#Araweelo_News_Network.

Washington(ANN)-Dagaalka Israel iyo Xamaas, ayaa gilgilay saldhigyada Maraykanka ee gobolka oo waajahaya weeraro joogta ah iyo cabsi, wallow Maraykanku kordhiyay , isla markaana sii xoojiyay Maraakiibtiisa xanbaara Gantaalaha iyo Diyaaraddaha iyo ciidamaddiisa ku sugan gobolka si looga difaaco Israel weeraro kaga yimaada Iran oo ah cabsida ugu weyn ee Maraykanka , Israel iyo xullufadda galbeedka.

Saraakiisha Maraykanka  ee Waaxda gaashaandhigga ayaa sheegay in saldhigyada ciidamadda Maraykanka ee Syria iyo Ciraaq la weeraray ugu yaraan 23 jeer labadii toddobaad ee la soo dhaafay, waxaana la arkayay burbur ay soo tebiyeen warbaahinta reer galbeedka, wallow ay  sheegeen in weerrarada xidhiidhka ah aannay ahayn kuwo aan xidhiidh la lahayn dagaalka Israel iyo Xamaas.

Laxidhiidha: Maraykanka Oo Duqeeyay Bakhaaro Uu Sheegay In #Iran Hubka Ugu Kaydiso Xamaas Iyo #Xisbullah

Hase yeeshee waxa aan la dafiri karin in weerrarada Saldhiyada Maraykanka ee Ciraaq iyo Syria si toos ah xidhiidh ula leeyihiin dagaalka Israel iyo xullufadda Maraykanku ka wadaan Qaza, halkaas oo uu ka socdo xasuuq bahalnimo ah iyo go’doomin muddo Afar toddobaad ah.

Weerarada ayaa dhacay labadii toddobaad ee u danbeeyay, iyadoo Maraykanku hore u sheegay in tirogaadhaysa 21 ka mid ah Askarta ku sugan saldhigyada dhaawacyo soo gaadheen, balse ma sheegin inay jirto dhimasho, sidoo kale weerarada ugu danbeeyay saraakiisha Maraykanku ma shaacin weli khasaaraha ka dhashay, waxaase muuqaalada burbur laga arkayo muuqaalada laga baahiyay.

Washington, ayaa sheegtay innay jawaab ka bixisay weerarada todobaadkii hore, iyadoo Laba Diyaaradood oo nooca dagaalka ee Maraykanka F-16  duqeeyeen  xilli danbe Bakhaaro ay sheegeen in lagu kaydiyay hub oo ku yaala Bariga dalka Sryia, isla markaana u dhow xadka uu la wadaago Ciraaq, sida uu sheegay Afhayeenka Pentagon-ka Brig. Gen. Pat Ryder.

Duullaamka iyo Duqaymaha aan loo miidaan deyin ee Qaza, iyadoo Israel dhegaha ka furaysatay baaqyada ka imanaya Mujtamaca aduunka ee lagu dalbayo innay joojiso xasuuqa, taas oo sii kordhisay cadhada ka dhalatay waxyaabaha murruga ah ee ka dhacaya Qaza.

Xaalladda ayaa sii kicisay xaasaasiyada gobolka Bariga dhexe, iyadoo gobolka lagu daabulo hub iyo saanad Millateri, taas oo laga muujinayo wallaac iyo cabsi weyn oo laga baqayo innay xiisadda collaadeed ee dagaalka Israel iyo Xamaas oo ku fidaya gobolka ku faafo aduunka, iyadoo durba dhaqaallaha iyo amniga dunida uu saamayn ku yeeshay tan iyo markii Xamaas weerar loo bixiyay duufaanka Al-Aqsa ay ku qaaday guddaha Israel 7 Oct, 2023.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Warbixin: By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com