Israel: Netanyahu Oo Ganafka Ku Dhiftay Inuu Jooojiyo Hawlgalka Millateri ee Israel U Qorshaysay Rafax

“Waxaan go’aansanay inaan helno xabbad-joojin soo celisa la-haystayaasha oo aan hadda helno, sababta keliya ee aan la gaadhi karinna waa Xamaas,”Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken Oo isaga Dab-qaadaya Bariga Dhexe

#Araweelo_News_Networ.

Ku akhri saddex daqiiqo.

Jerusalem (ANN)-Xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken, oo booqasho ku tagay Israa’iil, ayaa Xamaas ku boorriyay inay aqbasho hindise xabbad-joojin ah, wuxuuna ku riixay Israa’iiliyiinta inay wax baddan u qabtaan dadka rayidka ah ee Qaza.

Antony Blinken, oo  isaga dab qaadaya Bariga dhexe, ayaa Arbacadii, waqti ay saraakiisha Maraykanku ku tilmaameen fursaddii ugu dambaysay ee lagu qaadi karo dagaal cusub ishaaray heshiis aan ahayn mid rasmi ah, isla markaana  u muuqda mid rabitaanka Israel iyo raali gelinteeda keliya ku urursan.

“Waxaan go’aansanay inaan helno xabbad-joojin soo celisa la-haystayaasha oo aan hadda helno, sababta keliya ee aan la gaadhi karinna waa Xamaas,” Blinken ayaa yidhi, sidaa ka hor intii aannu la kulmin Madaxweynaha Israel Isaac Herzog Tel Aviv.

“Miiska waxaa saaran hindise, sidaan sheegayna, wax dib u dhac ah ma jiro, cudur-daarna ma jiro. Waqtigu waa hadda.” ayuu yidhi.

Booqashada ayaa ah  mid dhalisay su’aalo ku saabsan in maamulka Biden uu ku qancin karo dowladda Israa’iil innay taageerto dowlad Falastiini ah, si ugu dambeyntii loo helo heshiis ballaadhan, iyadoo  Jerusalem Post sheegtay in saraakiisha Maraykanka ay u arkaan xasilinta Bariga Dhexe mid ahmiyad weyn u leh gobolka iyo dunidaba, wallow ay dadka arrimaha Bariga dhexe iyo collaada ka aloosan la socdaa si dhab ah farta ugu fiiqayaan in Madaxweyne Biden iyo maamulkiisu aannay daacad ka ahayn nabadda Bariga dhexe, isla markaana si badheedh ah u garab istaageen xasuuqa iyo gp’doominta Israel ka wado ku dhowaad toddoba bilood Qaza, iyadoo xilligan ku hanjabay innay duulaan la mid ah kii Qaza ku gelayso Rafax, iyadoo ra’iisal wasaaraha Israel aannu si dhab ah u dhegaysanayn inuu ka baaqdo qorshihiisa duulaanka Rafax.

 

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa “ku celceliyey” mawqifkiisa cad ee Rafah kulan Arbacadii uu la kulmay ra’iisal wasaaraha israel, Benjamin Netanyahu.

Waxa uu sheegay in heshiis la haystayaasha loo hakinayo dagaalka wejiyadii hore, laakiin sida ay sheegtay warbaahintu, dhamaadka, waxa ku jiri doona xabbad-joojin joogto ah, wallow aannay caddayn in uu aqbalay Netanyahu qorshaha kasoo horjeeda hawlgalka uu ku doonayo duulaanka Rafax, isagoo shuruud ka dhigaya in duulaanka Rafax uu kaga baaqsanayo inuu ku beddesho maxaabiista xilligan koobban, si markaa kaddib uu hawllgalkiisa u fuliyo.

Netanyahu ayaa ku adkaysanaya mowqifkiisa ah in Israel ay halkaas ka fuliso howlgal Millateri oo weyn si ay u burburiso guutooyinka uu sheegay innay yihiin kuwii ka hadhay Xamaas, Laakiin warbaahinta ayaa xusay in Maraykanku uu doorbiday in Israel ay samayso howlgalo baddan oo bartilmaameed ah isagoo ka baqaya in taasi ay horseedi karto masiibo bini’aadantinimo.

Xoghayaha Arimaha Dibada Antony Blinken oo laba maalmood ka hor booqday Shirka dalalka Carabta iyo Islaamka ee Riyadh, ayaa ka sheegay Madasha Dhaqaallaha Adduunka ee Riyadh in Israel ay siisay “soo jeedin aad u deeqsinimo ah” soo jeedinta heshiiska la haystayaasha taasoo horseedi karta xabad joojin ka dhacda Qaza, wuxuuna ku booriyay Xamaas innay aqbasho dhawaan, wallow aannay Xamaas iyo Iran aqbalin hindisiha heshiiska oo ah mid dhinac kaliya ah, iyadoo sii deynta la haystayaasha lagu xidhay in Israel ka baxdo Qaza iyo dhulka Falastiin haddii la doonayo xabbad-joojin waarta iyo heshiis midha dhal noqda oo aan ahayn muddo koobban.

Saraakiisha Aqalka Cad ayaa sheegay in ay si aad ah diiradda u saarayaan sidii heshiis loo heli lahaa iyo in dagaalka Qaza uu caqabad weyn ku yahay istaraatiijiyadda ballaadhan ee maamulka Biden dagaalka kaddib ee arrimaha gobolka.

Warbaahinta Maraykanka oo soo xigganay Saraakiisha Aqalka cad, ayaa sheegaya in Maamulka Biden, si gaar ah uga walaacsanyahay  heshiis weyn oo lala galo Sacuudiga oo ay ku jirto in la caadiyeeyo xdhiidhka  Israel iyo Sacuudiga, kaas oo Madaxweynihii hore Trupm la saxeexay heshiiskii (Abraham Accord) oo dhawr dal oo carbeed ay saxeexeen 2020, kuwaas oo Sacuudigu qayb ka ahaa.

Dhinaca kale, Maraykanka ayaa go’aamiyay in cunaqabatayn uu kusoo roggo 5 unug oo ammaanka Israa’iil ah, kuwaas oo geystay xadgudubyo xuquuqul insaanka ka hor inta aannu qarxin dagaalka Qaza Oct, 2023.

Hase yeeshee Maraykanku, wuxuu dhaggaha ka furaystay baaqyada caalamiga ah ee Xuquuqda aadamaha  iyo qaraarada Qaramada Midoobay iyo kuwa beesha Caalamka ee filayay in lagu ciqaabo Israel xasuuqa iyo gabood-falada ay ka geysatay Qaaza, iyadoo Madaxweyne Biden iyo maamulkiisu si badheedh u garab istaageen duulaanka Yuhuuda ee Qaza iyo Xasuuqa shacabka Falastiin.

 Guddida wasiiradda Islaamka, ayaa salaasadii shirka dalka Sacuudiga ee Riyadh, ugu baaqay beesha caalamka in ay cunaqabatayn wax ku ool ah ku soo rogaan Israa’iil, oo ay ku jirto joojinta dhoofinta hubka si looga jawaabo ku xadgudubka sharciga caalamiga ah ee hubka, sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, iyo dembiyada dagaal ee ay ka waddo Qaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagaaga hadlay sidii loo qaadi lahaa tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu hirgelinayo xalka labada dowladood iyo aqoonsiga dowladda Falastiin ee xudduuddaha 4-tii June 1967-kii, oo ay caasimad u tahay Bariga Quddus.

Wasiirada ayaa ku nuux nuuxsaday in Marinka Qaza uu yahay qayb ka mid ah dhulka la heysto ee falastiiniyiinta, waxayna soo cusboonaysiiyeen diidmadooda cad ee isku dayga lagu barakicinayo shacabka reer Falastiin ee ka baxsan dhulkooda iyo howlgal kasta oo Millateri oo ku waajahan magaalada Rafah ee falastiiniyiinta, isagoo Xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken ku sugnaa madasha shirka Isniintii ee Riyadh.

Hoggaamiyayaasha, ayaa muujiyay sida ay uga walaacsan yihiin tallaabooyinka laga qaadayo dibadbaxayaasha nabdoon ee dalalka reer galbeedka ee dalbanaya in la joojiyo dagaalka Qaza iyo dambiyada iyo xadgudubyada ba’an ee ay Israa’iil ku hayso Falastiiniyiinta, iyadoo Bayaanku kusoo beegmay xilli ay dalalka waaweyn ee reer galebeedka ka socdaan dibadbaxyo lagu canbaaraynayo duulaanka Qaza iyo diyaarinta duulaan kale oo Rafax ku waajahan, waxaana xabsiyada la dhigay kumanaan ka mid dibad baxayaasha isugu soo baxaay magaalooyiinka waaweyn ee dalaka Maraykanka, Faransiiska, jarlamka iyo kuwo kale.

Warbixinihii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Columbia University iyo City College,  la xidhay ugu yaraan 300 qof, sida uu sheegay Maayarka New York, iyadoo tiro intaa ka baddan lagu dhawr nagaalo oo kale, balse cabudhinta xadhiga iyo dadka kasoo horjeeda dagaalka Qaza iyo duulaanka ay Israel qorshaynay ee Rafax.

 

Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: AraweeloTv

@araweelonews

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

Archive.araweelonews.com

info@araweelonews.com