#Araweelo_News_Network.

Beijing (ANN)- Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa la filaaya inuu todobaadkan ka qaybgalo shirka Beijing  oo dawladda Shiinuhu ku qiimaynay arrimo dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed oo caalami ah.

Shirka, ayaa kusoo beegmay, iyadoo Toban sano ayaa laga joogo  tan iyo markii Shiinuhu bilaabay mashruuciisa ku waajahan caalamka ee  kaabayaasha caalamiga ah ee ballaadhan, kaas oo lagu magcaabo hindisaha ‘Belt and Road’.

Waxaana shirka Caalamiga ah ee Toddobaadkan Beijing qabanqaabinay ka qaybgelaya , wakiillo ka kala socda in ka badan 100 waddan, kuwaas kulankooda magaalada Beijing  doonaya si ay uga wada hadlaan qorshahan, iyadoo loo  arkay Shiinuhu inuu balaayiin doollar amaahiyo waddamada saboolka ah, oo inta baddan lagu xidho  shuruudo lacag bixin ah.

Balse  Hindisaha  Shiinaha ayaa ka duwan qaabka maalgelinta ee reer galbeedka, kaas oo si weyn loogu arko hab ay Beijing ku xaqiijin karto awooddeeda juquraafi ahaaneed , sidoo kale,  hindisaha oo door weyn uu ku leeyahay Ruushku ayaa ka soo horjeeda khilaafka ba’an ee Israel iyo sidoo kale dagaalka Ruushka ee Ukraine.

Dadka ka soo qeyb galaya waxaa ka mid ah Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, iyadoo sannadihii u danbeeyay xidhiidhka u dhexeeya Shiinaha iyo Ruushka uu ahaa mid  sii kordhayay muhiimad weyna ka cayaaray siyaasadda aduunka, iyadoo Beijing ay diiday inay cambaareyso dagaalka Putin, labada dalna ay u midoobaan halgankooda ay kula dagaalamayaan waxa ay u arkaan inay reer galbeedku  ku maamulaan aduunka.

Sidoo kale, waxa laga yaabaa in shirka lagu soo qaado qorsha xullufadda Shiinaha  iyo Raashiya  ee BRICS  oo xilligan meel wanaagsan maraya, isla markaana ay ku biireen dalal baddan oo saamayn dhaqaale dunida ku leh, kaas oo la doonayo in lagu wiiqo awoodda Maraykanka iyo xullufaddiisa eek u waajahan dunida iyo shuruucda Qaramada Midoobay oo ay dalalka xullufaddu ku doodayaan in dib u habayn lagu sameeyo si loo gaadho isu dheelitir dhaaalaha aduunka iyo awoodda ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com