Qaza: Difaaca Cirka ee Xamaas Waa Sidee Masoo Ridi Karaan Diyaaradda Dagaalka  F-16I Israel Soufa ?

#Araweelo_News_Network.

Warbixin: By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Qaza(ANN)-Ra’iisa Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa isku soo aruuriyay ciidamada ku sugan xadka, kaddib markii loo yeedhay  ilaa 360,000 oo kayd ah waxayna Israel ciidamo iyo taangiyo ay kusoo ururisay xadka Qaza oo ah Dhulka falastiiniyiinta ee ku hoos jira Yuhuuda oo laysugu daray go’doomin iyo garaacis.

ALt: "Qaza"

Qaza muuqaalkan ayay yeelatay garaacista Cirka Dhulka iyo Badda ee Israel ku hayso, Image Araweelo News Network. Captured by Satellite. 15, Oct, 2023.

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in wax baddan ay ku soo wajahan yihiin, isagoo xoojiyay ololaha ka dhanka ah kooxda Xamaas. Millateriga ayaa sheegay innay isku diyaarinayaan innay ka weerarraan  Qaza dhanka Dhulka, Badda iyo Cirka si ay u burburiyaan kooxdaasi, todobaad kaddib markii ay Xamaas weerar loo bixiyay Duufaanka Al-Aqsa  ka fuliyeen Israa’iil oo ay ku qafaasheen in ka baddan 100 qof, isla markaaana dileen boqlaal Askarta Yuhuuda ah.

Diyaaraddaha Israel ayaa duqeeyay bartilmaameedyo ay sheegeen oo ku yaal Qaza habeen hore ka hor weerarka dhulka ee la filayay. Waxaana weli socda oo Qaza ay waajahay duqaymo joogto ah. Israa’iil ayaa shalay sheegtay in taliye sare oo ka tirsan milliteriga Xamaas  oo ay ku andacoonayso inuu hoggaaminayay weerarradii toddobaad ka hor – lagu dilay duqeymaha xagga cirka ah. Israa’iil ayaa la rumeysan yahay inay qorshaynayso weerar ballaadhan oo dhanka dhulka ah, inkastoo aan la shaacin go’aankaa xilliga ay qaadanayaan, balse waxa soo baxaysa innay weli ka maagayso gelitaanka Qaza.

ALt: "Qaza"

Qaza muuqaalka Sawirakan ayaa muujinaya sida Yuhuudu u godoomisay Qaza Cirka Dhulka iyo Badda ee Israel ku hayso, Image Araweelo News Network. Captured by Satellite. 15, Oct, 2023.

Millateriga Israa’iil ayaa sheegtay innay dileen madaxii ciidamada cirka ee Xamaas, Murad Abu Murad, intii lagu guda jiray duqaymo dhanka cirka ah oo ka dhacayay Qaza dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalku ay duqeeyeen xarun hawlgal oo Xamaas ah, halkaas oo ay kooxdu ka fulisay ‘dhaqdhaqaaqa dhinaca hawadda’ ee ka dhanka ah Israa’iil. Diyaaradaha dagaalka ee IAF ayaa sidoo kale xalay duqaymo ballaadhan ka geystay guud ahaan Marinka Qaza.

 

Qaza: Difaaca Cirka ee Xamaas Waa Sidee Masoo Ridi Karaan Diyaaradda Dagaalka  F-16I Israel Soufa ?

Xiisadda dagaalka ayaa weli sii kordhaysa, iyadoo colaada ka dhex aloosan Qaza iyo Israel, saamayn ku yeelatay gobolka iyo dunida kale, waxaana jira muuqaal dhawaan laga soo duubay OSINTdefender uu muujinayay isku daygii geesinimada lahaa ee Xamaas ay ku doonaysay innay ku soo riddo diyaaradii dagaalka ee F-16I ee Israel Soufa.

Dhacdadan oo dhacday subaxnimadii hore ee Jimcihii ayaa muujinaysa sida ay u sii xoogaysanayso colaadda iyo awooddaha doonaya innay ku hirdamaan, iyadoo Maraykanka iyo xulufadda reer galbeedku garab istaageen Israel.

Qaza muuqaalka Sawirakan ayaa muujinaya sida Yuhuuda Diyaaraddahooda F-16I Soufa ee Duqaynaya Qaza Image Araweelo News Network. Captured by Google. 15, Oct, 2023.

Muuqaal ay  wadaagaan OSINT-defender oo lagu baahiyay Twitter ayaa soo bandhigay muuqaal cajiib ah oo ku saabsan Qaza, halkaas oo Nidaamka Difaaca Cirka ee Xamaas, oo la rumaysan yahay inuu yahay MANPADS (Nidaamka Difaaca Hawada Man-Portable), waxaana  la arkayay  isagoo isku dayaya inuu bartilmaameedsado diyaaraddaha F-16I ee Israel Soufa.

Laxidhiidha:Waad dili kartaan dadka hadda ugu sarreeya Xamaas, laakiin ma dili doontaan fikirka Xamaas,”  Levy Suxufiga Caalamiga ah Ee Israel

Sidoo kale, Muuqaalka ayaa muujinaya waqtiyada xamaasadda leh ee gantaalka lagu garaacay diyaaradda soo socota, taasoo abuuraysa qiiq iyo dab cirka ah. Laakiin muuqaalka ayaa ahaa mid aannay caddayn natiijada iskudaygiisu, iyadoo lagu fasiray inuu ahaa mid samays ah oo Xamaas u addeegsatay dacaayad cabsigelin ah, balse Yuhuudu uga faa’idaystay si ay taageeru ugu hesho duqaymaha aan loo miidana deyin, waxayna ka dhigtay mid run ah oo muujinaya isbeddelka gobolka, laakiin xaqiiqda ayaa ah in Xamaas heshay hub iyo saannad  sannadihii lasoo dhaafay, laga soo bilaabo 2012, sida laga soo xigtay sirdoonka Millateriga Isarel, taas oo qayb ka ah fursada weerarkii ugu danbeeyay ee guddaha Israel iyo hubaasha ah innay haystaan hubka gantaalaha ah ee ugu yaraan dili kara Taangiyadda Israel oo ah kuwo si weyn loo tayeeyay iyo tuhunka dhinaca gantaalaha la garabka lagu qaadankaro ee Xamaas, ayaa wallaac weyn ku haya Israel iyo xullufadda Maraykanka innay ciidamadda guddaha u geliyaan Qaza oo gebi ahaan lagu burburiyay duqaynta.

Hubka la qaadan karo ee Taangiyada, Xamaas waxay sidoo kale ku hubaysan yihiin nidaamyada difaaca hawada ee la qaadi karo (MANPADS). Muuqaalkii ugu horreeyay ee hubkan wuxuu ahaa 2012, sida ay diiwaan geliyeen ciidamadda Difaaca Israa’iil.

Arrintan, ayaa loo macnaystay innay muujinay muuqaal ku saabsan awooddaha kobcaya ee Xamaas, kooxda oo ay Maraykanka iyo xulufadda Israel ugu yeedhaan innay yihiin koox xagjirka ah, kuwaas  gacanta ku haya marinka Qaza tan iyo 2007, xilligaa oo doorashadii lagu kala qaybsamay ee kooxaha siyaasadda Falastiin.

Xamaas, ayaa dhaqan ahaan lagu yaqaanay adeegsiga weerarrada gantaallaha, dhacdadani waxay muujinaysaa innay heleen hub hor leh, sida MANPADS. Gantaaladan oo ah kuwo la qaadi karo ee korka ilaa hawada ah ayaa khatar weyn ku ah diyaaraddaha Israel, kuwaas oo laga yaabo in ay wax ka beddelaan dhaqdhaqaaqa dagaalka.

Millateriga Israel ayaa Jimcihii amar ku bixiyay 1.1 milyan oo rayid ah oo ku nool waqooyiga Marinka Qaza inay ka baxaan “koonfur” 24 saacadood gudahood, dalabka ay kooxaha gargaarku sheegeen innay sababi doonto dhibaato bini’aadannimo oo aan la soo koobi karin, wallow hoggaamiyaha Xamaas Ismail Hanniyah ku baaqay in aan la aqbalin ka bixintaanka, balse shacabka ayaa lafahooda la carayay, iyadoo hubka lagu garaacayo aannu ahayn mid wax reebaya, isla markaana laga cabsi qabo inuu reebo cawaaqib xun oo raad ku yeesho mustaqbalka shacbiga Falastiin ee dhabbarka lagu sido.

Laxidhiidha: Wargeyska Haaretz Ee Israel Oo Xukuumadda Yuhuuda Ku Dhaleeceeyay Duqaynta Iyo Godoominta Qaza

Ugu dambayntii waxa ay arrimahan kusoo beegantay xilli la filayo in la weerarro dhulka xeebaha ee go’doonsan, halkaas oo ay masuuliyiintu sheegeen in 1,537 qof lagu dilay tan iyo markii Israa’iil ay bilowday duqaymo ba’an oo ay kaga aargoosanayso weerar ay Xamaas ku qaadday oo ay maleeshiyaadku ku dileen 1,300 oo qof oo ay ku qafaasheen ilaa 150 qof. Xamaas ayaa sheegtay in duqaymaha xooggan ee Israa’iil ay ku xasuuqday shacabka Falastiin, iyadoo goobbaha cibaadada ee taariikhiga ah iyo xarrumaha Caafimaadka sida Cusbitaalada la beegsanayo, kaddib markii dhulka lala simay fooqyada dhismayaasha ay deganaayeen shacabku iyo xarrumaha maamulka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com