Badheedhaha #Biden Iyo Is Barbarinta Bin #Salmaan

#Araweelo_News_Network.

#Gaza #Riyadh #Tel-Aviv #Washington #Middle_Est

Warbixin: By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Riyadh(ANN)-Kumanaan katirsan ciidamada Maraykanka ayaa kasoo degay saldhiga ciidamadda Cirka ee Prince Sultan, Saudi Arabia laba toddobaad ka hor, iyadoo si dhab ah loo oggayn tirada rasmiga ah ee Ciidamadda Maraykanku ku daabulay Saldhiga uu ku leeyahay halkaa oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn Bariga dhexe.

Hase yeeshee waxa ilo wareedyo dhanka Millateriga iyo kuwo dublamaasiyadeed oo ay heshay Araweelo News Network, waxay sheegayaan in tirada Ciidamada Maraykanka ee xilligan lagu xoojiyay Saldhiga Prince Suldan  ay gaadhayaan, 10,000 oo askari , kuwaas oo la geyn doono goobaha ay colaadduhu ka jiraan ee gobolka, si ay u sugaan ammaanka iyo xasiloonida gobolka Bariga Dhexe.

Ciidamadda ayaa gaadhay Riyadh 21 Oct, 2023, sida ay ilo wareedyada ay heshay Araweelo News Network sheegayaan, waxaana markaa kaddib soo baxay in Qorshaha Ciidamadda Maraykanka ee ku sugan gobolka loo kordhiyay oo doorkoodu yahay dagaalka Israel iyo Xamaas oo saamayn weyn ku yeeshay gobolka iyo dunida kale, isla markaana abuuray xaallad xaasaasi ah iyo cabsi soo waajahday gobolka, iyadoo laga cabsi qabo inuu ku fido Mandaqada Bariga dhexe oo ma mid ah meelaha ugu xaasaasisan aduunka.

Sidoo kale, waxa soo baxay in Toban ka mid ah Senator oo Maraykan ah, ayaa todobaadkii hore booqasho la xidhiidha arrimaha gobolka iyo dagaalka Israel iyo Xamaas ku tagey magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga, halkaas oo ay kula kulmeen dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Richard Blumenthal, oo Senator Dimuqraadi ah lagana soo doorto Connecticut oo ah Caasimadda Hartford, sidoo kale xubin ka ah Guddida Arrimaha Millateriga, ayaa ka mid ahaa mudanayaasha booqday Riyadh ee kulanka qarsoon la yeeshay Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Hase yeeshee, Wargeyska The New York Times oo soo xiganaya Mr. Blumenthal ayaa Khamiistii sheegay in  Hoggaanka Sucuudigu ay ku rajo weyn yihiin in hawlgal dhulka ah lagu baajin karo sababo xasillooni iyo sidoo kale khasaare nafeed. Waxa uu sheegay in ay noqon doonto “mid aad u burbursan” sida ay uga digeen Maraykanka Saraakiisha Sacuudigu.

Dhinaca kale, sida laga soo xigtay mid ka mid ah Saraakiisha Sucuudiga ee ka ag dhow madaxda sare,  Sucuudigu waxay digniino kale oo dheeraad ah u jeediyeen dhiggooda Maraykanka, marar baddan oo ay ka wadahadleen xaalladda dagaalka Israel iyo Xamaas, waxayna Saraakiisha Sacuudigu muujiyeen walaaca ay ka qabaan in duullaan dhulka ah oo ku waajahan Qaza uu ku dambayn karo masiibo soo waajahda gobolka oo dhan.
Wadahadallada ayaa dhacay iyadoo xiisaddu ay ku fiday meelo ka baxsan marinka Qaza. Iyadoo Israa’iil ay duqaymo iyo go’doomin ku hayso shacabka Faalstiin, isla markaana muuqaalada ka imanaya Qaza ay si weyn argagax ugu abuureen mujtamaca Caalamka, iyadoo duulaanka iyo Duqaymaha lagu burburinayo Qaza ay bilawgiiba Maraykanku si badheedh u taageereen Israel, iyagoo xilligan qay b ka ah duqaymaha Qaza oo gebi ahaan go’doonsan, sidoo kalena aannay jirin, Laydh, Biyo, Cunto iyo dhammaan meel gabood ah oo lagaga gaabn karo duqaymaha Israel iyo xullufadda Maraykanka ee socda Afar toddobaad.

Madaxweyne Biden, ayaa si badheedh ah u yidhi, “Shaki kama jiro. Maraykanku wuxuu garab taagan yahay Israa’iil.”, isagoo ka hadlayay dagaalka Israel iyo Xamaas, taas oo si weyn uga cadhaysiisay Mujtamaca Caalamka, iyadoo xataa taageerada Maraykanka iyo dhibaatooyinka xasuuqa iyo murriga leh ee Israel ka wado Qaza ay sababtay innay Mujtamaca Yuhuuda dhaladka ah ee ku dhaqan caalamka, gaar ahaan ku ku nool Maraykanka ka cadhoodeen, iyagoo ku baaqay in la joojiyo dagaalka iyo xasuuqa Qaza, laakiin Madaxweyne Biden oo ay si gaar ah ugu baaqeen ayaa iska sii watay taageerada duullaanka Israel ee dhalisay masiibada weyn ee Qaza.

Sida laga soo xigtay saraakiisha Maraykanka, Mr. Biden wuxuu kula taliyay Israa’iil innay dib u dhigto weerarka  ay ku dhollolay ee dhulka, sababo dhowr ah, sida in waqti dheeri ah loo oggolaado wada xaajoodka la haystayaasha, kordhinta  gargaarka bini’aadanimo ee gaadha Qaza, iyo hagaajinta istiraatiijiyadda dagaalka si aannay u guuldaraysan,  laakiin Benjamin Netanyahu, ayaa ishaaray in ay   jiraan calaamado muujinaya  duulan, isagoo ka cabsi qaba Iran , Xisbullah, Xamaas, Jihaad iyo Xuutiyiinta Yemen.

“Amiir Mohammed iyo Mr. Biden “waxay ku heshiiyeen in la sii wado dadaallo dublamaasiyadeed oo ballaadhan si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka oo dhan, loogana hortago in isku dhacu sii ballaadhto” intii lagu jiray xidhiidhka Isgaadhsiinta toddobaadkan, sidaa waxa lagu sheegay bayaan u muuqda mid ay ku qoran yihiin weedho Afgobaasi ah oo uu soo saaray Aqalka Cad Salaasadii.

Bayaanka ayaa meesha ka saaray wax hadal ah oo ku saabsan duulaanka dhulka, laakiin Xukuumadda Israel ayaa kaddib si cad u sheegtay sida ay uga go’antahay innay tirtiraan Xamaas, isla markaana meesha ka saaraan Falastiin, waana rabitaanka Israel, Washinton iyo xullufadda, waxayna weli Israel iyo kuwa garab taagani sii wadaan duqaymaha, cirka dhulka iyo Badda iyo qorshahooda ay ku doonayaan innay ku galaan guddaha Qaza, si ay usoo afjaraan qadiyadda Falastiin.

Israel iyo Maraykanka ayaa dagaalka ku qarinaya innay uga faa’idaystaan qorshihii lagu baabiinayay Falastiin ee ay saxeexeen Sacuudiga, Masar, Imaaraadka dhawr dal oo Carbeed,xilligii Madaxweyne Truamp, wallow ay Urdun si cad u diiday. taas oo fursad ay u aragto Israel xilligan dagaalka innay uga faa’idaysanay qorshihii cabsida badnaa ee dhawr sannadood ka hor hakadku ku yimi, waana sababta ay ugu baaqayaan innay Qaza ka baxaan iyo taa beddelkeeda ciqaabta dagaalka iyo duqaymaha loogu cabiidiyo, isla markaana loo go’doomiyo. .

Xasuuqa Israa’iil ee Qaza ayaa ka yaabiyay damiirka adduunka oo dhan, iyadoo la arkayo muuqaallo iyo aan dhammaanayn oo muujinaya carruurta Falastiiniyiinta oo ku googooyay Bambaanooyinka Maraykanka ee ay duqeeyeen diyaaradaha dagaalka Israa’iil oo ay wehelyaan kuwa Maraykanka yo gantaallaha kasoo dhacaya Badda iyo Beriga, kuwaas oo si ula kac ah loogu badheedhay innay burburiyaan dad rayid ah.

In kasta oo ay si cad u hadal hayaan xasuuqa dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka iyo weliba Bulshooyinka Caalamku, laakiin saraakiisha Israa’iil iyo hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ayaa sii wada innay  ku dhawaaqaan taageeradooda xaqa ay Israa’iil u leedahay in ay “is difaacdo”.

Hase yeeshee dagaalkan Gaza ayaa ka duwan dagaaladii hore, mana aha oo keliya heerka gardarrada Israa’iil, laakiin falcelinta waddooyinka, Bariga Dhexe ilaa Maraykanka. Israa’iil waxay lumisay sheekada dagaalka, waxayna dadka intiisa baddan rabaan innay arkaan xabbad joojin tobanaan kun oo dunida ah ayaa mudaharaaday, kuwaas oo ay ku jiraan Mujtamaca Yuhuuda dhaladka ah ee Maraykanka, iyagoo   muujiyay dareenkooda iyo in aannay raali ka ahayn xasuuqa Israel ka wado Qaza, waxayna cod dheer ku muujiyaan sida ay uga soo horjeestaan taageerada shuruud la’aanta ah ee Biden ee xasuuqan, wallow aannay weli u muuqan natiijo xaalladda wax ka beddeshay.

Sidaa awgeed Saraakiisha maamulka Biden iyo Sucuudiga waxa muuqata in aannay isku waafiqin in Millateriga Maraykanka iyo kuwa Israel dhanka dhulka ka galaanQaza, taas oo ay Riyadh u aragto innay tahay mid xaasaasi ah, isla markaana guddaha dalka Sacuudiga iyo qoyska Boqortooyadda ee xukunka dalka haysta ku keeni kara kacdoon.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Warbixin: By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com