“waad dili kartaan dadka hadda ugu sarreeya Xamaas, laakiin ma dili doontaan fikirka Xamaas,” ayuu yidhi Levy Suxufiga Caalamiga ah Ee Israel

#Araweelo_News_Network.

Wargeyska Haaretz Ee Israel Oo Xukuumadda Yuhuuda Ku Dhaleeceeyay Duqaynta Iyo Godoominta Qaza

Tel Aviv(ANN)- Wargeyska Haaretz News ee kasoo baxa Israel, ayaa ku dhaleeceeyay ra’iisal wasaaraha Yuhuuda Netanyahu inuu maxaasireeyo shacbiga Falastiin, isla markaana ku garaaco duqayn aan loo miidaan deyin, taas oo uu sheegay in aannay ahayn mid muujinaysa naxariis.

Fallaada weedha Wargeyska ayaa si weyn loogu dhaleeceeyay duqaynta iyo godoominta Qaza, iyadoo saxafiga ku guulaystay abaalmarinta  caalamiga ah, isla markaana ah qoraaga Israel Gideon Levy, si badheedh ah ugu tilmaamay duqaynta dadka Falastiin ee Qaza iyo waxyeelada burburinta Masaajidada uu masuul ka yahay Netanyahu.

 Wargeyska Haaretz ayaa ciwaankiisa ku yidhi, “Israa’iil ma xidhi karto laba milyan oo Qaza ku nool,  iyada oo aan bixin qiimo naxariis leh.”

Suxufiga reer Israel ee  Levy, wuxuu isagoo ka hadlaya falcelinta bulshada Israa’iil ee ku aaddan weerarka lama filaanka ah ee Xamaas, wuxuu arrintaa si weyn ugu dhaleeceeyay Xukuumadda Netanyahu in ay kaliya u abaabushay dagaal dheeraad ah halkii ay siin lahayd gargaar wax ku ool ah dhibanayaasha, masuuliyada waxa ay ko kooban tahay weerarkaa Netanyahu oo keliya”

“Qofna ma hoggaaminayo Israa’iil,” ayuu yidhi Levy, oo sidoo kale ku baaqay in Israa’iil ay qaado godoominta ay ku hayso Qaza oo ay aqbasho, wuxuuna tilmaamay haddii Xukuumadda Netanyahu ololaheedu yahay cidhibtirka Xamaas “waa wax aan macquul ahayn.” Kaddib tobanaan sano oo ay Falastiiniyiintu ku hoos jirtay maamulka Israa’iil, “waad dili kartaan dadka hadda ugu sarreeya Xamaas, laakiin ma dili doontaan fikirka Xamaas,” ayuu yidhi Levy.

Gideon Levy waxa ay taageerayaashiisu ugu bishaareeyeen inuu yahay “Suxufi geesi ah.” Waxa kale oo lagu tilmaamay inuu ahaa nin dacaayad u ah Xamaas iyo xaqa Falastiin, taas oo ka dhigtay ninka loogu neceb yahay Israa’iil. Mr. Levy waa qoraa ka tirsan Wargeyska Israel ee xorta ah, Haaretz. Wuxuu si joogto ah u booqdaa dhulalka la haysto.

 

Levy waxa uu hawshiisa ka dhigay inuu markhaati ka noqdo nolosha Falastiiniyiinta, taas oo sababtay inuu ku guulaysto Abaalmarino kala duwan oo caali ah, sida Abaalmarinta Xuquuqda Aadanaha ee Emil Grunzweig, Abaalmarinta Saxaafadda ee Anna Lindh Foundation iyo Abaalmarinta Nabadda ee Warbaahinta. Waxa kale oo uu kasbaday cadaawadda dhaq-dhaqaaqa xaqa deegaamaynta Faalstiin ee kaga imanay Israa’iiliyiinta oo iyagu kasoo horjeeda xaqa Falastiin.