Biden Wuxuu Abaalmirin Ku Siiyay Oo Ku Faanay Xasuuqa Israel Ku Hayso Falastiin

 

#Araweelo_News_Network.

 

Tel Aviv(ANN)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden booqashadiisa Gobolka Bariga dhexe ayaa uga sii dartay xaalladda, iyadoo uu waajahay wejigabax kaga yimi Boqorka Urdun iyo hoggaamiyayaal kale oo qorshuhu ahaa inuu la kulmo muddada uu ku jiro booqashadiisa u qorshaynayd toddobaadka.

Madaxweyn Biden, markii uu ka degay Madaarka  caalamiga ah ee Ben-Gurion, wuxuu u muujiyay  Netanyahu murrugo, sida ka muuqatay wejigiisa, markaa kaddib waxa uu kulan la yeeshay Hoggaamiyaga Isreal, wuxuuna si badheedha ah u muujiyay sidii horeba looga filayay inuu garab istaago xasuuqa  Israel, (Genocide against the Palestinian population in Gaza.) ku waajahan Falastiin, isagoo aan xataa in yar oo garawshiiyo ah u muujin shacabka Falastiin.

Laxidhiidha: Booqashada Biden Oo Uga Sii Dartay Bariga Dhexe, Boqor Cabdallaha Jordan Iyo Maxamuud Cabaas Oo Diiday Kulanka Madaxweyne Biden

Joe Biden, oo la hadlay ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo ay si wadajir ah labaddoodu ula wadahadleen Teleefishinka Israel,  kaddib markii uu maanta oo Arbaca ah gaadhay magaalada Tel Aviv, wuxuu ka dhawaajiyay in Israel uu ku abaalmarinayo xasuuqa Falastiin.

Biden ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga jawaabo su’aalaha ku saabsan qaraxa ka dhacay isbitaalka Qaza, isagoo tilmaamay in Washington ay u janjeedhto aragtida ay Israel soo bandhigtay iyo dooda ah in uu qaraxa Cusbitaalku ka dhashay gantaalka qaldan ee kooxda xagjirka ah ee Islamic Jihad ka yimi.

“Aad baan uga xumahay ugana xanaaqay qaraxii shalay (Xalay) ka dhacay Qaza, marka la eego wixii aan arkay, waxay u muuqataa in kooxda kale ay sameeyeen, ma aha adiga (Benjamin Netanyahu ).” Si kastaba ha ahaatee, Biden wuxuu sheegay inay jiraan “dad baddan” oo aan hubin waxa sababay qaraxa.

Laxidhiidha: Qaza: Israel Oo Cusbitaal Ay Duqaysay Ku Dishay Dad Ka Baddan 500

Biden wuxuu kaloo abaalgud siiyay dadka Israa’iil, isagoo ku macneeyay mid lagu muujinayo, wuxuu ugu yeedhay, “Geesinimadooda, ka go’naantooda, waa mid cajiib ah, waan ku faanayaa inaan halkan joogo,” ayuu yidhi.

Madaxweyne Biden, ayaa si badheedh ah ugu macneeyay xasuuqa Israel ee shacabka Falastiin mid geesinimo iyo go’aan adkaysi ah, taas oo si weyn uga cadhaysiisay qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha dunnida Muslinka iyo in baddan oo mujtamaca aduunka ah, laakiin waxa loo arkaa mid la filayay in Madaxweyne Biden jeediyo weedho sidan oo kale ah, isagoo xataa duqayntii ugu danbaysay ee Cusbitaalka lagu dilay shacab ka baddan 500, oo Falastiin ah kala mawqif noqday doodda Xukuumadda Yuhuuda ee Israel oo ku eeddayasay kooxda Jihaad, iyadoo Israel si badheedh ah ugu dooday in duqaynta Cusbitaalka Qaza ee habeenimadii Arbacada aannu ahayn mid ka yimi xaggooda.

Laxidhiidha:  Ruushka Iyo UAE Oo Kulan Degdeg Ah Ugu Yeedhay Gollaha Amaanka

Madaxweynaha Mareykanka ayaa booqashadiisu kusoo ururtay Israel oo keliya, iyadoo Jordan ay sheegtay in shir madaxeedka la qaban doono waqti ay dhinacyadu ku heshiiyaan in la soo afjaro ‘dagaalka iyo xasuuqa ka dhanka ah Falastiiniyiinta’ee Israel (Genocide against the Palestinian population in Gaza.)

Duqaynta Arbacadii ee xalay ee Cusbitaalka, ayaa dhacday saacaddo ka hor booqashada Biden ee Tel Aviv, waxayna taasi sababtay in Boqor Cabdallaha Urdun uu baajiyo shir madaxeed lagu waday inuu Arbacada ku qabto magaalada Cammaan ee Caasimadda u ah Jordan, kaas oo uu la yeelan lahaa Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo Boqor Cabdallaha Urdun, Madaxweynaha Masar iyo Falastiin si ay uga wada hadlaan xaalladda Gaza, ayuu yidhi, wasiirka Arrimaha dibadda Ayman Safadi.

Laxidhiidha: Madaxweynaha Masar Oo Ku Biiray Joojinta Kulanka Biden

 

Safadi ayaa sheegay in kulanka la qaban doono xilli ay dhinacyadu ku heshiin karaan in la soo afjaro “dagaalka iyo xasuuqa ka dhanka ah falastiiniyiinta”, isagoo ku eeddeeyay Israa’iil ololaheeda milllateri ee ay gobolka ugu riixayso fowdada’

Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabbaas,ayaa si dhab u shaaciyay xallay  in aannu la kulmayn Madaxweyne Biden, sidoo kale, Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi oo kulanka qayb ka noqon lahaa ayaa xalay dhankiisa shaaciyay in aannu joojiyay kulanka la qorsheeyay ee Urdun Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, sida ay xallay baahisay Araweelo News Network, oo soo xigganay warbaahinta Masar.

Laxidhiidha: Madaxweyne Putin Oo Ka Digay Duqaymaha Israel Iyo In La Barakiciyo Shacabka Falastiin

Joe Biden ayaa hore u caddeeyay ka hor booqashadiisa Bariga dhexe  in Washington ku garab taagan tahay Israel duqaymaha ay ka waddo Qaza, isagoo bartiisa Twitter ku caddeeyay in uu kala hadlayo Israel arrinta gelitaanka Qaza ee ay qorshaysay iyo xaalladda gobolka, laakiin xaalladda ayaa faraha ka baxday xilligan, waxayna u muuqataa in booqashadiisu noqotay mid weji gabax ah oo aan xal usoo sidin shacabka Falastiin iyo gobolka, iyadoo kale jiraan cabashooyin muddo dheer soo jiitamayay oo ku saabsan wax-qabad la’aanta gobolka ee dowladda Madaxweyne Biden.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com