#Araweelo_News_Network.

Qaza(ANN)-Weerarkii cirka ee Israa’iil ee Arbacadii ku gilgilay xerada qaxootiga Qaza ee Jabalya ayaa muujiyay sida aannay Israel ugu meel deyayn weerarrada cirka iyo gantaallaha ku hoobanaya shacabka Falastiin ee Qaza oo ah meel gebi ahaanba go’doonsan Afar Todobaad oo lagu garaacayay duqaymaha hubka halista ah.

Dhacdada weerarka badheedhaka ah ee xerada Qoxootiga Jabalya, ayaa sababtay ugu yaraan 80 qof, sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan Cusbitaalka deegaanka.

Laxidhiidha: Gantaallaha Xuutiyiinta Yemen Ee Dulmaray #Sacuudiga Ayaa Duqeeyay Koonfurta #Israel

 

Dr. Atef Al Kahlout, oo ah maamulaha Cusbitaalka Gaza ee Indonesia, ayaa Arbacadii CNN u sheegay in ugu yaraan 80 mayd ah ay soo gaadheen Cusbitaalka, iyadoo aannay jirin wax shaqo ah, kuwaas oo laga soo saaray burburka, maadaama aannay jirin dawooyin iyo addeegyadii Cusbitaalka oo aannay wax shaqo ah ka socon.

Laxidhiidha: Saldhigyada Maraykanka Ee Bariga Dhexe Oo Lala Beegsaday Weeraro Xidhiidh Ah

 

Sidoo kale, Dr. Atef, ayaa sheegay in Khasaaraha ugu baddan ee dhimmashada iyo dhaawaca ka dhashay duqaymana Jabalya ay u badan yihiin haween iyo caruur, isla markanaa ay ku dhaawacmeen boqolaal kale.

Laxidhiidha: Badheedhaha Biden Iyo Is Barbarinta Bin Salmaan

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa goor hore oo Arbaca ah xaqiijiyay in qaraxa ka dhacay xaafadda Falluja ee xerada qaxootiga ee Jabalya uu sabab u ahaa weerar dhanka cirka ah. “Argagixisada Xamaas ayaa lagu ciribtiray weerarka”, waxayna IDF, sheegeen in halkaa lagu dilay Sarkaal sare oo Xamaas ka tirsan oo ku sugnaa xeradda Qaxootiga, Balse saraakiisha Xamaas ayaa beeniyay in Sarkaal ka mid ah uu ku jiray xeradda Qaxootiga, sidaa awgeed aannay waxba ka duwanayn duqaymaha Israel hore ula beegsatay Cusbitaalada, Dugsiyada iyo goobaha addeegyada aasaasiga ah iyo xeryaha Qaxootiga.

Laxidhiidha: Maraykanka Oo Duqeeyay Bakhaaro Uu Sheegay In #Iran Hubka Ugu Kaydiso Xamaas Iyo #Xisbullah

Muuqaal laga soo duubay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya burbur xooggan oo ku hareeraysan god dheer oo ku yaalla xaafadda. Dadka ayaa la arkayaa iyaga oo qodaya burburka halkaasi ku yaalla oo meydad ka raadinaya.

Laxidhiidha: Maraykanka Oo Sacuudiga Ku Daabulay Ciidamo Qayb Ka Ah Duullaanka Qaza Ee Israel

Millateriga Israel ayaa sidoo kale duqaymo cirka ah ka fuliyay Jabalya Salaasadii deegaan ku dhow Falluja. Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa sheegay innay jiraan boqolaal dhaawac ah iyo dhimmasho.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Warbixin: By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com