“Dhacdadan waxay la macno tahay in khatartu is bedeshay, Maraakiibta Israel, UK iyo maraykanka ee ku dhex jira Badweynta Hindiya,” madaxa la-talinta EOS Risk Group

Weerarka Oo Loo Adeegsaday Hub Casri ah Ayaa Ka Duwan weeraradii hore badda Cas iyo Gcanka Cadmeed

#Araweelo_News_Network.

Ku akhri saddex daqiiqo.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Sana’a (ANN)-Xuutiyiinta dagaalka ka wadda Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo taageero ka helaya Iran ayaa maalin keliya hal mar ku weeraray labo markab oo lala xidhiidhiyay  Israa’iil iyo labo ka mid ah maraakiibta wax burburisa ee Maraykanka oo marayay Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

 

Afhayeen u hadlay Millateriga Xuuthiyiinta  Yemen, Sarreeye Guuto Yahya Saree, ayaa Salaasadii sheegay in Markabka Konteenarka ee MSC Orion ee ay leeyihiin Israel ay beegsadeen Ciiddanka Cirka ee aan cidna wadin ee YAF ee ku sugan Badweynta Hindiya. sidoo kale, wuxuu sheegay in MV Cyclades lala beegsaday dhowr diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha casriga qaada.

Taliska CENTCOM ee Maraykanka ayaa qirtay in weerarka uu dhacay, balse waxa ay sheegeen in aannu  jirin wax khasaare ah oo ka dhashay. Laakiiin warar kale ayaa sheegaya in uu jiro khasaare soo gaadhay Maraakiibta.

 

Dhinaca kale, warbixino cusub ayaa sheegaya in Xuutiyiinta ay maalmihii u danbeeyay diyaariyeen hub cusub si ay u xaqiijiyaan dhacdadii ugu horaysay ee tooska ah ee weerarka ka dhacay Badweynta Hindiya.

Xuutiyiinta,  ayaa hore u sheegtay innay fulinayaan weerarro ka baxsan Badda Cas iyo marrinka Gacanka cadmeed, iyagoo isticmaalaya hub casri ah,  Millateriga Xuutiyiinta ayaa u muuqda innay fulinayaan ballan qaadkoodii  bardhamihii bishii March 2024, iyagoo xilligaa Millateriga Xuutiyiintu sheegeen in ay weerarrada gantaallada ah ku fidin doonaan aaggaas oo ay ku jiraan maraakiibta u weecida agagaarka Cape of Good Hope.

“Xeebaha Badda Cas , ama meel ka baxsan, waxaan ka gaadhi karnaa hadafyada aan rabno ee ah difaaca dalkeena iyo taageerada Falastiin… Weli waxaan haynaa waxyaabo baddan oo la yaab leh oo Millateri, waxaana jira hawlgallo ciidan oo aan sir u qarinayno oo qeyb ka ah. Istaraatiijiyad warbaahineed oo gaar ah,” sidaa waxa yidhi, Mohammad Ali al-Houthi, oo ah xubin sare oo ka tirsan Gollaha Sare ee Siyaasadda Yemen, iyadoo gollahaa lagu dhawaaqay 3 April, 2024

Xarrunta Macluumaadka Baddaha ee Wadajirka ah, oo ah hay’ad ka hoos shaqaysa ciidamada isku dhafka ah ee Badda, ayaa sheegay in diyaaraddo aan duuliye lahayn ay weerar ku qaadeen markab ganacsi la soo sheegay habeenkii 26, April 2024,  xilli markabka uu marayay Badweynta Hindiya qiyaastii 300-400 mayl-badeed koonfur-bari ee xeebta dhinaca Geeska Afrika.

Markabka ayaa waxaa soo gaadhay burbur, wallow ay sheegayaan in dhammaan shaqaalihii la socday ay nabad qabaan. JMIC  oo ka mid ah shirkaddaha Maraakiibta, ayaa waxay ku sheegtay warbixin ay kaga hadlay burburka inuu sababay wax u muuqda UAV, kaas oo ku habsaday markabka dushiisa. laakiin Maraakiibta dagaalka ee Maraykanka oo laba ka mid ah la weerraray, ayaan la ogayn khasaaraha soo gaadhay, mana jiro cid ka hadashay oo aan ahayn Xuutiyiinta Yemen.

 

Hay’adda ayaa sheegtay in markabkan ay u badan tahay in la beegsaday sababo la xidhiidha inuu xidhiidh la leeyahay Israa’iil, iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ee Yemen ay hore u sheegeen in ay bartilmaameedsadeen markab MSC Orion (IMO: 9857157) oo ay ku jiraan dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen 29-kii April, si kastaba ha ahaatee ilo-badeedka Badda ma ay xaqiijin weerarka illaa Salaasadii iyo Shirkadda Maraakiibta Mediterranean-ka, oo ah hawl wadeennada markabka, weli kama hadlin.

MSC Orion ayaa ku sugnaa aagga weerarka intii lagu jiray dhacdada la soo sheegay 26-kii April, marka loo eego xogta la socodka markabka Lloyd’s List Intelligence. Markabku wuxuu joojiyay gudbinta xogta Nidaamka Aqoonsiga Tooska ah saacadu markay ahayd 0555, April 27 wakhtiga maxaliga ah,  mana soo muuqan ilaa dabayaaqadii tSalaasada, wallow au sheegayaan inuu xoggaha la socodka Maraakiibtu inuu soo gaadhay saldhiga Colombo, taas oo aan si madax-banaan loo xaqiijin karin, isla markaana sii xoojisay wararka sheegaya in khasaare gaadhay MSC Orion.

Xuutiyiintu waxay ballan qaadeen bartamihii bishii March inay kordhiyaan weerarrada gantaallada ah oo ay ku darayaan maraakiibta ku sugan Badweynta Hindiya ee u weecinaya hareeraha Cape of Good Hope. sidaa awgeed Xuutiyiinta ayaa April 24, waxay  sheegeen innay beegsadeen MSC Veracruz (IMO: 9287924), oo sitay Calanka Portugal,  kuna safrayay Cape of Good Hope, isla markaana kusii jeeday Mina Khalifa/Abu Dhabi ee Isutagga Imaaraadka Carabta.

Laxidhiidha: Xuutiyiinta Oo Maraykanka Hordhigay Shuruuddaha Mawqufkooda Weerarrada Maraakiibta Iyo Dagaalka Qaza

“Dhacdadan waxay la macno tahay in khatartu is beddeshay, gaar ahaan maraakiibta Israel ama kuwa ku xidhan UK ama Maraykanka ee ka dhex shaqaynaya hubka la qiimeeyey ee ku dhex jira Badweynta Hindiya,” sidaa waxa yidhi, madaxa la-talinta EOS Risk Group ee Martin Kelly.

Sida ay sheegayaan khuburadda dhinaca amniga Baddaha, waxa muuqata khatar iyo walaac dhanka gaadiidka Badda ee xattaa ka foggaaday Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. “Marka la eego rikoodhka raadraaca Xuutiyiinta, taas oo ku saabsan 67% maraakiibta ay bartilmaameedsadeen ay dhab ahaantii xidhiidh la leeyihiin Maraykanka, UK ama Israa’iil,  is-ballaadhinta baaxadda weeraradu waa arrin walaac leh,”khuburadda dhinaca amniga Baddaha.

Weerarka lagu qaaday MSC Orion, ayaa lagu tilmaamay mi markhaati u ah in weeraradu si cad u muujinayaan  sare u kac weyn, sida aya sheegeen falanqeeyayaasha arrimaha Amniga Baddaha.

Laxidhiidha: Markabka Dagaalka Ee Faransiiska Oo Ka Cararay Biyaha Badda Cas

 

“Tirada shuruudaha ciidamada Badda ayaa si aad ah u koray sidaa darteed dareenka ayaa ka leexday Badda Cas inta lagu guda jiro xilliga Xuutiyiinta iyo joogitaanka Badda ee gobolka ayaa hoos u dhacay. Hadda Xuutiyiintu waxay ku soo tuureen shaqooyin kale oo ay ka soo weerareen meelo ka fog,” ayuu yidhi, Ian Ralby,oo ah  khabiir dhankaBaddaha iyo arrimaha caalamiga ah, sidoo kalena ah aasaasaha iyo madaxa fulinta IR Consilium.

“Tani waxay caqabad ku noqon doontaa ciidamada Badda si ay u ogaadaan waxa dhabta ah ee walaaca laga qabo, iyada oo sidoo kale cadaadis badan la saarayo shirkaddaha maraakiibta si ay u qiimeeyaan khatarta ay ku leeyihiin badmaaxyadooda.”ayuu yidhi, Ian Ralby. wuxuuna ku qiyaasay inta ugu baddan ee gantaalaha xuutiyiinta  ay gaadhayaan innay noqonayaan ilaa 1,700 km, wallow hore loo sheegay in Xuutiyiintu awood u leeyihiin innay haystaan gantaalo dhawr kun km gaadhaya iyo Drones (UAV) safar dheer ka dagaal tegi kara, sida la arkay kuwii ay ku tuuren Israel oo gaadhay 3,000km,Wadarta masaafada u jirta Israel ilaa Yemen waa 2,092 mayl ama 3 367 kiiloomitir. Wadarta masaafada duulimaadka tooska ah ee Israel ilaa Yemen ayaa qiyaas ahaan noqonay 1,411 mayl, taas oo u dhiganta 2 271 kiiloomitir ama 1,226 mayl-badeed

Laxidhiidha: Middle East: Cabsida Weyn Ee Laga Muujiyay Iran Oo Hadhaysay Bariga Dhexe Iyo Dunida Reer Galbeedka

Hase yeeshee, waxa jirta sida ay xoggaha qaar sheegayaan innay jirto qiyaas kale, taas oo Xuutiyiintu ku garaaci karaan UAV-yada, isla markaana noqon karta masaafo yar iyo mid dheer, iyadoo Iran hore u sheegtay innay  qaar ka mid ah UAV-yadooda ay leeyihiin fogaan ay ku garaaci karaan bartilmaameedyada 1,200 km iyo 1,600 km, sida uu sheegay Janes.

Iran ayaa si weyn ugu qalabaysay Xuutiyiinta Yemen innay helaan hub casri ah iyo saanad Millateri oo awood u siisay innay noqdaan kuwo saamayn Millateri iyo awood aan la dafiri karin ku yeesha gobolka, isla markaana isaga difaacaan quwaddaha waaweyn ee wax is bidaya, kuwaas oo xilligan qirsan in aan la malaysan karin Xuutiyiinta Yemen ee looga caaggay Badda Cas iyo Marrinka gacanka Cadmeed, balse weerarrada kaga ugaadhsanaya Maraakiibta Israel, Uk, Maraykanka iyo xullufaddiisa biyaha fog ee Badweynta Hindiya..

Weerarrada ay  Xuutiyiintu ka wadaan dhawrkii bilood ee u danbeeyay marrinada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ayaa  khasab ka dhigay in Maraakiibta shixnaddaha qaada ee isaga goosha caalamku u wareegeen safarka dheer ee cidhifka Koonfureed ee Afrika (Cape of Good Hope),

Dagaalka Bariga dhexe ee sababay dhibaatooyinka safarka gaadiidka Baddaha iyo weerarrada Xuutiyiinta Yemen, waxay sababeen in Markabka FREMM ee Faransiiska ee Aquitaine-class Alsace oo ku sugnaa Biyaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed uu dabada u jeediyo Badda Cas kadib markii ay ka dhamaadeen gantaalada iyo rasaasta ay kaga hortagayaan weerarada aan kala go’ayn ee aan gabahshada lahayn oo kaga imanaya dhinaca Ciidamada Yemen Maraakiibta reer galbeedka ee ku sugan BIyaha. sida uu sheegay, Jerome Henry oo ah Taliyaha Markabka Faransiiska, warbxin ay daabacday Araweelo-News_Network, 14th April 2024, iyadoo soo xigganay Henry  oo u sheegay majaladda wararka Faransiiska ee Le Figaro waraysi gaar ah oo la daabacay 11Apil 2024., ayaa soo bandhigtay khatarta sii kordhaysa iyo cabsida marrinada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee looga caagay Xuutiyiinta (Akhriso).

Dhinaca kale, Ergeyga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Yemen, Timothy Lenderking , ayaa ka digay xaallada, isagoo horaantii April sheegay in aannu dagaalku ahayn xal guul laga gaadhayo.

Warbixinta oo Araweelo-News-Network, daabacday, 14th April 2024, ayuu ku yidhi, “Waxaan jecelnahay in xal diblumaasiyadeed la gaadho. Waxaan ognahay in aannu jirin xal Millateri oo guul keenaya,” sidaa waxa yidhi, Ergeyga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Yemen, Timothy Lenderking mar uu warbahinta la hadlay horaantii April 2024, isagoo qiray in aannay waxba ka jirin istiraatiijiyadda Millateri ee Washington ee ka dhanka ah dalka ugu saboolsan dunida Carabta ee Yemen.

Caqabadda ugu weyn ee farsamo ayaa ah beegsiga maadaama labada nidaam asal ahaan loogu talagalay innay u duulaan iskuduwayaasha GPS-ka ee horay loo qorsheeyay,” ayuu yidhi James Trigg,  oo ah falanqeeye sare oo cilmi-baadhiseed.

Laxidhiidha: Iran Oo Maraykanka Ku Eeddaysay Inuu Israel Ka Dhigay Iftiin Cagaaran

“Marka, su’aashu waxay noqonaysaa sidee Ansar Allah [dhaqdhaqaaqa Xuuthiyiinta] u cusboonaysiinaysaa isku-duwayaasha bartilmaameedka si ay u xaqiijiso in diyaaradahan ay duqeeyeen bartilmaameedyadooda, gaar ahaan haddii ay rasaas ku ridaan markab ilaa hadda aanay gaadhin sirdoonka badda ee Ansar Allah, qaybaha ilaalada iyo sahannada?” ayuu yidhi Trigg, wuxuuna arrinta ku macneeyay mid la yaab ah, isla markaana muujinay khatar weyn iyo xirfad sare innay leeyihiin Xuutiyiintu.

Muuqaal la sii daayay Salaasadii, oo uu faafiyay xafiiska Afhayeenka ciidamada qalabka sida ee Yemen oo la safan Ansar Allah ayaa la sheegay inuu muujinayo weerarka Cyclades,  taasoo sare u qaadaysa suurtagalnimada in diyaarad Drone ah oo Shehab ah loo adeegsaday weerarka ka dhanka ah MSC Orion, sida ay sheegeen falanqeeyayaasha xarunta Janes .

Cyclades oo ka mid ah kuwa xamuulka baddan qaada, ayaa dhowr jeer lala beegsaday gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn muddo toddobo saacadood ah April 29, sida ay sheegtay JMIC.

Halka Ansar Allah ay horay u soo bandhigtay in ay haysato Saanad oo ay wax ka beddeshay diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee Shehab oo dhoolatus millateri ku sameeyay, muuqaalka weerarka ayaa ahaa caddayntii ugu horreysay ee ay u adeegsadaan weerarrada maraakiibta.

Diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee Shehab, oo saldhig u ah qoyska Samad ee diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn, waxay gaadhi kartaa masaafo dhan 500km (270nm) ilaa 1600km (864nm), sida ay sheegeen falanqeeyayaasha Janes.

Diyaaradda ayaa  ku qalabaysan habka bartilmaameedka elektiroonigga ah, kaas oo ka dhigi kara mid si fiican u awood u leh inuu garaaco bartilmaameedka socda sida Markabka.”wallow aan ilaa hadda wax war ah laga soo saarin halka laga soo riday diyaarada lagu weerarray Markabka.

Khatarta ayaa tilmaamay in Maraakiibta oo si wada jir ah u bilaabayay in ay ku wareegaan agagaarka (Cape of Good Hope), safarka dheer ee cidhifka Koonfureed ee Afrika,  taas oo ah meesha kala qaybisa Badweynta Atlantic iyo India, balse cabsidu ay tahay in Xuutiyiintu ku weerarreen halkaa.

bartamihii bishii Disembar kaddib markii Xuutiyiintu ay kordhiyeen weerarada soo noqnoqda weerarada ayaa waxa ay noqdeen kuwo aan kala sooc lahayn, waxay ku khasbeen maraaiibta jidka dheer, taas oo cidhiidhi ka dhigay marrinka,  waxaana Ilaa 676 maraakiib ah oo xamuul ah ay ka wareegay agagaarka (Cape of Good Hope),toddobaadkii hore, taasoo kor u kacday 72% marka loo eego qiyaasta caadiga ah, ka hor intii aannu bilaabmin dagaalka Qaza Oct 2023, waxaana loo arkaa khatar weyn oo dunnida kusoo fool leh, isla markaana khasab ka dhigay in ugu danbaynta la aqbalo shuruuddaha Iran ku doonayso xuquuqda shacabka Falastiin iyo innay Qudus ka baxaan Yuhuuda iyo Marayanka xullufadiisu, isla matkaana la helo dalkii ay falastiin lahayd 1967, wixii ka horeeyay ee xadkeedu ahaa.

 

Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: AraweeloTv

@araweelonews

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

Archive.araweelonews.com

info@araweelonews.com