaa ahaa sida loo qoondeeyay markii hore in muddo hal sano ah uu joogo halkaa, isagoo qayb ka ahaa dhowr maraakiibta dagaalka ee Midowga Yurub iyo nidaamyada digniinta ugu horayso hawadda ee Badda Cas, Gacanka Cadmeed, iyo biyaha ku xeeran. Sida laga soo xigtay maamulka Brussels, howlgalka ayaa ah mid difaac gaar ah, ciidamadoodana kama qayb qaadanayaan weerarrada ka dhanka ah Yemen ee uu hoggaamiyo Maraykanka, sida qorshuhu ahaa.

Hawlgalka Midawga Yurub ee loo bixiyay “Aspides” ayaa isu yimid kadib markii xubno baddan oo NATO ka tirsan ay caddeeyeen inay ka labalabaynayaan ama si toos ah u diideen inay ku biiraan Hawlgalka Ilaalinta Barwaaqada (OPG), kaas oo taliye sare oo Maraykan ah uu ku tilmaamay mid ka mid ah dagaalladii ugu weynaa ee ay ciidamada Badda qaadeen tan iyo dhammaadkii dagaalkii labaad ee aduunka.

“Waxaan jecelnahay in xal diblumaasiyadeed la gaadho. Waxaan ognahay in aannu jirin xal Millateri oo guul keenaya,” sidaa waxa yidhi, Ergeyga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Yemen, Timothy Lenderking mar uu warbahinta la hadlay horaantii April 2024, isagoo qiray in aannay waxba ka jirin istiraatiijiyadda Millateri ee Washington ee ka dhanka ah dalka ugu saboolsan dunida Carabta ee Yemen.

Sida laga soo xigtay ilo Yemeniyiin ah oo la hadlay wargeyska The Cradle, saraakiisha Maraykanku waxay dhawaan Sanca usoo bandhigeen ” qirashada sharcinimadeeda” iyagoo ku beddelaya dhexdhexaadnimadeeda dagaalka ka socda Qaza.

“Washington waxay ballan-qaadday inay hagaajinayso khasaaraha, ayna ka saarto ciidamada shisheeye dhammaan dhulalka iyo jasiiradaha Yemen ee la haysto, oo ay Ansarallah ka saarto liiska ‘argagixisanimada’ ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda – isla marka ay joojiyaan weerarradooda iyagoo taageeraya Qaza,” Wargeyska The Cradle ayaa daabacay sidaa, isagoo soo xiganaya ilo diblamaasiyadeed.

 

Sidoo kale, waxaa ku jira dalabka arrin “si aad ah u yaraynaya” doorka Gollaha Hoggaanka ee Sacuudigu magacaabay (PLC) iyo “dardargelinta saxeexa khariidad” isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo si loo soo afjaro dagaalka sagaalka sano ah ee lagu baabi’iyay Yemen.

Hase yeeshee, sida lagu sheegay warbuxinta Saraakiisha Yemen ayaa ku adkaystay in howlgallada ay ka wadaan Badda Cas, Gacanka Cadmeed, iyo Badweynta Hindiya ay sii socon doonaan ilaa iyo inta ay Israel joojinayso xasuuqa ay ku hayso Falastiiniyiinta Qaza

“Xeebaha Badda Cas , ama meel ka baxsan, waxaan ka gaadhi karnaa hadafyada aan rabno ee ah difaaca dalkeena iyo taageerada Falastiin… Weli waxaan haynaa waxyaabo baddan oo la yaab leh oo Millateri, waxaana jira hawlgallo ciidan oo aan sir u qarinayno oo qeyb ka ah. Istaraatiijiyad warbaahineed oo gaar ah,” sidaa waxa yidhi, Mohammad Ali al-Houthi, oo ah xubin sare oo ka tirsan Gollaha Sare ee Siyaasadda Yemen, iyadoo gollahaa lagu dhawaaqay 3 April, 2024.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com