Israel Oo Cusbitaal Ay Duqaysay Ku Dishay Dad Ka Baddan 500,

> Ruushka Iyo UAE Oo Kulan Degdeg Ah Ugu Yeedhay Gollaha Amaanka

> Madaxweynaha Masar Oo Ku Biiray Joojinta Kulanka Biden

#Araweelo_News_Network.

Qaza(ANN)-Booqashada Madaxweynaha Maraykanka ee ku waajahan Israel, ayaa abuurtay xaallad uga sii dartay gobolka, kaddib markii Israel ay si badheedh ah u duqaysay caawa oo Arbaca ah Cusbitaal, halkaas oo ay ku dhinteen in ka baddan 500 qof.

Laxidhiidha: #Qaza: Duqaymaha Israel Oo Lala Beegsaday Xadka Masar Oo Ay Ku Xaniban Yihiin Kumanaan Qof Iyo Gaadiidka Qaramada Midoobay

Tallaabada Israel ku duqaysay Cusbutaalka ayaa sii kicisay xiisadda gobolka, waxaana si weyn uga cadhooday Hoggaamiyayaal uu Madaxweyne Biden qorsheeyay inuu la kulmo inta lagu guda jira booqashadiisa gobolka.

Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabbaas,ayaa si dhab u shaaciyay in aannu la kulmayn Madaxweyne Biden, wuxuuna kansalay kulankii ka dhici lahaa Jordan, sidoo kale Boqor Cabdllaha Jordan ee Urdun, ayaa joojiyay kulankii Madaxweyne Biden, waxayna xukuumadda Jordan si weyn u canbaaraysay ficilada Israel ee duqaynta dadka shacabka ah, iyadoo tallaabada ugu danbaysay ee habeenimadii Arbacada lagu beegsaday Cisbitaalka lagu dilay shacab ka baddan 500 qof, ay tahay mid aan la aqbali karin.

Laxidhiidha: Madaxweyne Putin Oo Ka Digay Duqaymaha Israel Iyo In La Barakiciyo Shacabka Falastiin

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi, ayaa goor danbe ku biiray hoggaamiyayaasha joojiyay kulanka Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, sida ay sheegtay warbaahinta Masar.

Joe Biden ayaa hore u cadeeyay in Maraykanku garab taagan yahay Israel duqaymaha ay ka waddo Qaza, isagoo bartiisa Twitter ku caddeeyay in uu kala hadlayo Israel arrinta gelitaanka Qaza ee ay qorshaysay iyo xaalladda gobolka, laakiin xaalladda ayaa faraha ka baxday xilligan, waxayna u muuqataa in booqashadiisu noqotay mid weji gabax ah oo aan xal usoo sidin shacabka Falastiin iyo gobolka, iyadoo kale jiraan cabashooyin muddo dheer soo jiitamayay oo ku saabsan wax-qabad la’aanta gobolka ee dowladda Madaxweyne Biden.

Laxidhiidha: Khasaaraha Duqaynta Israel  Ee Falastiiniyiinta Gaza iyo Daanta Galbeed

Dhinaca kale, Ruushka iyo Imaaraadka Carabta, ayaa ku baaqay in gollaha amaanku si deg-deg ah u yeeshaan kulan Arbacada si looga wada hadlo xasuuqa Israel ee shacabka Falastiin, iyadoo duqaynta Israel ku beegsatay Cusbitaalada iyo goobaha waxbarashadda ay xaalladda uga sii dareen.

Laxidhiidha: Qaza: Difaaca Cirka ee Xamaas Waa Sidee Masoo Ridi Karaan Diyaaradda Dagaalka  F-16I Israel Soufa ?

Mudaharaadyo waaweyn iyo canbaarayn ayaa ka socota dalalka Baddan oo dunnida Islaamka iyo kuwa Carabta, Iran, Jordan, Tunisia iyo kuwo kale, waxaa isugu soo baxay fagaarayaasha malaayiin dad ah oo ka cadhaysan awood sheegashada Israel ee shacabka Falastiin iyo aamusnaanta dunnida.

Laxidhiidha: #Qaza Israel Waxay Ka Dhigtay Dambaska Maxayse Uga Maagay Innay Ciidamadeedu Guddaha U Galaan?

Dhinaca kale, Mudaharaadkii ugu weynaa ee Ramallah tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israel iyo Xamaas, ayaa bilaabmay, Booliiska Faalstiin ayaa ridaya sunta dadka ka ilmeysiisa, waxaana la maqlayay qarax kale oo dhawaq ah.

Muuqaalo fowdo ah ayaa muujinaya waddooyinka  oo dagaal ka socdo, iyadoo Booliiska Falastiin ay la halgamayaan sidii ay xaalladda u xakamayn lahaayeen.

Ramallah Dhammaan waddooyinka ka baxa Gaza ayaa xidhan, iyadoo Israa’iil ay sii waddo duqeymaha cirka ah ee ay kaga jawaabayso weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com