#Araweelo_News_Network.

Akhri in ka yar 2min

Manama (ANN)-Koox lala xidhiidhiyo Wakiillada Iran ee Baxrayn ayaa sheegtay in ay weerar ku qaadeen Shirkad Technolojiga fadhigeedu yahay Eilat oo ah Koonfurta Israel ee kulaalay Badda Cas.

Weerarka, ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday shirkadda laga leeyahay Israel ee siisa Technolojiga saadka ee shirkaddaha Carbeed ee isticmaala marinka dhulka ee Israel oo isaga gudba Urdun ilaa Sacuudiga.

 

Wakiil ka tirsan Kooxda Iran oo ku sugan Baxrayn oo magacoodu yahay  Al-Ashtar  ayaa Khamiistii sheegay in ay weerar is-miidaamin ah u dirtay magaalada Eilat toddobaadkan, taasoo noqonaysa weerarkii ugu horreeyay ee ka yimaada dawladda Khaliijka tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Xamaas iyo Israel ee bilaabmay Oct. 7, 2023.

Sida lagu sheegay Warbixin Araweelo_News-Network, soo xiggatay oo lagu daabacay Shabakadda Ururka Wararka Yuhuuda. (Jewish News Syndicate), ee loo soo gaabiyo JNS, taas oo ah wakaalad wareed  oo Yuhuudu leedahay, Guutada Al-Ashtar oo Maraykanku u aqoonsaday urur argagixiso 2018, ayaa sheegtay in weerarka aan la xaqiijin ee April 27 lagu beegsaday “shirkadda masuulka ka ah gaadiidka dhulka ee hay’adda Sahyuuniyadda [Trucknet] ee magaalada Umm Al-Rashrash [Eilat] ee Falastiin ee ka tirsan dhulka la haysto”.

Warbixinta, ayaa lagu xusay in Weerarku ahaa mid u muuqda in  lagu qaaday “iyada oo lagu taageerayo qadiyadda Falastiin iyo iska caabinta dadkayaga Gaza,” ayaa lagu daray bayaanka
Trucknet Enterprise waa bilow ku salaysan Eilat oo siisa Technolojiga saadka ee shirkadaha Carbeed ee ka faa’iidaysanaya marrinka cusub ee dhulka ee u dhexeeya dawladaha khaliijka iyo Israel ee sii mara Sucuudiga iyo Urdun.

Israa’iil iyo Baxrayn ayaa caadiyeeyay xidhiidhkooda sannadkii 2020, taasoo qayb ka ah heshiiskii (Abraham Accord) ee dalalka Khaliijka uu la gaadhay maamulka Trump, kaas oo sidoo kale loo arkay in Israel oo doonaysa Qudus ay xidhiidh rasmi ah la sameysato Imaaraadka Carabta, Marooko iyo Suudaan.

Ciidamada Difaaca Israel iyo safaarada Baxrayn ee Tel Aviv si degdeg ah ugamay jawaabin codsi faallo ah oo ay soo saartay JNS
Labo bilood ka hor, sida lagu sheegay warbixinta.

Waxa xusid muddan in Maraykanku cunaqabatayn dheeri ah ku soo rogay Afar qof oo Iran ah, kuwaas oo looga shakisan yahay innay caawinayaan guutada Al-Ashtar ee fadheedu yahay Baxrayn.

“Tallaabada maanta, ee la qaaday iyada oo lala kaashanayo Boqortooyada Baxrayn, waxay hoosta ka xariiqaysaa sida ay uga go’an tahay wadajirka lagu carqaladeynayo xoogagga xasilloonida Iran iyo hanjabaadaha, gaar ahaan kuwa khatarta ku ah la-hawlgalayaashayada gobolka iyo adduunka oo dhan,” Brian Nelson, oo ah Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka argagixisanimo iyo sirdoon maaliyadeed, ayuu yidhi, xilligaas.

Warbixinta oo soo xigganay Xarrrunta Qaranka ee La-dagaalanka Argagaxisada ee Maraykanka, oo qayb ka ah Xafiiska Agaasimaha Sirdoonka Qaranka, ayaa lagu sheegay in kooxdu doonayso innay afgemdo boqortooyada Bahrain, waxayna sheegatay kooxdu ugu yaraan 20 weerar, kuwaas oo qaarkood ay sababeen dhimasho. Weeraradeeda ayaa ugu horeyn lala beegsaday ciidamada ammaanka ee deegaanka Koonfurta Israel.

In kasta oo Israa’iil xoojisay joogitaanka ciidamadeeda Badda ee aagga Badda cas, si ay uga jawaabto weerarrada uga imanaya xulafadda Iran ee Bariga dhexe, oo ay ku jiraan fallaagada Xuutiyiinta Yemen. laakiin taas waxba kama beddelin , wallow Maraakiibta gantaallada ku hubaysan la geeyay “taasoo qayb ka ah dadaallada difaaca ee la doonayo in Israel lagu difaaco, si aannay gobolka ugaga iman khatar,” sida ay dabayaaqadii sannadkii hore sheegeen Ciidamada Difaaca ee Israel ee loo soo gaabiyo IDF, laakiin dagaalka Qaza ee u dhexeeyay  Xamaas iyo Israel oo kaashanay xullufadeeda Maraykanka, Britain, France iyo kuwo kale ayaa gaadhay toddoba Bilood, iyadoo aan weli laga gaadhin xabbad-joojin rasmi ah tan iyo bilawgii Oct 2023, ayaa si weyn wax uga beddelay dhammaan arrimahaa iyo awooddii la tuhmayay ee Israel.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com