Khasaaraha Duqaynta Israel  Ee Falastiiniyiinta Gaza iyo Daanta Galbeed

>Israel Tirada Rasmiga Ah Ee Xamaas Haysato

#Araweelo_News_Network.

Tel Aviv (ANN)-Israel ayaa beenisay wararka sheegaya xabbad-joojin ka dhacday Koonfurta Qaza si ay u oggolaato muwaadiniinta ajnabiga ah inay u baxsadaan Masar, halkaas oo ay ku xaniban yihiin kumanaan qof.

Warbaahinta qaar ayaa sheegtay in la furayo xadka Rafax si dadka loogu ogolaado innay ka baxaan, gargaarna u galo dhulka go’doonsan.

Laxidhiidha: #Qaza Israel Waxay Ka Dhigtay Dambaska Maxayse Uga Maagay Innay Ciidamadeedu Guddaha U Galaan?

 

Baabuurta  shidaalka qaada ee Qaramada Midoobay ayaa lagu arkayay deegaanka, balse ilaa hadda ma cadda halka ay u socdaan, maadaama Isreal diiday innay wax ka baxaan ama soo galaan Qaza.

Wararka qaar yaa sheegaya in xabbad joojinta xadka ay qaadan doonto saacado baddan. Laakin xafiiska ra’iisal wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in arrintani aannay sidaa ahayn, wallow ay socdaan dhaqdhaqaaqyo dublamaasiyadeed oo gobolka laysaga dab qaadayo.

Laxidhiidha: Qaza: Difaaca Cirka ee Xamaas Waa Sidee Masoo Ridi Karaan Diyaaradda Dagaalka  F-16I Israel Soufa ?

Millateriga Israa’iil ayaa Isniintii sheegay in 199 la haystayaal ah ay Xamaas ku hayaan Qaza, taasoo ka baddan intii markii hore la qiyaasay. La haystayaasha ayaa la qafaashay kaddib markii Xamaas ay weerarro argagaxiso ku qaaday Israa’iil 7-dii October, taas oo ay Israel kaga jawaabtay duqay aan loo miidaan deyin oo horseeday halaag iyo burbur, isla markaana Qaza ka dhigay muuqaal ahaan meel rogmatay.

Falastiiniyiinta Gaza iyo Daanta Galbeed Khasaaraha Duqaynta Israel

Duqaynta Israel ayaa sababtay 2866 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay, 12,000 oo kale ayaa lagu dhaawacay, duulaanka Israel ee Qaza iyo Daanta Galbeed.

Laxidhiidha: Wargeyska Haaretz Ee Israel Oo Xukuumadda Yuhuuda Ku Dhaleeceeyay Duqaynta Iyo Godoominta Qaza

254 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay, 562 kalena waa lagu dhaawacay 24 saac gudahood maalintii 10-aad ee Israa’iil ee duullaanka rabshaddaha wata ee ka socda marinka Qaza.

ALt: "Qaza"

Qaza muuqaalka Sawirakan ayaa muujinaya sida Yuhuudu u godoomisay Qaza Cirka Dhulka iyo Badda ee Israel ku hayso, Image file, Araweelo News Network. Captured by Satellite. 15, Oct, 2023.

Sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Falastiin ee loo soo gaabiyo (WAFA), oo soo xiganay Cisbitaallada Marinka Qaza ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay iyo ilaa caawa fiidkii la dilay 254 falastiiniyiin ah, 562 kalena la dhaawacay, taasi oo dhimashadu ka dhigayso 2,808 qof, halka 10,850 kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaadheen duqaynta Israel ee marinka Qaza.

ALt: "Maydadka Qaza"

Qaar ka mid ah Maydadka shacabka Falastiin ee duqaynta Israel ee Qaza ku dhintay, Image Wafa 16 Oct, 2023.

Sidoo kale, WAFA, sheegtay in 64% Falastiiniyiinta la dilay ay ahaayeen haween iyo carruur; oo ay ku jiraan 936 haween ah iyo 853 carruur ah.

 

Tirada shaqaallaha caafimaadka ee lagu dilay weerarka gardarada ah ayaa lagu sheegay  warka wakaaladda Falastiin, kuwaas oo ay ku jiraan  37,  dhakhaatiir, kalkaaliyaal caafimaad, iyo kuwa kale.

Laxidhiidha:“Waad dili kartaan dadka hadda ugu sarreeya Xamaas, laakiin ma dili doontaan fikirka Xamaas,”  Levy Suxufiga Caalamiga ah Ee Israel

Waxa lagu xusay warbixinta in 3,731 dhismayaal la deggan yahay oo ay ku jiraan 10,500 Guri, ay gebi ahaanba burburiyeen duqaynta  Israel, halka ilaa 10,000 oo Guri ay qeyb ahaan burbureen, oo ay ku jiraan 7,100 guri oo aan la degi karin.

 

Duulaanka Israa’iil ayaa saameeyay iskuullada, iyadoo 18 Dugsi ay shaqo la’aan ka dhigeen burbur xooggan oo soo gaadhay, halka 150 Dugsi ay qayb ka mid ah waxyeello soo gaadhay, iyadoo xustay in 127 ka mid ah shaqaalaha waxbarashadda iyo boqolaal Arday lagu dilay weerarka gardarada ah ee socda maalintii 10-aad oo xidhiidh ah, iyadoo Israel qorshaynay innay guddaha u gasho Qaza.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com