Madaxweyne Putin Oo Ka Digay Duqaymaha Israel Iyo In La Barakiciyo Shacabka Falastiin

#Araweelo_News_Network.

Qaza(ANN)- Israel ayaa duqaysay xadka  Masar ee Rafax, halkaas oo ay ku sugan yihiin kumanaan kun oo qof oo ku noolaa Qaza, kuwaas oo kasoo cararay duqaymaha lagu burburiyay Qaza ee Israel.

Kumanaanka qof ee doonaya innay u gudbaan Masar, balse duqaynta ayaa u muuqata mid loogu quus goynayo xukuumadda Qaahira, wallow aannay diyaar u ahayn innay furto dhankeeda xadka.

Laxidhiidha: Khasaaraha Duqaynta Israel  Ee Falastiiniyiinta Gaza iyo Daanta Galbeed

Xadka dhanka Koonfurta Qaza ee Rafax ee ay la wadaago Masar waxaa ku xaniban gaadiid ay leeyihiin Qaramada Midoobay oo doonnayay innay gargaar gaadhsiiyaan Qaza oo godoonsan, wallow ay jiraan dadaallo diblomaasiyadeed oo aan muujinayn rajo wanaagsan oo laga qabo in  lagu furayo ka hor inta aannay Israa’iil billaabin howlgalkeeda dhulka ee la filayo innay ku gasho guddaha Qaza.

Laxidhiidha: #Qaza Israel Waxay Ka Dhigtay Dambaska Maxayse Uga Maagay Innay Ciidamadeedu Guddaha U Galaan?

Qaramada Midoobay ayaa dhankeeda sheegtay in aannay jirin wax horumar ah oo laga gaaray wada xaajoodka dib u furista marinka Rafax, waxayna Qaahira waxay ku eeddaysay  xukuumadda Yuhuuda ee Israa’iil in aannay wada shaqayn ogolayn.

 

Dhammaan waddooyinka ka baxa Qaza ayaa xidhan, iyadoo Israa’iil ay sii waddo duqaymaha cirka ah ee ay kaga jawaabayso weerarkii Xamaas ee 7 Oktoobar, kaas oo sababay dhibaatada ku habsatay Qaza.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa ka wada hadlay xaaladdihii ugu dambeeyay ee fagaaraha Falastiin, iyo dadaallada la doonayo in lagu joojinayo weerarrada Israa’iil ay ku hayso shacabka Falastiin.

Laxidhiidha: Qaza: Difaaca Cirka ee Xamaas Waa Sidee Masoo Ridi Karaan Diyaaradda Dagaalka  F-16I Israel Soufa ?

Madaxweyne  Cabbaas oo khadka Telefoonka ay ku wada xidhiidheen, ayaa u tacsiyeeyay Madaxweyne Putin iyo qoysaskii dhibanayaasha Ruushka ee lagu dilay xiisadda ka taagan marinka Qaza.

Laxidhiidha: Wargeyska Haaretz Ee Israel Oo Xukuumadda Yuhuuda Ku Dhaleeceeyay Duqaynta Iyo Godoominta Qaza

Wakaaladda wararka ee WAFA, ayaa sheegtay in Dhankiisa Madaxweyne Cabbaas ka mahad celiyay mawqifyada Ruushka ee taageeraya xuquuqda dadka Falastiiniyiinta iyo nabad dhammaystiran oo caddaalad ah oo ka jirta Bariga Dhexe oo ku salaysan go’aannada sharcinimada caalamiga ah.

Laxidhiidha:“Waad dili kartaan dadka hadda ugu sarreeya Xamaas, laakiin ma dili doontaan fikirka Xamaas,”  Levy Suxufiga Caalamiga ah Ee Israel

Madaxweye Putin ayaa ku celceliyay baahida loo qabo in la joojiyo weerarrada, lala beegsanyo shacabka Falastiin, isla markaana la sameeyo wadooyin nabdoon oo ay kasoo galaan saadka caafimaadka iyo cunnada iyo sidoo kale biyo iyo Laydh la siiyo dadka Qaza.

Vladimir Putin, ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in laga hortago isku dayga lagu barakicinayo Falastiiniyiinta ee Marinka Qaza, isagoo caddeeyay in falkan loo arko masiibo labaad oo soo waajahday shacabka Falastiin, oo la mid ah tii dhacday 1948.

 

Cabaas ayaa diiday in la laayo dadka rayidka ah ee labada dhinac, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la sii daayo dadka rayidka ah iyo maxaabiista u xidhan labada dhinac, isagoo ula jeeda Xamaas iyo Israel.

 

Madaxweyne Cabbaas wuxuu ku celceliyay u hoggaansanaanta sharciga caalamiga ah iyo heshiisyadii uu saxeexay heshiisyo, diidaya rabshadaha, iyo raacitaanka habab siyaasadeed iyo sharci si loo gaadho yoolalka qaranka Falastiin.

 

Wuxuu intaas ku daray in nabadda iyo amniga lagu gaadhi karo oo kaliya in la dhaqan geliyo xalka labada dowladood ee ku salaysan go’aannada sharci ee caalamiga ah iyo in la aqoonsado dowladda Falastiin.

 

Madaxweyne Putin ayaa dhankiisa ka tacsiyeeyay dhibanayaasha shacabka reer Falastiin, isagoo ku celceliyay innay muhiim tahay in la joojiyo dagaalka, gargaarka bini’aadantinimo, iyo inaan la barakicin Falastiiniyiinta meel ka baxsan dalkooda.

 

Madaxweyne Putin waxa kale oo uu caddeeyey mawqifka Ruushku ku taageerayo xaqa ay dadka Falastiiniyiinta u leeyihiin xorriyadda iyo madaxbannaanida dawladdooda oo caasimaddeedu tahay Bariga Quddus.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com