#Araweelo_News_Network.

#Gaza #Riyadh #Tel_Aviv #Washington #Middle_East

Tel Aviv (ANN)-Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay mas’uuliyadda diyaaraddo iyo gantaallo ay ku garaaceen Jimcihii magaalada Eilat ee xeebta Israel oo Bariga ka ah Jerusalam, iyadoo lagu jiro maalinta fasaxa ee Yuhuuda, isla markaana Eilat ay tahay Magaalada loo tago dalxiiska.

Weriye ku sugan Tel Aviv, ayaa sheegay in gantaallaha ka yimi dhanka Yemen ay kala danbeeyeen, kuwaas oo sida uu sheegay nidaamka difaaca ee Gantaallaha Israel uu ka hortegey, balse Gantaalaha laga tuuray Yemen oo aad uga fog Israel ayaa cabsi weyn iyo walaac ka abuuray gobolka.

Sanca ilaa Eilat, waa 1157 mayl/1862 kiiloomitir, marka laga qiyaaso xagga Badda Cas, waa 1006 nautical miles, waxayna duqaymahan kusoo beegmeen markii labaad dagaalka Israel iyo xamaas oo muddo Afar toddobaad ah socday.laakiin weerarka hore oo ahaa Diyaaraddaha Drones-ka aan duuliyaha lahayn iyo Gantaalo waxay Ciidamadda Maraykanka ee Badda oo ku sugan cidhifka Waqooyi ee Badda Cas sheegeen innay soo rideen intii aannay gaadhin Israel.

Laxidhiidha: Badheedhaha Biden Iyo Is Barbarinta Bin Salmaan

Yemen iyo Israel, waxay isu jiraan qiyaastii 2, 209KM, Israel ayaa dhacda Galbeedka Asia ee Badda Mediterranean Sea, waxayna Aqaba oo Urdun ah, isla markaana ku taal cidhifka Waqooyi Bari ee Badda Cas, aad ugu dhowdahay Xeebta Nuweiba oo ku taal dhammaadka Aqaba ee Badda Cas, wallow ay jirto xuduud u dhaxaysa, Xeebta Nuweiba ayaa Aqaba u jirta qiyaastii 64 km, iyadoo dhanka Koonfur ka xigta Eilat oo Israel ah, taas oo ah magaalo ay Israel u tagaan dalxiis, taas oo ah Magaalada ay Israel sheegtay in la duqeeyay, waxayna leedahay Eilat Wershed safaysa Shidaalka, wallow ay soo baxayeen markii uu dagaalku bilaabmay in laba gppbppd oo lagu safeeyo Shidaalka oo ku yaal Israel mid ahaan khasaare weyn soo gaadhay.

Laxidhiidha: Maraykanka Oo Sacuudiga Ku Daabulay Ciidamo Qayb Ka Ah Duullaanka Qaza Ee Israel

Xuutiyiintu ayaa hore u sheegeen in ay qorshaynayaan Gantaallo gaadhi kara qaarad ilaa qaaraad, isla markaana waxa la arakay intii uu socday dagaalka ay kula jireen xullufadda Sacuudiga dedaalkooda dhanka Hubka iyo Diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn iyo xeelladdaha dagaalka ee sareeya.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Warbixin: By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com